04 September, 2009

Somaliland:Al Shabab oo Loo Jawaabay

Al Shabab oo Loo Jawaabay
VOA

03-September-2009
Listen to This Report Warbixintii Jawaabtii Al Shabaab
Dhegayso (MP3)

Mid Ka Mid Ah Al Shabab
Mid Ka Mid Ah Al Shabab
Jamhuuriyadda la baxday Somaliland iyo DFKMGayaa ka jawaabay digniintii Hogaamiyaha Al Shabab, Somaliland ayaa sheegtay in Godane uu yahay eedaysnegacan ku dhiigle ah , DFKMG ayaa ku eedeeysay Al Shabaab inay meelaha deggan rabshado ka abuurayaan.

Hadallada weerarka ah ee Hoggaamiyaha Alshabab Ahmed Abdi Godane uu u soo jeediyey Maamulka
Somaliland ayaa waxa ka dhex muuqday Digniino ku wajahan shacanbka reer Somaliland ,taasi oo loo arki karo inay In Ashabab ay ku guda jirto inay damacsan yihiin inay weeraraan goobo cayim oo Somali ka tirsan ,oo Ethiopianku ay ku lug leeyihiin .

Hore ayaa weerarradii ka dhacay magaalada Hargeysa Kal hore ee ay ku naf waayeen ilaa iyo 30, ka qof ku dhowaad 40 qof oo kalna ay ku dhaawacmeen ay Xukuumada Somaliland si toosa oo aan gabasho lahayn ay ugu eedaysey inay ka dambeeyeen kooxda Alshabab .

DFKMG ee Somalia oo ay muddaba ay dagaalamayeen kooxda Al Shabab ayaa u arka hanjabaadda iyo digniinta Alshabab mid la doonayo in qalalaase looga abuuro goobaha deggan ee ay nabadgaliyadu ka jirto sida Somaliland iyo Puntland sida uu sheegay Afhayeenka Bilyaska Somalia Colonel C/Lahi Bariise

Maamulka Somaliland ayaa iyagu u arka in digniinaha noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo soo noqnoqda oo aan shacabka iyo dowladda toona ku dhalinayn dareensida uu sheegay wasiirka arrimaha debadda ee Soamlialand C/Lahi Maxamed Ducale

Weerarada iyo hadallada ka sooo yeera kooxda Alshabab ee ku wajahan DFKMG ee Somalia ayaa ah kuwo dowladdu aanay dheg jalaq u siin .Waxana Madaxweynaha Somalia Sh.Shariif Sh.Ahmed uu ku baaqay in ciidamadiisu ay xabbada jojinayaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyada oo dadka Muslimiintu ay cibaado iyo Alla ka cabsi ku jiraan ,Haseyeeshee kooxaha dowladda ka soo hor jeeda ayaa iyagu horeba ugu baaqay una sheegay inay weerarradooda labanlaabayaan inata lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan .

No comments: