13 August, 2009

Xus iyo duco loo samaynaayo Marxuum Cali Muxumed Guuleed

Ogeysiis

 Waxaa dadweynah reer Somaliland ee ku dhaqan Oslo iyo hareeraheeda la ogeysiinayaa in maalinta axadda, 16. August, la qabandoono xus iyo duco loo samaynaayo Marxuum Cali Muxumed Guuleed oo dhawaan shil babuur ku geeriyooday duleedka Berbera.

 Xuska waxa lagu qabanayaa  -OLAFIAGANGEN 5 [Posta Grønlend dusheeda] 

saacadda:   14:00  ilaa  18:00.

 Waxa madasha loogu ducayn doona marxuumka, taariikh nololeedkiisiina waa lagu xusidoonaa iyo dhacdooyinka lagu xusuusto.

 Waxaa ummadda reer Somaliland, khaasatan taageereyaasha xisbi qaranka Kulmiye laga codsanayaa in ay ka soo qaybgalaan xuskan muhiimka ah.

 Sulub Ismail Warsame

Guddoomiye

Kulmiye, Laanta Norway

No comments: