23 September, 2009

Riyaale Ummadda ayaa xilka u dhiibatey , imikana u garanweydey oo ka qaadeysa!! yaa nagu haysta?!!

Mr. Mangistu yaabka haysta, Sayladdan dhexdhexaadinta belaayada madow ee ka dhex-toostey, iyo yaayaal xumada ka muuqata , wasiirradii sharku, ereyada waqtigu ka dhacay ee Nabadgelyada aynu haysanno "Caws & Biyo ku noosha " laynooga dhigayo, intuba waa xeeladihii Gegida madhan loogu horjoogey Ummadda!! Waxba yey inoo dardaar werin kuwii dumiyey qarankeenna ee sabooleeyey dadkeenna , dekaddeennii cirka mareysayna u dulleyey danaha kale, afduubey xoolaheenna ee waxqabad la'aan , sharci iyo Dastoor ku dhaqan la'aan doonaya in ay muddo kale oo Maanta dhulkii danta Guud iyo jagooyinkii Muwaadiniinta ayaa laga horjoogaaye ay dalkaba ku iibiyaan loo siiyo fursad doonaya !!
Madaxweynenimada laguma helo been la sheego, Xabbad lagu Cabsiiyo shicibka oo lagu laayo, ee waxa lagu kasbadaa Waxqabad , la taaban karo iyo maamul wanaag ummaddu ku ledi karto. Riyaale ummadda ayaa si xor ah xilka ugu dhiibatey, markii uu ka dhammaadeyna , sheydaankii Afweyne dhegaha iska lulay ayaa isna dhegta wax u saarey, Tekniko iyo askar aan garaneyn qarannimadu waxa ay tahay ayuu shacabkii ugu cudud sheegtey, waxase ka baxdey maskaxdiisa, in ay yihiin kuwii AKga kula soo hadhey
qalabkan uu kala hor-tegey shicibka!! Waxa yaqiin ah in aanu Riyaale xukun dambe u qbaneyn Ummadane, muxuu ka wadaa galgalasha?!! Bardaale-Dhuxul dambas huwan uu goorta uu doono huriyo, Is-bahaysiga uu Xaabsade oo Mujrim qaran ah la leeyhay, Siyaasad hore oo Halgankii Xorriyadda ku gubatey in ay tahay wuu ogyahay ee Miyaaa shaley la soo celin!!?
Waxa aan abeen jirin kuwa ku hadla somaliland wey ku burbureysaa khilaafkan taagan!! Dalkan Siddeetanka kun ee Shahiid, Caqli xumidooda ma Riyaale oo aan Buul ku soo kordhin ayuu u burburayaa? Afweyne ayaa hore noo yidhi,"Aniga Dal waa la'iigu iman, dadse la iigu iman maayo" manay dhicin , ee Duhur cad ayaanu dhuunta ku dhufanney, dadkna kala baxney oo dhul ay ku badbaadaan geysanney, hadhaagiisiina Duhur cad ku galley oo ka xoreynay Dalka. Maanta oo 19sano Ummadda kaga luntay qaladaad Maamul, wax la eegan karo maaha Maamul la'aanta Riyaale, Talo -xumda iyo Caga-jugleynta aan raadka lahayn ee Xukun ku dirirka ah.
Bukooraddii Xaaji Cabdi Waraabe ka tegi weydey, Cid kalena laga joojin maayo ee Haddii Nabadgelyada nalgu khuukhin jirey, Maanta lafteeda ayaanu ku qoraacaneynaa, intii Dalkayagu faraha ka baxi lahaa , ummadayadu sabooli lahayd , dekaddayadu xidhmi lahjayd , xoolahaygu Magac jabuuti ku dhoofi lahaayeen, shidaalka istaraatejiga ah ee qaranka ajnebi gacanta ugu jiri lahaa, Sanaag bari , Budhcad Badeedda Punland xaaraan iyo awood aanay yeelan karin ku haysan lahayd, Xuduudhayagu furraan lahaayeen oo col iyo cudurba ummaddayada uga soo geli lahaa, Dalkana afar lacagood oo aan is-geyini ka socon lahayd. Daahir Riyaale waa khaa'in qaran ee waa in xilka iyop Maamuuskaba laga qaado waana in Sharciga la horgeeyo, isna kursi buu hadal hayaaba!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.


No comments: