15 November, 2009

Wefti Ciidan ah oo ka socda Itoobiya oo dalka yimi iyo Xukuummada oo ka hadashay

Wefti Ciidan ah oo ka socda Itoobiya oo dalka yimi iyo Xukuummada oo ka hadashay


Hargeysa (Somaliland.Org)- )- Wefti ka socda Dawladda Itoobiya oo habeen hore dalka soo gaadhay, ayaa shalay kulamo la yeeshay Xukuumadda iyo Saraakiisha Booliska Somaliland. Waxaanay Ciidamada Boolisku ka hadleen Warar laysla dhex marayay oo sheegayay in Weftigani ay dalka u yimaadeen laba Wadaad oo toddobaadkii hore isu-dhiibay Xukuumadda, ka dib markii ay Xukuumaddu dalbatay.

Wefti ka socda Dawladda Itoobiya ayaa habeen hore dalka yimi, isla markaana shalay kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland. Weftigan ayaa la sheegay inay shalay Xarunta Wasaaradda Daakhiliga kula kulmeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daakhiliga iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaraddaas.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad oo aanu xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhay oo aanu wax waydiinay arrintan, ayaa ku jawaabay oo yidhi, ?Haa Weftigaasi way jiraan, waanu soo dhawaynay, way yimaaddeen, imikana (xalay) waanu wada cashaynaynaa. Waana arrin Booliis gaar u ah, waxaananu ka wada tashanaynaa nabadgelyada guud ee labada dhinacba (Somaliland iyo Itoobiya).?

Mar aanu Taliyaha waydiinay ujeedada dhabta ah ee Weftigan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, ?Ujeedada socdaalkoodu waxay ku salaysan tahay uun iskaashi Booliskayaga labada dhinac ah?

Ilaa shalay waxa jiray Warar layska dhex marayo oo sheegayay in ujeedada Weftigan Itoobiyaanka ahi ay dalka u yimaadeen inay la kulmaan, isla markaana ay waraysi la yeeshaan labada Wadaad ee Burco ku xidhnaa, kuwaas oo wararka qaarkood ay sheegeen in loo gacan-gelinayayba. Sidaas darteed, Taliye Maxamed Saqadhi Dubbad oo aanu wax ka waydiinay, ayaa Warkaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaanu sheegay in Wefti ay maanta dalka ka amba-baxayaan. ?Arrintaasi waa been oo waxba kama jiraan, waar nimankani xalay (habeen hore), ayaabay yimaaddeen. Meelna may tegin ee anagaa wada fadhiisanay, berritana (maanta) way dhammaanaysaa oo waanu dhammaysanaynaa.? Ayuu yidhi Taliye Saqadhi.

Gebogebadii mar aanu Taliyaha waydiinay tirada Weftigan, wuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo. Waxaanu sheegay in socdaalkani uu jawaab u yahay socdaal ay Saraakiil Booliska Somaliland ahi hore ugu tageen Itoobiya. ?Waa saraakiil Boolis ah, tiradooda iska illow. Sababtoo ah, waxa laga wada hadlayaa waa danta labada dal, horena way u jirtay in anaga nalagu marti qaaday halkaas (Itoobiya), maantana anagaa soo dhawaynay.? Ayuu yidhi Maxamed Saqadhi Dubbad.

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: