04 December, 2009

Geerida Marxuumad Qamar Aadan Cali iyo Marxuumiintii Kale ee Ku Geeriyooday Qaraxii Muqdisho.


INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN
 
Dhammaan Qooyska reer Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye Suldaan Faahiye, meelkasta oo ay joogaanba. Waxay si wadajir ah uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta badan ee ku timid Marxuumad Doctor QAMAR AADAN CALI, oo ahayd wasiirkii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, oo dhawaan lagu dilay qaraxii bahalnimada iyo waxshinimada iyo axmaqnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Waxan sidoo kale ka tacsiyaynaynaa marxuumintii kale ee masuuliyiin iyo macalimiin iyo Arday intaba lahaa ee isla qaraxaasi qammuunyada badan iyaguna ku qudh waayay.
 
Ilaahay waxan uga baryaynaa inuu marxuumiintaasi ka waraabiyo naxariis janno, ehelkooda iyo qooyskooda iyo qaraabadooda iyo dhamaan qaranka Soomaaliyeedna uu ka siiyo SAMIR IYO IIMAAN.  Waxa kale oo an Ilaahay ka baryaynaa inuu iyagana kuwii ka danbeeyay qaraxaasi makasnimada ahaa, ku ciqaabo If iyo  Aakhiraba.
 
AAMIIN ...............AAMIIN.............AAMIIN.
 
INAA LILAAHI WAA INAA ILEYHI RAAJICUUN


No comments: