01 September, 2009

Madaxweyne Rayaale Oo Amray in la xidho Abiib Timacad

Madaxweyne Rayaale Oo Amray in la xidho Abiib Timacad
 
Hargeysa(Bnn) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in la xidho Mudane Abiib Diiriye Nuur (Timacad), oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE.

Sidas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay Abiib Timacad, oo xalay wargeyska u waramay "ilaa xalay [habeen hore] warkaas waan maqlayay oo dhegahayga ayuu ka batay, laakiin maanta ilaa galabta ayaan arkay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay duleedka gurigay ka noqdeen, waxaanay malaha hubinayeen inay guriga ciddi joogto." Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur, waxaanu intaas raaciyay, "Caawa [xalay] ayay dad looga qaateen ahi si rasmi ahi iigu soo sheegeen."

Abiib oo la weydiiyay cidda amarka bixisay waxa uu yidhi, "Rayaale ayaa Ina Saqadhi [Taliyaha Booliska] ku amray in lay soo xidho."

Mar la weydiiyay sababta uu u malaynayo in loo xidhayo waxa uu yidhi, "Ma garanayo laakiin waxaan u malaynayaa inay ka mid tahay kibirka Daahir Rayaale Kaahin. Laakiin anigu diyaar ayaan u ahay, waayo sidan oo kale waxa dhaanta geerida. Waxaanan hubaa inuu Daahir Rayaale eeddi doono, anigoo noolna isaga [Madaxweynaha] iyo waxa hoos fadhiyaa I xidhi maayaan."

Xukuumadda iyo hay'adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu eedaynta uu Abiib Diiriye Nuur u jeediyay wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii aanu ku weynay isgaadhsiinta Telefoonka.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay haddii uu jiro amarka uu Madaxweyne Rayaale ku bixiyay in la xidho masuulkan ka tirsan KULMIYE, waxase ay arrintani ku soo beegmaysaa iyadoo uu jiro khilaaf culus oo u dhexeeya xukuumada iyo mucaaradka, kaas oo gaadhay heer aanu abirkii hore u gaadhin.

Abiib Diiriye Nuur, ayaa markii uu Madaxweyne Rayaale sannadkii 2003, ku guulaystay doorashada madaxtooyada noqday Wasiirkii Duulista iyo hawada, balse waxa uu is casilay markii ay sannadkii 2005 Madaxweyne Rayaale isku maandhaafeen qaabkii loo xulay murashixiintii xisbiga UDUB uga qayb gashay doorashadii Baarlamaanka, mudadaas wixii ka dambeeyayna waxa uu ka mid noqday xisbiga KULMIYE, oo uu hadda ka tirsanyahay. 

Wargeyska Geeska

No comments: