19 November, 2009

War-saafadeed: “Farysal Cali Waraabe waxaa ku caddaystay dhukuskiisii dhabarku muuqday, Xoghaya UDUB

War-saafadeed: “Farysal Cali Waraabe waxaa ku caddaystay dhukuskiisii dhabarku muuqday, Xoghaya UDUB

War-saafadeed: "Farysal Cali Waraabe waxaa ku caddaystay dhukuskiisii dhabarku muuqday, Xoghaya UDUB War-saafadeed: "Farysal Cali Waraabe waxaa ku caddaystay dhukuskiisii dhabarku muuqday, waxaana uu u xuubsiibtay in uu noqdo Loyarkii Shaydaanka."Xoghayaha Guud Ee UDUB Jaamac Yaasin Waxaan tixraacayaa qoraalo ku soo baxay bogaga koobaad ee dhawr jariiradood oo maxali ah, oo uuka mid yahay Wargayska Jamhuuriya 4028 ee soo baxay 17-kii bisha November 2009. Jamhuuriya waxa ay daabacay qoraal isu barkan laba arrimood: Waa ta koobaade, waxa ay ku saabsan tahay furitaanka xoolaha nool ee loo iibgeeyo Sayladaha Sucuudi arebiya iyo wadamada kale ee Khaliijka. Farysal Cali Waraabe waxaa ku caddaaytay dhukuskiisii dhabarku muuqday, waxaana uu u xuubsiibtay in uu noqdo Loyarkii Shaydaanka. Shacabka Somaliland waxa uu la lahaa Mamlakada Sucuudi-rebiya xidhiidh dhaqan-dhaqaale oo qotodheer soo jireenna ah, waxaase lagu habsiiyey ambaargu [xayiraad] aanu mutaysan lana garwaaqsan karin. Sagaal sannadood ayay saarnayd xayiraadii uu sucuudigu ku soo rogay xoolaheena nool oo ahaa laf-dhabartii dhaqaalaha Somaliland, iyada oo mar marsiiyo laga dhigtay inay cudur qabaan, 9-kaa sannaadood dacwad ayaa socotay ay hormuud u tahay Jamhuuriyada Somaliland. Adduunka xorta ah ayaynu u dacwoonay, innaga oo jaran-jarooyin kala duwan u marnay furitaanka xoolaheena ayaynu caddaynay inaanay xoolaheenu aanu wax cudur ah qabin. Dhakhtaro caalami ah ayaana ka markhaati kacay caafimaad-wanaaga xoolaheena. Dadaal badan oo aan ka nasasho lahayn ayay xukuumada Somaliland u gashay inay gartaa hesho, waxaana guushii kama dambaysta ahayd u sugnaatay markay dhistay maxjarkii lagama maar-maanka ahaa ee sugayay caafimaadka xoolaheena nool ee dibada loo iib-gaynayo. Libintaas la gaadhay waxaa horseed ka ahaa Xukuumadihii kala dambeeyey ee kadhisnaa xisbiga UDUB ee talada haya. Muddadaas sagaalka sannadood ee dadaalkaasi lama arag lamana maqal xukuumad muqdisho ka dhisan oo hal dacwo ah oo furitaanka xoolaha u gudbisay dawlada Sucuudiga iyo caalamka kalba. Waxaabay arrintu u eegayd in caddaadisku ku waajan yahay Dekeda Berbera iyo guud ahaan Somaliland, waxaa xataa loo arki karayay in maamuladii kala dambeeyey ee xamar ka jiray ay hoos u qaadanayeen wax u-dhigma ama ka sareeya wixii dakhli ka soo geli lahaa xoolaha Nool ee deegaanada Somalidu degto. Waa nasiib darro libintaas xukuumada Somaliland ay u soo hoysay Ummadii dooratay inuu faysal u fidiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo si gaara oo dadban uga farxinaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Raysal wasaare ku xigeen iyo Wasaral maaliyaha dawlada Xamar. Bayd Gabay ah ayaa odhanayey "Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine xaashay nin libin kaa xaasiday xumihii waa yaabe," Shaw Faysal Cali Waraabow Farxada shacabka Somaliland ee ficilkiisii ku guulaystay waxa ay adiga kuu tahay guul-darro aad qarsan kari wayday. Waxaanaad daaha ka rogtay guntiimadii uu sheegay Sheekh Shariif ee ahayd in Somaliland wax ugu laaban yihiin. Gabayaa Soomaaliyeed ay laga hayay "Baadida ninbaa kula daydayi daalka kaa baban, oo aan doonahayn inaad heshid daa'in abidkaa, dadkuna moodi duul wada-dashay oon wax u dahsoonayn." 2- Arrinta labaad ee aan doonayo inaan jawaabta ka bixiyaana waa middii uu Faysal Cali Waraabe yidhi 'Adduunka oo dhan ayaa Albaabada ka xidhay xukuumada Rayaale,'fikradaa iyada ah ee dhaleecaynta ah u malayn maayo inay jirto cid la qabtaa, oo aan ka ahayn jaallihiisa suuban ee Axmed Maxamed Siilaanyo. Waa naqidaad ay ku caan-baxeen labadaas hogaamiye xisbi ee mucaaradka ah. Shacabka Somaliland ee bisili isaga ayaa ka jawaabi doona su'aalahan aan hoos ku xusi doono:- Xukuumada Daahir Rayaale Kaahin ma waxa ay albaabadu ku soo xidhmeen markii ay si xigmadi ku dheehan tahay u xoraysay Goboladeedii bari? Ma waxay albaabada caalamku ku soo xidhmeen markii ay si firfircooni ah loogu bogay uga qayb-gashay dagaalka lagula jiro agagixisada caalamiga ah ee bad iyo berriba? Albaabadu ma waxa ay ku soo xidhmeen markii la qaaday xayiraadii dhoofinta xoolaha nool ee Somaliland ka dib markii ay dhistay maxjarka weyn ee xoolaha ee Berbera? Albaabada caalamku ma waxa ay ku soo xidhmeen markii Baasaaboorkii Somaliland uu noqday mid laga aqbalo qayb caalamka ka mid ah? Ma waxa ay Albaabada caalamku ku soo xidhmeen markii Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay durba ballan qaaday inay xafiis toos ugu xidhan New York ka furanayso magaalo-madax caasimada Somaliland ee Hargaysa? Ma waxa ay albaabada caalamku inaga xidhmeen markii darajadii 3-da [Grade 3] ee nabadgelada Somaliland ee inaga luntay 29-kii October 2008 la inoo soo wado? Ma waxa ay albaabada adduunku inaga soo xidhmeen marka mucaawinooyinkii caalamku ina siin jiray la inoo laban-laabayo? Mucaawiniyooyinkaas oo ay xitaa ku jiraan iyada oo la innaga gargaarayo dhismeyaaha waddooyinka heer-caalami ah oo waddankeena laga hir-geliyo. Sidaa darteed, waxaa muuqata in eedaynta iyo dhaliisha ay ka midaysan yihiin Faysal Cali Waraabe iyo Saaxiibkii Axmed Siilaanyo ee ay dusha ka saarayaan xukuumada qunyar socodka ee daacada ah ee uu hogaaminayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin aanay ku kasbin karayn kalsoonida shacabka Somaliland ee xorta ah. Allaa Mahad leh. Xogayaha Guud Ee Xisbiga UDUBMd. Jaamac Yaasiin Faarax
d
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: