04 November, 2009

Ninkii Ciidamada Burco qabashadiisii dadka u dhaawaceen oo......

Ninkii Ciidamada Burco qabashadiisii dadka u dhaawaceen oo ka hadlay tuhunka laga qabo

Hargeysa (Somaliland.Org)- Siciid Axmed Jaar oo Ciidamada ammaanka ee Burco ku daba-joogeen ka dib markii la tuhmay, ayaa maanta ka hadlay arrintaas.

Siciid Axmed Warsaxaafadeed uu arrintaa ka soo saaray, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

?Hadaan ahay Siciid Axmed Xaaji Jaamac Waxaan Warsaxaafadeedkaygan ku cadaynayaa Arimo ku saabsan isku day qabasho iyo weerar la ii gaystay.kaas oo ay ka dhalatay dhibaato lasoo gaadhsiiyay.dad ka mida ehelkaygii iyo qaraabadaydiiba.

Hadaba hadaan si kooban udulmaro arinta ku saabsan falkii weerarka ahaa ee laygu soo qaaday waxay udhacday sidan.

Waxay ahayd Axad, November 01, 2009.waxaan ka soo baxay Masaajid aan ku soo tukaday Salaaddii Duhur. Islamarkiiba waxaan is-arkay aniga oo dhex-taagan Ciidan farabadan oo la ii sii diyaariyay, kuwaas oo igu boobay gacmo maroojin iyo haddidaad faraban. Arintaas oo aad u kicisay dadwaynihii ka soo baxay Masaajidka. Islamarkiiba waxaa si nabadgalyo ah kusoo galay arintii odayaal iyo waxgarad beeshayda ah, kuwaas oo ku qanciyay taliyihii iyo taliye kuxigeenkiisii oo kala ah; 1-Cabdiraxmaan fooxle (Hoggaanka Ciidanka watay) iyo Yuusuf Shire (Ku-xigeenka loo magacabay bariga Burco) in ay iyagu damaanad qaadayaan keenistayda, Ciidankana laga dulqaado Suuqa iyo Bulshada. Taasi may qancin hoggaankii Ciidanka meesha marayay. Waxaanay bixiyeen amar lagu rasaasaynayo bulshadii ku soo xoontay goobta. Sidaana waxaa ku yimi dhaawac loo geestay dad ka mida qaraabadaydii.

Intaas haddaan ku dhaafo Warbixintii dhacdada, waxaan u gudbayaa aniga iyo iska warankayga.

Anigu waxaan ahay Siciid Axmed Jaar, waxaan ku dhashay Burco, waxaanan ahay Nin Wadaad ah oo Ganacsade ah. Haba-yaraatee, wax dhibaato ah oo aan u gaystay dadkayga iyo dalkayga midna ma jirto. iskaddaa dhibaatayne, waxaan u heelanahay horimarinta dadkayga iyo dalkayga. Ma ihi waxa loo yaqaano Argagixisada, kamana tirsani Koox diimeed hubaysan. Waxaan ka soo qaybqaatay shirarkii dib-u-heshiineed ee ka dhacay dalka dhammaan sida kii Baalidhaye, Duruqsi, Beer iyo Waraabeeye.

Waxaan ku jiraa gudida horumarinta Gobolka Togdheer, Allah mahaddiina waxaa noo qabsoomay mashaariic fara badan oo dadka iyo dalkaba waxtar u leh, sida; Jaamacadda Gobolka Togdheer, Cubitaalka dadka waalan ee Maandhaye, Biriijka labaad ee magaalada Burco iyo qaar kale oo socda, qabyana ah. Waxqabadkaygaasi igama aha in aan ku faano, laakiin waxaan u sheegayaa bulshada sida khaldan wax loogu sheegay in aan Anigu uga lexe-jeclo badanahay dalka iyo dadkaba kuwa kolba igu soo duulaya.

Haddaba, waxaan ku soo gunaanadayaa Warsaxaafadeedkaygan;

-Weerarkan la igu soo qaaday maaha kii koowaad ee waa kii sadexaad, mar kastana waxaa la igu raadsanayay xaq-darro, waxaanan filayaa in ay jiraan dad ay risiq u tahay wax-ka-sheegaygu.

-Anigu ma ihi danbiile, reerkayguna igu difaaci maayaan danbi aan galay. Waxaan haystaa waraaqo danbi-la?aan ah oo ay ii qoreen laba Wasiir iyo Guddida nabadgalyada Gobolka Togdheer. Odayaashaydana waxaa laga qoray dammaanad, lamana ixtiraamin caddaymahaa hore iyo heshiiskaas. Hadda oo aanu isugu tagnay Xarunta Gobalkana, waxay qireen dhammaan gudidii nabadgalyada iyo hoggaankii Ciidankuba in aanay jirin wax danbiya oo ay igu haystaan. Haddana, weerarku mar walba wuu I saaran yahay.

-Waxaa igu dhacay weerar, waxaa igu dhacay dagaal, waxaa igu dhacay dhaawac, walina waa la igu wadaa. Nin kasta oo masuul ah oo Xukuumadda ah waxa uu leeyay, wax danbiya kuuma hayno, aniguna sidaan idiin sheegay wax danbiya ma qabo.

-Xukuumadda waxaan leeyay, aniga dan iima aha nabadgalyo-xumadu, shacabkana dan uma aha in si gardaro ah loo rasaaseeyo, xukuumaddana dan uma aha in la khalkhal-galiyo, shacabkana laga horkeeno. Ha iskana shaandhayso Warka loo keenayo ee ujeedada huwan.

Ugu danbayn, waxaan ku talinayaa in la wada ilaashado nabad-galyada, wax kasta oo dhacana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-afgarad, lana ixtiraamo culimada.?

No comments: