22 November, 2009

Maraykanka oo shaaciyay fadeexado uu galay Maamul-gobolleedka Puntland

Maraykanka oo shaaciyay fadeexado uu galay Maamul-gobolleedka Puntland

Mr. Donald Payne ayaa Warsaxaafadeed uu dorraad soo saaray ku sheegay in Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Cabdiraxmaan Sh. Maxamed (Faroole) iyo Xukuumaddiisu ay caadaysteen tacaddiyo lagula kaco Soomaalida aan Puntland u dhalan, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Ogaadeeniya.

Donald Payne wuxuu ka war-bixiyay arrimmo ay ka wada-hadleen dhawr jeer oo kala duwan.

Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystiran ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

"Badhtamihii bishii October, dawladda Puntland waxay xidhay shan nin oo u dhashay Ogaadeen. Raggani waxay Puntland yimaadeen iyaga oo sita Waraaqo socdaal oo ay siiyeen Masuuliyiinta Soomaalida ee Yemen ku sugan. Ciidamada amniga Puntland iyo Itoobiyaan ay marti-qaadeen Maamulka Puntland ayaa waraystay Maxaabiistaas. Mid ka mid ah Maxaabiistaas oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdi Maxamed Xasan, loona yaqaano 'Cabdi Teerso',ayaa loo gacan-geliyay Ciidamadii Amniga ee Itoobiya. Halka Maxbuus kalena uu Xabsiga ku dhex dhintay. Sidoo kale, nin da' ah oo reer Puntland ah ayay Maamulkaasi xidhay, ka dib markii uu Xukuumadda dhaliilay.

Maaha markii ugu horraysay ee Maamulka Puntland ku tacaddiyo, jidh-dilo, qudha ka jaro amaba uu Ciidamada amniga Itoobiya u dhiibo rag ka soo jeeda Ogaadeeniya. Sanad ka hor, laba Sarkaal oo sarsare oo ka tirsanaa Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF), ayaa Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland uu u dhiibay Itoobiya. Kuwaas oo Puntland ku yimaadeen ogolaanshaha Maamulka iyo inay kala xaajoodaan dil Oday loo geystay.

Bishii June ee 2009, waxaan marti-qaad u fidiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), si uu u horyimaaddo guddi-hoosaadkayga. Khudbad laga dhegaystay ka dib, waxaan kala xaajooday dhawr arrimood oo ay ka mid tahay bar-tilmaameedsiga iyo u-dhiibista Itoobiya ee Ogaadeenka. Waxa kalsooni laysu siiyay in aanay dib u dhici doonin arrintan oo kale iyo in Dawladdiisu daynayso Bulshadan.

Dedaalo lagu doonayay in lagu xallilo xadhigga shantan nin ee dhawaan la xidhay, waxaan la hadlay Madaxweynaha Puntland, si aanu ugala xaajoodo aragtiyahayga, waxaanan si adag uga dalbaday in si degdeg ah u sii daayo. Waxaanan xitaa u jeediyay in raggan loo diro dal kale oo ay si nabad ah ugu noolaan karaan. Waqtigaa toddobaad baa ka dambeeyay, wax isbedelayna ma jiraan.

Badhtamihii November, waxaan mar kale Kenya kula kulmay Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha, waxaanan ka dalbaday inay sii daayaan saddexda Nin ee ilaa hadda ku xidhan Puntland. Mar kale, wuxuu ballan-qaaday in uu raadinayo dariiqyo lagu sii daayo Maxaabiistan. Xaqiiqdii, Maamulka Puntland waxay hadda cadaawad u hayaan Soomaalida aan reer Puntland ahayn, si ay meelaha qaarkood uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

Waxaan si xoog ah u cambaaraynayaa dhaqamadan kali-taliska iyo meel-ka-dhaca ah, waxaanan ku baaqayaa in si degdeg ah loo sii daayo Maxaabiistan. Waxaan sidoo kale in dadkii ka dambeeyay dilka Maxbuuska dhintay iyo bah-dilka dadka Ogaadeeniya, sharciga la horkeeno. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Masuul sarsare oo tallaabooyinkan amray. Haddii lagu guul-darraysto in si degdeg ah arrimahan wax looga qabto, waxay keeni doontaa cawaaqib-xumo."

Xigasho: Wargeyska Ogaal

No comments: