31 August, 2009

Weftigii Ingiriiska oo ka hadlay kulamadii uu la yeeshay dhinacyada Siyaasadda

Weftigii Ingiriiska oo ka hadlay kulamadii uu la yeeshay dhinacyada Siyaasadda

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed Weftigani ka soo saaray Magaalada Addis-Ababa ee Itooobiya, ka dib markii ay dalka ka amba-baxeen shalay, isla markaana uu uu ku saxeexnaa Mr. John Marshall, oo nuqul ka mid ahi maanta soo gaadhay Xafiiska Somaliland.Org ee Hargeysa, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

"Wefti ka socday Dawladda Ingiriiska ee uu hoggaaminayay John Marshall, Madaxa arrimaha Dimuqraadiyadda ee Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya, ayaa Hargeysa booqasho ku joogay 29-kii ilaa 30-kii August, si ay u taageeraan dedaalada dhexdhexaadinta hadda socota ee lagu xallinayo khilaafaadka Siyaasadeed ee Somaliland ka jira. Weftigu waxay la kulmeen Madaxweynaha iyo Hoggaammiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah iyo sidoo kale xubno ka socday Ururada Bulshada, Odayaasha iyo ururada aan dawliga ahayn.

John Marshall oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi, 'Dawladda Ingiriisku waxay Doorashooyinka Madaxtooyada ee Somaliland ee soo socda u aragtaa inay xoojinayaan sumcaddii Somaliland ee Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida. Waxyaabihii bilihii la soo dhaafay ka socday Somaliland waxay khatar gelinayaan sumcadda Somaliland ku caano-maashay. Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa dhinacyada kala duwan inay ka qayb-qaataan oo dhiirigeliyaan hannaanka dhexdhexaadinta hadda iyo inay laba-laabaan dedaalladooda lagu xallinayo arrimaha taagan."

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

No comments: