Gudoomiyaha UCID Oo Sheegay In Doorashadii RayaaleKu Soo Baxay Aanay Ahayn Doorasho, Balse Ay Ahayd Ku Xumee
"Wadaadka Yar Ee Shariif Haddii Uu Somaliland Nabadgelin Waayo Carabkaanu Ka Jari Doonaa" Faysal Cali Waraabe
Hargeysa November 18, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay in haddii doorashada madaxtooyada si degdeg ah loo qaban waayo ay Somaliland halisi kaga iman karto wax uu ugu yeedhay cadow Sheekh Shariif oo hada u xusul duuban sidii uu Somaliland uga takhalusi lahaa.Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu intaa ku daray, in reer Somaliland u midoobaan difaaca wadankooda islamarkaana codkooda ku aarsadaan doorashada madaxtooyada ee dhawaanta qabsoomaysa, tilmaamayna in ay dadweynaha u taalo sidii loo dhisi lahaa dawlad tayo leh, isagoo sheegay in xukuumada talada haysa ee uu Rayaale hogaamiyaa ay ku fashilantay hogaamintii siyaasadeed ee dalka
Gudoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sidaa ku sheegay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay taageeyaasha UCID ee degmada Axmed Dhagax ku dhaqan, xafalasi oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga UCID oo shalay ka dhacday Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay ,asuliyiinta UCID, taageerayaasha degmada Axmed Dhagax iyo ururo dhalinyaro oo hore u taageeri jiray Udub, balse haatan UCID uga soo digo rogtay.
Waxana halkaa ka khudbado koob-kooban ka jeediyey masuuliyiinta xisbiga UCID oo sheegay sida weyn ee ay ugu faraxsan yihiin dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax ee taageerida weyn ee ay u qabaan Xisbiga UCID inay codkooda siiyaan doorashada ku muujiyey munaasabadan, oo sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan, tilmaameena sida loogu baahan yahay doorasho xalaala oo dalka ka dhacda, islamarkaana xukunkan hada talada haya ee faashilka cod lagaga tirsan lahaa talada in lagala wareego.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka tirsan degmada Axmed Dhagax oo sheegay inay ogaadeen in xisbiga UCID uu yahay ka keliya ee dalka ka saari kara xaalada siyaasadeed ee cawajka ah ee hada ka taagan, gaadhsiina kara mustaqabka horumar iyo barwaaqo iyo shaqo abuuris, waxayna intaa ku dareen in UCID ay ku bahoobeen aqoontii iyo caqliyadii fayoobaa, taas darteedna ay codkooda ku dooranayaan madaxdiisa musharaxiinta u taagan madaxtinmada dalka.
Ugu horan Faysal Cali Waraabe oo xafladaasi ka hadalay waxa ka mid ahaa hadalkiisa "Degmada Axmed Dhagax taariikhdeeda horaa loo sheegay oo waa la ogaa kaalinta ay ka soo qaateen halgankii SNM, markaa taageeradoodii haday UCID siiyeen inta kale ee Somalilandna way ku xigtaa sidan oo kale.
Waa ogaydeen ilaa lixdankii dawladnimadeenii godka inagaga dhacday ilaa maanta ayay hogaan xumadu ina haystaa" "xilligii xisbiga UCID fikirkiisa bailaabay waxay ahayd markii dalka la soo galay ee dagaalkii Buco ee sokeeye dhacay oo xalkii khilaafaadka uu damintiisa qayb laxaadle ka qaatay. Doorashadii marxuum Cigaal madaxweynenimada loogu doortay shirweynihii Boorame 93kii xal bay ahayd oo haykalkaa maanta jira ina soo gaadhsiiyey., laakiin madaxweynahan hada talada dalka haya caqli iyo barnaamij siyaasadeed laguma dooran eek u xumee baa lagu doortay, isna wuxuu is yidhi iska ururso dhaqaalaha dalka, markaa degmada Axamed Dhagax maanta inay UCID taageeraan waxa weeye dadku imika uun bay soo miiraabeen oo wax kala garteen"
Mar uu ka hadlayay siyaasada sheikh shariif ee baryanba uu wado siyaasad xumo ka dhan ah Somaliland, islamarkaana hadii an imika laga hortagin ay halis inagu tahay, tilmaamayna in xukuumadani aanay dalka difaaci karayn taasna lagaga bixi karo doorashada ooh ore loo qabto hogaanna loo dooran, waxanu yidhi "wadaadyar oo reer koonfireed ah ayaa la inooga taag la'yahay oo meel walba la taagan Somaliland ma jirto iyo dadkaba dhibtu way ku wada dhacday, xagee ayay iyaga kaga dhacday inaga dawladii calanka huwanayd baa ina xasuuqday , iyaguna iyagaa is laayay oo badda isku guray, ma dadkeenii diyaaradaha lagu duqeeyay iyo waxa uu is barbar dhigayaa kuwo iyagu dagaalamaya oo kursiga kala jiidanaya, hadaba waxaan idiin sheegayaa dawladani dalba ma difaaci karayso ee walaalayaal inagu aynu midowno oo dalkeena aynu ilaashan, carabka ayaanu ka jaraynaa sheikh shariif iyo kooxdiisa hadii ay ina nabadgelin waayaan, doorashada waa in la qabtaa oo codkiina ku ciil baxdaan" "waa la ina khiyaameeyay oo waxa la inala sugayay inta koonfuri hagaagayso markaa hadaynaan hogaan wanaagsan oo inaga samata saara waa in la hela, xaafada axmed dhagax way biyo laadahay halka madaxweynahana xilli walba uu biyo helo, cisbitaalka waxa ka taagan waad arkaysaan.
Berigii dhoweyd waa ogaydeen komishankii yaraa ee xumaa guurtidu inay lahayd sanad ha loogu daro, odayaasha caaqiladan maanta salaadinta cashuurta yar un baa wax yar looga dhiibaa markaa talo kaleba ma hayaan sida wax loo wadana ma fahmayaan, dawladani haday mar dambe inagu soo baxdo lix bilood gaadhi mayno waa la bakhtiyayaa, markaa xaafada Axmed Dhagax waanu soo dhoweynaynaa gacmo furan, taariikh bay leeyihiin waa dad soo halgamay Somaliland baanay laydh caafimaad u yihiin is bedel doonkoodu".
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay Musharaxa madaxweyne ku xigeenka UCID Dr M/rashid Sh Xasan iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Aadam Maxamed Mire Waqaf iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Baashe oo sheegay mawqifka xisbiga UCID iyo mabaadiidiisa ku taagan cadaalad, daryeel shaqo abuuris iyo horumarin dalka uu gaadhsiiyo, waxayna sheegeen oo kale in ay daruuri tahay wakhtigan xaadirka ah in si degdeg ah isbedel siyaasadeed uu dalka ka dhaco, taana lagaga bixi karo dorasho xor oo xalaala oo dalka ka qabsoonta, waxayna dadweynaha reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha degmada Axmed Dhagax ee muujiyey inay codkooda siinayaan UCID ugu baaqeen inay codkooda ku kala saaraan musharaxiinta jagada madaxtinimada u tartamaya doorashada madaxtooyada.
Xubno ka mid ah taageerayaashii iyo djhalinyaradii u soo digo rogtay UCID oo xaflada ka hadlay ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin in hiil iyo hooba ay la barbar taagan yihiin xisbiga UCID, kaas oo ay sheegeen inay u arkaan mid horumar dalka gaadhsiin Kara in uu yahay.
No comments:
Post a Comment