| "Markii Aanu Aragnay Wadashaqqayn La'aanta Golaha Iyo Baahiyaha Degmada Ayaanu Go'aansanay Inaanu Iscasil, Saddex Xildhibaan Muddo Afar Sano Ah Ayay Dibadaha Ku Maqan Yihiin, Nin Keliya Ayuun Baa Diiday Sexeexa" Md. Maxamed Cali X C/Llaahi |
Hargeysa November 16, 2009 (Haatuf) - Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba ay iska casileen xilkii golaha deegaanka ee degmadaasi, iyagoo sababna uga dhigay is casilaadooda khilaafaad wada shaqayn la'aaneed oo ka dhex aloosan golahooda, |
"Marka Qofkii Khasnada Hayay La Siiyo Laba Amar Oo Marna Uu Guddoomiyuhu Amro Marna Xoghayuhu Amro Ayaa Taasi Waxay Sababtay In Khasnadii La Jabiyo" Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale, C/Raxmaan Xuseen | |
Wajaale, November 16, 2009-(Haatuf)- Guddoomiyaha degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, Maxamuud weyne iyo xoghayaha degmadaaasi Cabdi Abiib oo muddooyinkan u dambeeyay uu ka dhex aloosnaa khilaaf ba'an oo wada shaqeyn la'aaneed ayaa shalay gaadhay halkii u sareysay kaddib markii la sheegay in khasnajjigii degmadaasi uu ka amar diiday guddoomiyaha kana baxsaday goobtii xafiiska la sheegay in guddoomiyaha degmada Wajaale, |
"Awdal Kama Jiraan Wax Raadad Ah Oo Lagu Xusuusto Xukuumadda Maanta Dalka Ka Jirta" Waxaan La Yaabay Cabsida Reer Boorama Ka Qabaan Xukuumadda , Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan | |
Boorama, November 16, 2009 (Haatuf) - Musharraxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo haatan Boorama ku jooga |
"Gaadhiga Saddex Cisho Oo Aan Taarikada Dawlada U Soo Samaynayay Ayaan Watay" Cabdi Haybe | |
Hargeysa, Nov.16, 2009 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Maxamed, ayaa sheegay in gaadhigii lagu caawiyey cusbitaalka guud uu u kaxaystay si uu Lambarka gaadiidka dawladda ugu soo sameeyo, wax khilaaf ahina ka dhexaynin isaga iyo agaasimihii cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab Cabdi ee uu khamiistii todobaadkii hore xilka ka qaaday, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo khilaafka ka dhashay gaadhiga ay hay'ada UNDP ku caawisay haweenka lagula kaco kufsiga ee la keeno cusbitaalka guud, |
No comments:
Post a Comment