03 September, 2009

Nuxurka Kulamadii gobollaysanaa ee shalay ilaa xalay

Nuxurka Kulamadii gobollaysanaa ee shalay ilaa xalay
-Madaxtooyadu maxay kaga jawaabtay?

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu shalay iyo xalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, gaar ahaan masuuliyiinta dhinaca amaanka qaabilsan.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan kulamadaas ka soo baxay, haddana siday wararku sheegeen waxay kulamadaas oo xasaasi ahaa kaga wadahadleen qodobo dhowr ah. Warku wuxuu intaa ku daray, in Madaxweyne Rayaale gelinkii hore ee shalay kulan gaar ah Madaxtooyada kula yeeshay masuuliyiinta Xukuumaddiisa kaga jira gobolka Hargeysa, mana cadda waxyaabaha ay ka wadahadleen. Hase yeeshee, wararka qaarkood waxay sheegeen inay ka wadahadlayeen xaalada haatan taagan, adkaynta amaanta guud ahaan, gaar ahaan gobolka masuuliyiinta uu la shiray ka soo jeedaan iyo dardar-gelinta taageero-raadinta xisbigooda. "Dhamaan Wasiirada gobolka Hargeysa kaga jira dawladda, Maayarka Caasimada, Badhasaabka gobolka Hargeysa, ayaa xarunta Madaxtooyada ku shiray, waxaana laga wadahadlayay dardargelinta hawlaha amaanka iyo xaaladaha xilligan taagan, gaar ahaan caasimada…Dabcan, dardar-gelinta hawsha xisbiguna qayb bay ka ahayd." Sidaa waxa yidhi xubin ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Rayaale.

Hase yeeshee, waxa si wayn la isula dhexmarayay in Madaxweynuhu masuuliyiinta Xukuumaddiisa sida la sheegay uu si gobollaysan iyo beelaysan shalay iyo xalay ula kala shiray u bandhigay is-casilaadiisa. Balse, Afhayeenka Madaxweynaha, Siciid Cadaani Mooge oo xalay Wargeyska Ogaal khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay arrintaas, waxa uu beeniyay warkaas soo baxay. "Adeer, warkaasi waa been aan sal iyo raad toona lahayn…Warkaasi ma jiro, waa been-abuur. Dadka Mucaaradka ah ayaa samaynayay, fidmo, khalkhal iyo sas baana dadka lagu abuurayaa," ayuu yidhi Afhayeenku.

Inkastoo Afhayeenka Madaxtooyadu bilawgii xog-waraysigaa ku af-gobaadsaday inuu kulan ku jiro, haddana waxa uu beeniyay guud ahaan kulamada la sheegay in Madaxweynuhu masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan la sheegay shalay iyo xalay. "Waxaas oo dhami ma jiraan, waana been," ayuu yidhi. Mar la waydiiyay in Madaxweynaha kulamadaasi ay ka baajiyeen kulan la yeeshay inuu la yeelan lahaa wefti Qaramada Midoobay ka socday, waxa uu sheegay in hab-maamuus ahaan aanay daruuri ahayn in Madaxweynuhu la kulmo weftigaas, maadaama sida uu xusay uu weftigaas hogaaminayay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Taas bedelkeedana, waxa uu sheegay in Weftigan Qaramada Midoobay ka socday uu kulamo la yeeshay Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan. "Qaramada Midoobay yay soo dirtay? Waxay soo dirtay Ku-xigeenka ninka arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan. Weld Cabdallah meesha ma socdo'e Ku-xigeenkiisi buu soo diray, Wasiiro Xukuumadda ka tirsan baana la kulmay heerkaas. Markaa intaas bay ku dhan tahay. Wixii ay u socdeen Wasiirro ayay ka wada-hadleen, daruurina maaha masuul kasta oo Shaqaale ahi (UN-ka ka tirsan) inuu toos Madaxweynaha u arko," ayuu yidhi.

OGAAL

No comments: