17 October, 2009

Sool: Qarax dabiici ah oo sababay in uu Dhulku go?o

Sool: Qarax dabiici ah oo sababay in uu Dhulku go?o

Laascaanood (Somaliland.Org)- Deegaan ka tirsan Gobolka Sool, ayaa la sheegay in uu ka dhacay wax loo maleeyay in uu yahay Folkaane ka qarxay. Kaas oo sababay in uu dhulka hoos u qodo meelo kala duwan.

Siday sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, Deegaanka Dhallaamo-cune oo hoos yimaadda Deegaanka Kala-baydh ee Gobolka Sool, ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Qaraxyo xoog leh oo sababay in Dhulku hoos u go?o, kuwaas oo dadka deegaanka ku dhaqan iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolkaas oo goobta tegay ay sheegeen in loo maleeyay in uu yahay Folkaane qarxay amaba Dhul-gariir goobtaa ku dhuftay.

Wararku waxay intaa ku dareen in goobta ka hor intii aanu goobtan Qaraxu ka dhicin, maalmihii la soo dhaafay la arkayay goobahan oo ay ka soo baxayeen Qiiq iyo Gariir xooggan. Kuwaas oo aakhirkii habeen hore sameeyay Qarax xooggan oo laga maqlayay deegaankaas iyo kuwa ku ag-dhaw. Siday sheegeen, dad goobtaas gaadhay oo ka mid ah Masuuliyiinta Gobolka Sool iyo kuwa deegaankaa ka ag-dhawaa, Qaraxan dhacay wuxuu sababay in ay samaysmaan laba God oo waawayn, kuwaas oo qiyaastooda lagu sheegay ilaa 30-Mitir oo isku wareeg ah ballac ahaan iyo dherer ahaanba. Goobtan Qaraxu ka dhacay oo ah Dooxo ku dhex taala meelo Buuraley ah, ayay goob-joogayaashani waxay ntaa ku dareen in labada God ee dillaacay ay ku shubmeen Biyihii Dooxadu.

Sidoo kale, dadka goobta gaadhay waxa kale oo ay sheegeen in laga maqlayay gudaha Godadkan sanqadh ay u qaateen inay tahay in Godku uu dumayo.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: