Waxay Bartilmaameed Ka Dhigteen Dakedda Berbera, Madaarada Iyo Laynta Madaxda Xukuumadda Iyo Mucaaridka | |
Hargeysa October 29, 2009 (Haatuf) - Ururka Argagixisada ee Al-Shabaab ayaa qarka ula saaran inuu dalka Somaliland ka fuliyo hawl gallo qaraxyo cusub oo uu la beegsanayo goobo muhiin ah, oo ay ka mid yihiin Dekedda Berbera, Madaarka Hargeysa, Jaamacadda Hargeysa iyo taliska bilayska Somaliland.Dhaqdhaqaaqyo ay ciidanka bilayska Somaliland todobaadkan ku hawlanaayeen ayaa waxay dabagal ugu jireen shan nin oo ka mid ah masuuliyiinta sare-sare ee ururka Al-shabaab, |
Ciidanka Qaranka Oo Joojiyey Madaarkii Laga Macmalayey Buhoodle | |
Buuhoodle, October 29, 2009 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida degmada Buuhoodle ayaa shalay ku waabariistay Airport laga Samaynayey duleedka bari ee degmadaasi, kuwaas oo gabi ahaanba ciidanka qaranku ay si rasmi ah u joojiyeen.Ciidanka qaranka Somaliland ayaa hawlgalka fuliyey, ka dib markii ay ku war heleen in ay dad aan fasax u haysani dhismaha madaarkaasi oo ay todobaadkan ka xaadhxaadhayeen halkaasi goob ilaa saddex kiilomitir dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle. |
Hargeysa October 29, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan ayaa sheegay in madaxweyne Rayaale ay xaga afkaarta ku kala duwanaan karaan, balse ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo isagoo intaa ku daray in komishanka doorashooyinku ay si dhakhso ah u cayimaan maalinta ay dooashada madaxtooyadu qabsoomayso, kana digay dibu dhac dambe oo ku yimaada doorashada. |
Hargeysa 0ctober 29, 2009 (Haatuf) - Todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiiladu ansixiyeen Sabtidii todobaadkan ayaa shalay si rasmi ah gudoomiyaha maxkamada Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane ugu dhaariyay xaflad lagu qabtay qasriga Madaxtooyada. waxaana dhaartii ka dib hadalo kala duwan madashaasi ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo Xubnaha Komishanka, kuwaasi oo dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamada sare Somaliland Maxamed Imaaciil Xirsi (Oomane), |
Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo jeeda gobolka Sool, waxa uu ahaa sanadihii 1997-kii gudoomiya golaha wakiilada Somaliland, ayaa xilka laga qaaday ka dib markii isaga iyo marxuum Cigaal uu khilaaf weyni soo kala dhex galay islamarkaana waxa uu Xaabsade uu wareegay dhinaca maamul goboleedka Puntland, oo uu maamulkii Cadde Muuse ee Garoowe u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, |
Beijing, October 29, 2009 (W.Wararka) - Dowlada China ayaa isu diyaarinaysa inay bixiso lacago madaxfurasho ah, taas oo la filayo inay siiso Kooxaha Budhcad Baddeeda Somalia ee Afduubka ku haysta Markab laga leeyahay Dalkaasi, kaas oo laga qafaashay mar uu marayey meel ka baxsan biyaha Somalia.Xogheyaha Shirkada iska leh Markabka lagu magacaabo De Xin Hai Zhang Zuyue ayaa warbaahinta u sheegay maalintii shalay in Shirkada iska leh Markabka iyo weliba Dowladaasi ay isaka kaashanayaan inay bixiyaan lacago madaxfurasho si kooxda haysata markabkaasi ay u sii deysa markabka iyo shaqaalaha Saaranba. |
Hargyeysa October 29, 2009 (Haatuf)-Agaasimaha guud ee wasaarada dibu dajinta Maxamed Diiriye ayaa shalay kormeer ku tagay deegaanka Mallowle ee dhinaca galbeed kaga beegan caasimada oo ka tirsan gobolka Hargeysa, isagoo agaasimaha dibu dajintu qiimayn ku soo sameeyay shan barkadood oo cabirkoodu yahay ayaa agaasimaha dibu dajinta 500o mitir kuyuub iyo gabiyo moosas ah oo laga sameeyay goobahaasi. |
Gaadhi Laga Soo Buuxiyey Waxyaabaha Qarxa Oo 86 Qof Ku Dilay Dalka Pakistan | |
Peshawar, October 29, 2009 (W.Wararka) - Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku dhex qarxay suuq aad looga dukaamaysto oo ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistaan, kaas oo ay ku dhinteen dad gaadhay 86 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad lagu qiyaasay 200 oo ruux.Weerarka ismiidaaminta ah ayaa ku soo beegmay waxyar uun kadib markii ay dalka soo cago dhigatay Xoghayaha Arimaha Dibeda ee dalka Maraykanka Mrs. Hillary Clinton si ay ugu muujiso dawladda Pakistan in dawladeeddu aad ula dhacsan tahay dagaalka ay dawladda Pakistan kula jirto kooxaha Talibanka, |
Sheekh Shariif Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hoobiyeyaal Ay Ku Weerareen Kooxaha Ka Soo Horjeeda | |
Muqdisho, October 29, 2009 (W.Wararka) - Madaxweynaha dawladda Taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay weerar hoobiyeyaal ah oo lagu soo weeraray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho mar uu halkaasi ka soo degayey. |
Hay'ada Caafimaadka Aduunka Oo Ka Warantay Sababaha Ugu Badan Ee Ay Dadku U Dhintaan | |
Shan waxyaabood oo laga hortagaa waxay yarayn karaan dhimashada mallaayiin da'yar ah, sidaa waxa sheegtay hay'ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimadka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (WHO).Nafaqo darada, galmada xaaraanta ah, Khamriga, cuntada oo aan si dheeli tiran loo cunin(taas oo sababta buurnida) iyo dhiig karka ayaa loo sababaynayaa inay galaaftaan rubuc(1/4) ka mida 60 million oo dhalinyaro oo dhinmata sanad kasta, sidaasi waxay ku sheegtay WHO warbix ay soo saartay. |
Mucjiso aan hore nooceeda loogu arag aduunka ayaa ka dhacday Gobol ku yaala Koonfurta wadanka ruushka,meel u dhaw meelihii uu ku dagaalami jireen chechnyiiintu.mucjisadan oo ilaahay xagiisa ka timid baraarujin iyo xasuusna u ah umada islaamka ah ,waxa uu ILLAAHAY subxaanahuu watacalaa ,fariintan iyo aayadahan inoogu soo gudbiyay oo uu ku soo qoray wiil yar oo loogu magac daray ,ALI YAKUBOV oo ku dhashay tuulo ka mida gobol ku yaala koonfurta wadanka ruushka sidaan hore usoo sheegnay . |
CADADKII 2182
"Waxaan U Arkayey In Madaxweynuhu Shirguddoonada Baarlamaanka Iyo Madaxda Kale Ee Xisbiyada Uu Ku Marti Qaado Xaflada Dhaarinta Komishanka, Mana Garanayo Waxa Uu Anaga Noogu Koobay" "Waxaan Qabaa In Xubnaha Komishanka La Isku Daayo, Xilkaasina Iyaga Laftooda Ayuu Saaran Yahay"Axmed Siillaanyo | |
Hargeysa, Octobor 28, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa sheegay in aanay xisbi ahaan wax faro-gelin ah aanay ku samaynin xubnaha komishanka doorashooyinku ay u dooran doonaan gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka, |
Hargeysa October 28, 2009 (Haatuf) - Madaxweyne Daahir Rayaale ayaan shirgudoonada labada aqal ee baalamaanka Guurtida iyo Wakiilada aan ku martiqaadin xaflada maanta loo qabanayo dhaarinta xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka oo ku qabsoomi doonta saaka qasriga madaxtooyada, taasoo uu dhaarinta distooriga ah ku dhaarin doon gudoomiyaha maxkamada sare Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane. |
Hargeysa, October 28, 2009 (Haatuf) - Qiimaha sicirka xoolaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyey si qayrul caadi ah kor ugu kacay Saylada weyn ee lagu kala iibsado xoolaha magaalada Hargeysa, waxana neefka adhiga ah ee shillis ugu badnaan shalay la kala siisanayay lix boqol oo shilinka Somaliland ah una dhigma sagaashan dollar.halka ay markii hore qiimaha neefka adhiga ah ka marayay ugu badnaan saddex boqol iyo konton kun shillinka Somaliland oo u dhigma konton ilaa shan iyo konton dollar. |
Ciidanka Bilayska Oo Gacanta Ku Dhigay Ninkii Labaad Ee Qaba Xanuunka Juudaanka | |
Hargeysa October 28, 2009 (Haatuf) - Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa shalay duhurkii gacanta ku dhigay ninkii labaad ee la sheegay inuu qabo xanuunka juudaanka, waxaana masuuliyiinta Bilaysku ay sheegeen inay dalka ku soo badanayaan beryahan u dambeeyay dadka qaba xanuunka Juudaanka, kuwaasi oo ka yimaada dhinaca dalalka dariska la ah Somaliland. |
Budhcad Baddeeda Ka Qawlaysata Xeebaha Somalia oo Afduubay Lamaane Ingiriis Ah | |
Boosaaso, October 28, 2009 (W.Wararka) - Koox Budhcad Baddeeda Soomaali ayaa afduubay lamaane u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaas oo ka soo Afduubay mar ay doon ay wateen ku marayeen Badwaynta Hindiya.Lamaanahan Ingiriiska ah oo hadda Gacanta ugu jira budhcad baddeeda Somlaia oo la kala yidhaahdo Paul iyo Rachel Chandle ayaa waxa cadeeyey inay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ah Kooxaha Budhcad Badeeda Soomaalida oo magaciisa ku sheegay Xassan mar uu la hadlay Wakaalada wararka ee Reuters, |
Boorama, October 28, 2009 (Haatuf) - Ku dhawaad afartameeyo culimaa'udiin ah oo ka kala yimi dalalka Somalia, Somaliland, Yurub, Carabta iyo meelo kale ayaa maalintii labaad shir uga socdaa mid ka mid ah masaajidada Magaalada Boorama, Kulankan culimada oo habeen hore dareeno kala duwan ka dhaliyey magaalada ayaa markii dambe la olgaaday in aanu ahayn mid waxyeelo ku ah dalka, |
Qormadeenan waayaha shalay iyo maantu, waa qormo aynu faaqidaadeeda ku gorfayn doono arrimaha bulshada dhaqanka iyo siyaasada iyo gadgadoonka waayaha. Siyaasiga Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga Udub xilligii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 2003-kii saamayn weyna ku lahaa doorashadaas madaxtooyada ee madaxweyne Rayaale ku guulaystay ayaa maanta ah gudoomiyaha golaha guurtida, |
Cusbitaal Lagu Daweeyo Dadka Qaba Xanuunada Dhimirka Oo Xadhiga Lagaga Jaray Burco | |
Burco, October 28, 2009 (Haatuf) - Cusbitalka Dhimirka Maandheeye ee magaalaa Burco ayaa shalay si rasmiya xadhiga loogaga jaray xafkad balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen, Duqa magaalaa Burco, isuduwaha wasarada caafimadka gobolka, guddida dadweynaha ee horumarinta Burco, xubno ka mid ah ururka TAF oo qayb weyn ka qaatay dhisida Cusbitaalkan iyo marti sharaf kale. |
Boorama, October 28, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige iyo maayarka Boorama C/raxmaan Shide ayaa shalay ka qaybgalay xadflad taageerayaasha xisbiga UDUB ku muujinayeen dedaalka xukuumaddau ku doonbayso inay doorashooyin dalka ka dhacaan isla masrkaana lagu dardaarayey komishanka cusub . |
Caruurta Darbi Jiifka Somlailand Waxay Ku Sugan Yihiin Xaalad Ah Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna! Wariye Muuna Casayr Jaamac | |
Caruurta ayaa ah ubax uu ku faano dal kasta oo dunida guudkeeda ku yaalaa waxaana loo suura galiyaa in dhismaha noloshoodu noqdo mid ay ku taabo galaan iyadoo loo carbiyo in ay yihiin hogaamiyayaashii bari. Hadaba nasiib daro caruurta ku dhaqan s/land ayaa ah qaar ka quustay rajadii nolasha isla markaana waayey taageero dawladeed iyo tu cid kale toona caruurta reer s/land waxay isugu jiraan 3 dabaqadood oo kala ah 1.kuwa ugu tirada yer ayaa ah qaar ka soo jeeda qoysas ladan oo iyagu hela tacliin fiican iyo nolol dhamaystiran |
Berbera, October 28, 2009 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed C/laahi Maxamed ayaa maalintii shalay u xidhay aqoon isweydaarsi mudo Toban maalmood ahayd uga socday hoolka Jaamacada Badda ee Magaalada Berbera 35 xubnood oo ka kala socday Golaha degaanka, madaxda waaxyaha Dowlada hoose iyo ururada Bulshada ee Magaalada Berbera. |
19). Talo Iyo Tusaalayn Komishanka Doorashooyinka -Ahmed Arwo | |
Waa hanbalyo iyo bogaadin iyo dardaaran u socda komishanka cusub ee guddoon wacan. Hor iyo horaan waa komishan leysku raacay, cod aan waxba lagala hadhin lagu fooladeeyey, waxayna Wakiiladu u xidheen cumaamad ay hareero hayaan mucaafid iyo mucaaridba. |
Boorama, October 27, 2009 (Haatuf) -- Aqoonisweydaarsi ku saabsan dedejinta sharciyada loo cuskan doono carruurta sharciga khilaaftta ayaa a lagusoo gebogebeeyey Boorama .Aqoonisweydaarsiugan oo soc\day muddo laba casho ayaa waxa kasooa qaybgalay ku dhawaad kontomeeyo qof oo ka wakiil ahaa ciidamada xabsiyada ,Booliska ,maxkamadahaka ,xeer ilaalinta,culimaauddiinka ,wasaaradda qoyska , |
Nin Walaalkii Dilay Kaddib Markuu Suuliga Hore Uga Soo Bixi Waayay | |
Nin u dhashay wadanka Masar ayaa ciidamada Booliiska dalkaasi gacanta ku dhigeen ka dib markii uu dilay walaalkiis oo suuli ku soo raagay.dhacdadan naxdinta huwan ayaa ayaa la sheegay in Axadii hore nin magaciisa aany wararku soo gudbin ay Booliisku gacanta kusoo dhigeen .Ninkan gacan ku dhiiglaha ayaa wuxuu sheegay in habeenkii axada saq dhexe uu ka soo kacay hurdo isagoo doonayey in uu galo suuliga, hase yeeshee uu ogaadey in walaalkiis uu ku jiro, |
Maansadan oo magaceeda la yidhaahdo Qalbi, waxa curiyey Maxamed Aadan Maxamed (Samiir), waa abwaan da'yar , islamarkaana maansadan ka soo go'aday jacayl dhab ah oo gabadh uu jecelyahay uu tiriyey, ku sifaynayo quruxdeeda iyo dabeecadeeda waxanu yidhi:- |
No comments:
Post a Comment