17 August, 2009

War Degdeg ah: Madaxweyne Rayaale oo muddeeyay waqtiga...

War Degdeg ah: Madaxweyne Rayaale oo muddeeyay waqtiga uu wada-hadal rasmi ah la galayo Mucaaadka

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu, Madaxweyne Rayaale wuxuu labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe ku marti-qaaday Kulan wada-tashi ah oo lagaga xaajoonayo xaaladda cakiran ee dalku galay. Waa markii u horraysay ee Madaxweyne Rayaale uu shaaca ka qaado in uu si dhab ah wada-hadal ula galayo Mucaaradka.

Warsaxaafadeedkaas ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ku marti qaaday in ay ka soo qayb galaan Madaxda labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe fadhi wada tashi ah oo ay isugu iman doonaan Maalinta Arbacada ee toddobadkan Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynuhu, isaga oo ahmiyad gaar ah siinaya jiritaanka qaranimada Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada, waxa uu si xishmad iyo qadarin leh ugu marti-qaaday Labada Xisbi ee Mucaaridka Madaxdooda in ay isugu yimaadaan wada hadalo wada tashi ah oo lagu fallan qayn doono masiirka ummada reer Somaliland maalinta Arbacada ee toddobaadkan saacadu marka ay tahay 11:30 subaxnimo."

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: