25 December, 2009

BAAQ KA SOO BAXAY SHIR AY YEESHEEN BEESHA HABAR YOONIS NORWAY

BAAQ KA SOO BAXAY SHIR AY YEESHEEN BEESHA HABAR YOONIS NORWAY

Ujeedo Baaq ka soo baxay jaaliyadda Habar Yoonis  ee Norway maanta oo bishu tahay 24,12.2009, kaas oo daba socda baaq ku soo baxay  Oodweyne iyo Qarannews taariikhdu markay ahayd 21.12,2009.

1. Hadaanu nahay beesha Habar Yoonis ee ku nool Norway waxaanu caddeynaynaa  baaq ku soo baxay websidka oodweyne iyo qarannews oo lagu been abuurtay magaca jaaliyada  habar yoonis ee norwey  kaas oo lagu aflagaadeeyay suldaan cismaan suldaan cali suldaan madar waxaanu lee nahay baaqaasi waa mid shaqsi ee ma aha mid jaaliyada  habar yoonis ka soo fulay    waxaanu ucadaynaynaa suldaan cismaan iyo beelwaynta habar yoonis in arintaa aanu aad iyo aad uga xunahay  suldaankana waxaanu leenahay arintaa beesha habar yoonis eenoorwey bari ayay ka tahay.

2. Waxay cadaynaysaa jaaliyada habar yoonis ee norwey  inay  raacsantahay  oo kaliya waxa ay ku midaysan yihiin beel waynta
habaryoo oo dhami.

3. Waxaan usoo  jeedinaynaa waxgaradka habar yoonis  guda iyo dibadba in laga shaqeeyo midnimada reerka lagana daayo arimaha reerka waxaan lagu midaysnayn in loo gudbiyo saxaafada.
Abwaan Cabdilaahi Saleeban Bidde - Odayga Jaaliyada.
Cali Diiriye Jaamac.

Muuse Ibraahim Jaamac.

Cabdirashiid Maxamed Axmed (magaalo)

Cabdirisaaq Cismaan Fadal.

Maxamed Cumar Cilmi.

Cali Cumar Nuux.

Mubaarik Cabdirisaaq.

Maxamud Axmed Ducaale.

Maxamed Axmed Maxamed.

Axmad Carmiye.

Ciise Cali Awcabdi.

Cadilqaadir Mahdi Xaashi.

Cumar Xaaji Yuusuf Cayuun.

Axmed Xaaji Maxamed Warsame Seed.

Cabdirisaaq Cali Rigaax.

Maxamed Cumar Cilmi Dalamiye.

Alla Mahad Leh

No comments: