Sir Culus: Dahir Rayale Ayaa ka Danbeeya Dagaalka Ceelbardaale
BAKIPRESS.COM - Baadhitaanno iyo kuurgal loogu jiray dhawaanahanba hadalo baryahan danbe reer Awdal ay isla dhexmarayeen oo sheegayey in Rayaale ka danbeeyo dagaalka ceelbardaale, kulmiyana u ku eedeeyo inay ka danbeeyaan dagaalkan ayaa waxa soo ifbaxaya warar xaqiijinaya arrintaa iyada ah inu Rayaale ka danbeeyo kulmiyana u ku masabidayo. warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxaya sirri-daari madaxtooyada ka mid ah ayaa sheegaya inu Rayaale ka danbeeyo dagaalka ka oogan ceelbardaale.
wararkan oo ka soo yeedhay dadkan oo haldhacsi ahaan afkooga uga soo baxay ayaa tibaaxay in Cawar Xareed oo markii horee ahaa gudoomiye ku-xigeenka ololaha doorashada Gabilay ee xisbiga UDUB, ayaa waxa la sheegaya inu joogay Madaxtooyada, Daahir Rayaalana ay kulmeen maalin ka hor intaanu fulin jidgooyadii u ka sameeyey kalabaydhka ee afarta ruux ee musaafirka ah lagu laayey. Cawar Xareed oo horjooge u ahaa kooxda dilkaa fooshaxun fulisay ee dadka laysay.
Wararku waxa kaloo intaa ay ku dareen in Marwada Madaxweynaha Huda Barkhad Aadan ka dib markii ay gadaal ka ogaatay inu Saygeegu arrinta ka danbeeyo ay ka soo dhooftay dalka faransiiska oo beryahan danbe ay joogtay markii iyada iyo odaygeegu ay ismari waayeen eey isku afgaran waayeen arrintana dalka cadho ay kaga dhoofto iyadoo ka soo horjeedda oo diiddan sida madaxweynuhu u maareynayo arrinta ceelbardaale.
dhanka kale haddaan eegno, iyadoo muddo farabadani ay ka soo wareegta y 11/7 oo ahayd maalintii dadka shacabka ah lagu laayey kalabaydhka, waxa caddaatay in dawladdu diyaar aanay u ahayn inay soo qabato danbiilasha dadka qashay, wax tallaabo ah oo lagus oo qabanayo dabiilyaasha falkaa fooshaxun gaystay illa haddana aanay jirin, halka ergadii dhexdhexaadinta ka wadday labada beeloodna ay sheegeen inay arki kari waayeen madaxweyne Rayaale oo ay rabeen inay ku warceliyaan waxay arrinta ka qabteen iyo waxa loo baahanyahay in laga qabto ee wali qabyada ka ah. waxa intaa dheer oo laga wada dheregsanyahay in gudidii dhexdhexaadintu ay ku hongoobeen inay reer Gabilay ku qanciyaan inay soo qabtaan raggii denbiga dilka ah geestay iyo reer gabilay oo arrinta ku gacansaydhay oo iska diiday.
waxa kaloo iyaduna xusuus mudan, in Odayaal reer Dilaad ah iyo qaar kale oo Reer Borama ahi ay sheegeen in madaxweyne Rayaale u yidhi wax dagaal ah oo ad qaadi kartaan ma jirto haddaad qaadaanna waxa dhici doonta inad iska hor timaadaan idinka iyo ciidamada somaliland, la idinkuna fulin doono xeerkii la dhigtay 93 kii kaasoo dhigaya in somaliland dhinac ay ka wada marto qolada baxda amma nabadgelyada khalkhal gelisa, arrintan ka soo yeedhay madaxweynaha oo aad iyo aad ay uga xunyihiin reer Awdal iyadoo reer gabilay dagaallo an kala go?lahan ay soo qaadayaan iyo sida Rayaale aanu waxba uga qaban iyo sida reer Awdal Rayaale ugu cagojulaynayo si aanay tallaabo u qaadin oo u eeg laba aan islahayn.
waxa kaloo intaa dheer, Mar an dadweynaha reer Awdal qaarkood an ka waraysanay arrintan Rayaale lagu eedaynayo, dadkaaso oo an rabin in la magacdhabo ayaa waxay noo sheegeen in Arrintu Rayaale ku cadaanayso haddii la soo qaqabto nimakaa, sidaa darteedna anu diyaar u ahayn soo qabashadooda iyo Rayaale oon weli gaadhin yoolkii uu arrinkan u sameeyey oo ahaa inu buuxiyo qodobka 83 ee xeerka somaliland shuruudihiisa, si aw u helo muddo kordhin kale. sida qodobkaasi qeexayo haddii dalka nabadi aanay ka jirin; waxa waajib ah in loo kordhiyo madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa muddada xilkooda, si aanu u soo bixin firaaq xagga maamulka iyo madaxnimada ahi (power vaccum) arrintaasoo dadlka u horseedi karta burbur qaran.
waxa kaloo dagaal ka dhacay degaanka ceelbardaale saaka subaxdii, dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac horeleh labada dhinacba, dagaalkan oo dhacaya bishan Ramadaan ee barakaysan oo dadku aad iyo aad ay ula yaabanyihiin sababta keentay siiba bisha Ramadaan, halka qaar kalena ay ku macneynayaan inu ka danbeeyo Rayaale oo siyaasaddu dhulka ka taallo maalmahan u danbeeyey, halka golaha wakiiladu la rabaan inay xil ka xayuubin ku sameeyaan iyo golaha guurtida oo iyaguna dhincooda doonaya in Guddoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Aadan uu si ku meelgaadha xilka dalka ugala wareego Rayaale si loo helo dawlad ku meel gaadh ah. warar kale ayaa iyaguna leh Rayaale daglaakan wuxu u samaynayaa si sumcadda uu uga dilo xisbiga mucaarika ah ee kulmiye oo baqdin weyn u ka qabo isagoo hadh iyo habeen sheega in dagaalka u ka danbeeyo xisbiga kulmiye si dadka somaliland xisbiga kulmiye u nacsiiyo, dakuse sida cad waxad mooddaa inay Rayaale iyo dawladdiisaba ay aad uga aamin baxeen oo wax danbe oo ay ka qorayaani aanay jirin habayaraatee.
arrintu si kastaba ha ahaatee waxa dadweynaha reer Awdal niyad jab labaad ku noqday oo u cadaatay in dawladda Rayaale waxa alaale waxay ka qabatay arrinta ceelbardaale aanay jirin oo xataa dagaaladan degaanka ku soo noqnoqanaya anay ciidamada somaliland ee meesha la soo dejay sii hurinayaan dagaalada, waayo ayey yidhaahdeen ninka rasaasta iyo saadka ciidamada u qaabilsani waa nin ay ilma adeer yihiin ina Raage qaate, markii isagii laga cawdayna mid isla reerka ah ayuunbaa lagu soo bedelay ee wax is doorshay ma jiraan. arrimaha ceelbardaale iyo sirta ku degaaman oo isa soo taraya ayaa dadka markhaati ugu filan inu Rayaale ka danbeeyo dagaalka ceelbardaale, sida dad badan oo reer awdal ahi ay hadda aaminsanyihiin, waxanay ku odhanayaan hadaanu ka danbeyn muxuu wax uga qaban laayahay amma ciidamadiisu ugu adeegayaan dhinaca reer gabilay, mar ay hub siiyaan iyo mar adhyaha la naga dhaco ay wadajir u wada qashaan iyo mar dirayska dawladda loo soo galiyo oo ay nagu dagaanba? maxaase loo baadhilaayahay waxyaabahan dhacaya oo dhan, waayo maxay waxaas oo dhani annaga uun noogu dhacayaan haddaan Rayaale dagaalkan ka danbeyn?
isku soo wada xoomiyoo, horaa loo yidhi war jraaba cakaaruu iman.
Wariye: siciid xandulle
Hargaysa, somaliland
Xigasho: Bakipress.com
No comments:
Post a Comment