05 November, 2009

“Sirtii Qaranka ee Macluumaadka Diiwaangelinta waxa loo qaaday Nairobi”

"Sirtii Qaranka ee Macluumaadka Diiwaangelinta waxa loo qaaday Nairobi"

Guddoomiyihii Komishankii hore Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden) oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA maanta, ayaa ugu horrayn ka warbixiyay habkii ay Xilka u wareejiyeen iyo waxyaabaha ay ku wareejiyeen Guddidan cusub. "Waxaanu ku tagnay si sulux ah oo tanaasul ah oo danta umadda ayaanu eegnay..waxaanu wareejinay oo waxyaabaha aanu wareejinay ka mid ah Lacagtii loogu talo-galay Doorashadii baaqatay. Waxaana ka mid ah hordhacii Lacagtii Dawladdu bixin lahayd oo dhan Milyan iyo Boqol kun oo dollar oo Xisaabaadka Komishanka ku jira. Baabuur ugumaanu iman Xarunta Komishanka ee waxaanu ku wareejinay ilaa 8 Baabuur oo ay kaga maarmi karayaan kiraysashada Baabuurta kale. Waxaanu dhisnay ilaa Afar dhisme oo uu ka mid yahay Qolka weyn ee aanu Server-ka u dhisnay. Intaas ayaa ugu waynayd wixii aanu wareejinay." Ayuu yidhi Jaamac-Sweden.

Guddoomiyihii guddidii hore ee xilka iska casilay waxa uu eedda Doorashada dib u dhacday ku tilmaamay hawsha Diiwaangelinta. Waxaanu sheegay in Macluumaadkii Diiwaangelinta oo uu sheegay inay sir qaran tahay loo qaaday Dalka Kenya. "Doorashadii habsaantay waxa keentay Server-ka..Xil baa ka saarnaa Komishanka arrintaa, waxase aad mooddaa in nalagala wareegay. Sababtoo ah, Shirkadihii loo dhiibay may ahayn kuwo aqoon taam ah u leh..Ku-cel-celin iyo dhibaato badani way dhacday..Waxa arrintaa naga saarnayd Xil, balse waxay u muuqatay in nalaga faro-maroojiyay Xilkaas..waxa dhacday oo aan qarsoonayn in marjaca xogta ee loo noqonayo haddii uu wax noqdo xogta ku jirta Server-ku ay qoladii gacanta ku haysay u qaadeen Nairobi. Waanu ku qabsanay oo waxaanu nidhi, maxaad u qaaddeen waayo waa sir Qaranku leeyahay. Balse, Server-kii Nairobi waa lagaga soo shaqaynayaa oo wa loo qaaday ma hayno oo halkan (Hargeysa) ayuu yaalaa." Ayuu yidhi Jaamac mar wax laga waydiiyay warar sheegayay in Agabkii kala-shaandhaynta Is-diiwaangeliyayaasha (Server) loo qaaday Kenya.

Mar la sii waydiiyay Jaamac-Sweden in qaadista macluumaadka Diiwaangelintu ay ku timi xil-gudasho-la'aan dhinacooda ka timi, ayaa ku jawaabay oo yidhi, "Heshiiskii aanu la galnay Hay'addii halkan joogtay (Interpeace) wuxuu ahaa mid dhinac ka raran oo iyadu samaysatay. Sababtoo ah, Ilaa hadda aanu joogno Server-ka iyo qalabka Diiwaangelointa waxa isla leh Deeq-bixiyayaasha. Markaa Komishanka xilka wareejiyay, xilkii ay lahaayeen waxa meesha ka saaray dhaqaalihii oo ninkii Lacagta bixinayay ayaa yidhi waxan anigaa leh.." waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Xisbiyada Mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga UCID oo hormood ka ahaa Diiwaangelintaa, waxaan odhan karaa Faysal Abbaan buu u ahaa Hay'addii Interpeace oo maalin kasta wuxuu lahaa yaan lala hadlin Interpeace. Waxaanu qabnaa in la soo celiyo maanta Sirtii Qaranka ee loo qaaday Nairobi…waxa meesha taala in aanay meeshaa ku jirin wax umadda lagu lu'gooyaa oo ay soo bixi doonaan wax umadda aan anfacay..Khuburada la keenayo ma madax-bannaanaan doonaan, haddaanay madax-bannaanaan doonin, in meeshaa wax laga soo saaraa waa mid adkaan doonta."

Guddoomiyihii Guddidii hore ee Komishanka oo wax laga waydiiyay Lacagta Daynta ah ee la sheegay in lagu leeyahay Guddigoodii, ayaa ka hadlay xaddiga lacagtaas iyo sida loogu yeeshay. "Horta, Komishanku sir buu leeyahay, laakiin dayn Xafiiska lagu leeyahay oo Diiwaangelintii sanadka ka hadhay oo mashruucii Diiwaangelinta, qaybtii Kirooyinka Baabuurta ee gobollada iyo Degmooyinka oo saddex bilood ah, waa Lacag aan isleeyahay waxa Interpeace u hakisay in laga dhigo meelaha Komishanka dagaalkooda laga soo galayo in la yidhaahdo Dayn baa lagu leeyahay..Iyagaa lagu leeyahay. Sidii loogu lahaana Xafiiskay taalaa oo waa la hayaa. Balse, marka aan qiyaaso waa ilaa saddex Boqol oo Kun ku dhawaad." Ayuu yidhi Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden).

XIG:Somaliland.Org

No comments: