03 September, 2009

Amiirka xarakada Al-Shabaab oo fariin digniin ah u jeediyay Somaliland.

Amiirka xarakada Al-Shabaab oo fariin digniin ah u jeediyay Somaliland.

http://www.radiohormuud.dk/news.php?id=2800&page=1
news image

Dhegayso: Fariin uu soo saaray sarkaalka ugu sareeya ururka hubeysan ee Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa wuxuu uga hadlay qodobo dhowr ah, isagoona fariin digniin ah u jeediyay dowladda Somaliland.

Wuxuu uga digay xiriir uu sheegay in Somaliland ay la leedahay dowladda Ethiopia taasoo uu sidoo kale sheegay in ay "dhibaato u keeni karto Somaliland hadii aysan ka laaban heshiiskaasi", waa sida uu hadalka u dhigay.

Listen to This Report Warbixinta Al-shabaab
Dhegayso (MP3)

Abuu Zubeyr ayaa sidoo kale uga digay Somaliland in ay qabqabato shaqsiyaad ka mid ah dadweynaha ka barakacay magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ka dibna "ay gacanta u geliyo ciidamo Itoobiyaan ah".

Bulshada iyo ganacsatada Somaliland iyaguna wuxuu uga digay in ay guryo ka kireeyaan saraakiisha Itoobiya, taasoo uu mar kale tilmaamay in ay keeni karto dhibaato ay adag tahay in mar dambe wax laga qabto.

Wuxuu sheegay in laga fogaado xarumaha ciidanka Itoobiya ku leeyihiin deegaanada Somaliland, isagoo baaq arrintaasi ku wajahan uu u jeediyay bulshada Somaliland.
Mar uu ka hadlayay doorashooyinka la qaban qaabinayo ee Somaliland ayaa waxaa uu ku tilmaamay mid laga leeyahay dano gaar ah ay ka mid tahay "abaabul dagaalo qabaa'il ku saleysan", sida uu yiri.

Waa markii ugu horeysay oo amiirka xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin si kulul uga hadlay arrimaha Somaliland isagoona digniin cad u jeediyay.

Dhinaca kale, dowladda KMG oo durbadiiba jawaab ka bixisay fariintan ayaa ku tilmaamtay mid gebi ahaanba looga goleeyahay in lagu abuuro xasilooni darro horleh.

Afhayeenka booliska dowladda KMG C/llaahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu ku celiyay hanjabaad uu hore u jeediyay in talaabo ka qaadayaan ururka Al-Shabaab, sida uu yiri.

Stuudiyaha Saddexaad,
Radio Hormuud - Muqdisho

Listen to This Report Warbixinta Al-shabaab
Dhegayso (MP3)

No comments: