17 August, 2009

Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay khasaaraha diblomaasiyadeed ee......

Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay khasaaraha diblomaasiyadeed ee...... 

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in  xukuumaddu xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland gaadhsiisay dhaawac wayn, wadamada midawga Yurubna ay ka aamin baxeen Cabdillahi Maxamed Ducaale, oo ay Hargeisa u soo diraan safiiradooda jooga Nairobi iyo Addis ababa si ay ula kulmaan xisbiyada mucaaridka, golayaasha qaranka iyo madaxwaynaha.Waxaa kaloo lagu bayaamiyay war saxaafadeedkan in xidhiidh cusub oo ay xukuumaadu dhisto ay ugu denbaysay kuwii ay samaysay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Marwo Edna Aadan,  oo aanay Rayaale iyo Cabdillahi Ducaale u samayn Somaliland xidhiidh dibadeed, oo aan ahayn kuwa la xidhiidha heshiisyo ay wax kaga iibinayaan shirkado shisheeya ah, sifo shrciga baal marsan. Wuxuu kaloo warka lagu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu hadda ku dhex jiro hawlgallo diblomaasiyadeed oo uu ku hagaajinayo xidhiidhadii ay Somaliland hore u lahyad bulshada caalamka ee ku burburay gacanta Rayaale iyo Cabdillahi M Ducaale oo ka mid yahay xidhiidhkii ka dhaxeeyay Somaliland iyo Maraykanka.

War saxaafadeedka oo dhammaystiran wuxuu u qornaa sidan.-

Talaabooyinka uu Daahir Rayaale ka qaatay natiijadii diinwaangalinta iyo eryiddii hay'adda Interpeace waxay Somaliland u soo jiideen magac xuma iyo khasaare siyaasadeed oo culus. Waxay arrintani keentay in adduunku dib u eego fikraddii ay hore uga haysteen Somaliland ee ahayd bulsho ku dhisan wadatashi iyo xeerar, kana hortagta xaaladaha xumeeya nabadgalyada. Dareenka bulshada caalamku maanta ka qaadatay siyaasadda xukun maroorsiga u eg ee Daahir Rayaale waxay fogaysay rajadii aynu ka lahayn inaynu iskaashi iyo xidhiidh la yeelano wadamada reer galbeedka

Matalan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiku waxay todobaadkii hore u sheegtay xisbiga KULMIYE inay joojinayaan mucaawinada ay siiyaaan Somaliland haddii dawladdu heshiis deg deg ah kale geli waydo xisbiya mucaaradka ah arrimaha hortaagan in doorasho xor ah oo xalaali ka dhacaan dalka. Dawladda Maraykankuna waxay nagu wargalisay in ay hakinayaan taageerada ay u fidiyaan Somaliland ilaa inta ay Daahir Rayaale dib ugu soo noqonayo hanaankii wadajirka ahaa ee lagu heshiiyay in loo maro doorshooyinka Somaliland. Ergayga u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika dawladda Sweden- oo hadda madax ka ah ururka Midowga Yurub- Mawro Marika Vallen, ayaa iyana todobaadkan caddaysay in wadamada Midowga Yurub ay aad ugu xun yihiin sida xukuumadda Somaliland uga leexatay dariiqii doorshashada ee heshiiska lagu wada ahaa, waxayna ku tilmaantay go'aanka Rayaale mid aad looga xumaado, Somaliland aan dan u ahayn.

Dhinaca kale, talaabada uu qaatay Daahir Rayaale waxay dhabar wareen ku noqotay badigoobkii ay Somaliland ugu jirtay inay hesho aqoonsi siyaasadeed. Hawlagaladii  ay wadeen qaar ka mid ah saaxiibada Somaliland ay ku leedahay dibadda ee ku jahaysnaa aqoonsiga way wada joogsadeen. Waxay dhamaantood muujiyeen warwar ay ka qabaan xaaladda Somaliland, iyo sida Daahir Rayaale kalidii u boobay aaya ka talintii qaranka.Waxayna arrintani ku kaliftay inay hakiyaan hawgaladii dhinacyada badnaa ee ay ku taageeri jireen Somaliland. Waxayna sugayaan inta doorasho xor ah oo xalaali ka dhacayso Somaliland oo bulshada caalamknuna goobjoog ka tahay.

Waxaan dhawaan kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda Baarlamaanada Maraykanka iyo Ingiriiska iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaha arrimaha dibadda ee labadan dawladood. Waxaa wadahadaladan ka soo baxay in xidhiidhka xukuumadda Somaliland la leedahay wadamadani uu hadda marayo meel aad u hoosaysa oo kuba dhaw burbur. Xisbi ahaan waxaanu hadda ku dhex jirnaa hawlgallo aanu ku hagaajinayno xidhiidhadan ay xukuumaddu kharibtay, gaar ahaan kii ka dhaxayn jiray Somaliland iyo Maraykanka.

Xidhiidh cusub oo ay xukuumaadu dhisto waxaa ugu denbeeyay xidhiidhadii ay samaysay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Marwo Edna Aadan. Xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Yurub iyo Maraykanka waxaa samaysay Edna Aadan. Xidhiidhka Itoobiya iyo Koonfirta Afrika ay Somaliland la leeyihiinna waxaa dhidibada u taagay xukuumaddii Maxamed Ibraahim Cigaal. Rayaale iyo Cabdillahi Ducaale umay samayn Somaliland xidhiidh siyaasadeed oo dibadeed.

Waxaana hadda muuqata in xukuumaddu ku fashilantay maamulidda xidhiidhadii hore u jiray, kuwa kaloo sameeyaan iska daayoo.Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland wuxuu gaadhsiiyay dhaawac wayn, wadamada midawga Yurubna lama xidhiidhaan Cabdillahi Maxamed Ducaale, ee waxay Hargeisa u soo diraan safiiradooda jooga Nairobi iyo Addis Abeba si ay u maamulaan xidhiidhkooda Somaliland. Waxayna arrimahani markhaati u yihiin in Somaliland hadda go'doon ku jirto, siyaasad dibadeed oo u shaqaysaana aany jirin.

Xidhiidhada qudha ee Rayaale iyo Cabdillahi Ducaale ay sameeyeen waa kuwa dhex maray iyaga iyo shirkado ganacsi oo shisheeye ah oo ku saabsan iibgaynta khayraadka dalka iyagoon soo marin golayaasha qaranka. Waxaanu caddaynaynaa in marka KULMIYE xukunka ku guulaysto uu dhamaan heshiisyada ganacsi ama maalgalineed ee uu Daahir Rayaale sida sharciga baalmarsan ee qarsoodiga ah uu ula galay shirkadaha shisheeye dib u eegi doono. Wargalin arrintan la xidhiidhana waxaanu dhawaan u gudbinay qaar ka mid ah shirkadaha uu Daahir Rayaale sida aan wafaqsanayn sharciga uu ula heshiiyay.

Aanagoo ka duulayo go'aanadii dhawaan ka soo baxay Golaha Wakiilada Somaliland ee ku saabsanaa talaabadii ay qaadeen Guddiga Doorashada Somaliland iyo Xukuumadda Daahir Rayaale, kana turjumayna dareenka iyo xuquuqda shacabka Somaliland, wadahadallo iyo la tashi balaadhanna la galay saaxiibada ay Somaliland ku leedahay Bulshada caalamka, waxaanu ugu baaqaynaa madaxwayne Daahir Rayaale inuu ka soo noqdo go'aamadan uu kalida ku yahay oo u muuqda qaar jar iska tuur ah, qaraanimada Somalilandna dhabarjab ku ah, lana fadhiisto labada xisbi qaran ee kale si loo galo doorasho xor ah oo xalaal ah oo wakhtigeedii ku dhacda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda  ee Xisbiga KULMIYE
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

No comments: