20 August, 2009

Somaliland: MUCAARIDKA OO MUUJIYEY INAY HAYSTAAN KALSOONIDA SHACBIGA

Hargeysa- SAMOTALIS- Waxa si fiican oo aad u balaadhan u bilaabmay banaanbax lexaad leh oo labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ay ku muujiyeen cududooda iyo taageerada dhabta ah ee dadweynaha. Waxa dawladdu isticmaashay awood kasta ooy ku baajiso. Kolkii lacag iyo laaluush wax qaban waayey, waxa ay adeegsatay taagtii askarta, iyadoo la joojiyey dhammaan wax gaadiid ah oo dadka qaada. Mey se dhicin inay taas wax yeesho dareenkii dadweynah, bal se wey sii dhiirisey. Maanta waxa cad in kalsoonida shacbigu gacanta ugu jirto mucaaridka.


Magaalo madaxda Hargeysa jid walba oo soo gala Beerta xorriyada waxaa la dhigay ciidamo, baabuurtiina waa la diiday, laakiin dadku iyagaa masiirkooda daacad u ah, waxay ka soo lugaynayaan dhinaca Galbeed Wasaaradii Maalliyada iyo madaxtooyadii, dhinaca hawdna Iskuulkii Faarax Oomaar iyo dooxii, dhinaca barina hoteelkii Maaweel hotel, aad iyo aad ayaa loo soo baxay labadii Xisbiba, cidna laga baqan maayo Hargeysa. Laakiin Albaabkii weynaa ee beerta Xorriyadda waa la xidhay , waxaana lagu gooyay baabuur waaeyn oo kuwa ciidanka ah, laakiin jidkii laamiga ahaa ee u dhexeeyey Hoteelkii ilama Jirde aw Cali iyo Beerta xorriyada ee cusbaa ayaa dadweynihii iska fadhiisteen oo qiiyaas ahaan lagu qiyaasay kumanaan ayaa fadhiistay jidkii oo hadda hadalkii bilaabmay, waxaa jooga Faysal Cali Waraabe, Maxamed Kaahin, Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Talyanle, rag kale oo faro badan. Gaadhigioi gaashaanaa ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadalka laba dhigaaya. Dadku waxay garabka isku hayaan min Saldhiga Dhexe ilaa maxkamadaha.
Gusdoomiye Siilaanyona hadda ayuu soo gelayaa madashii.
Waxaan odhan karaa Hargeysi aad iyo aad ayey isu muujisay taageerada ay u hayaan Asxaabta mucaaridka ah iyo sida aan Rayaale looga rabin halkan.

Magaaladii Burco waxa ay muujisay mucjiso weyn , khayriyadii waa loo diiday laakiin barxadii khayriyada ayey ka faaiideysteen, waxaana ay mikarafoonadii ku rakibteen TAALADDII SHEEKH BASHIIR, dadweynihii ayaa weli qulqulaya oo khubadihii ma bilaabmin, waxaana dadku daadsan yahay ilaa Abusdhabi xaafadii la odhan jiray, ilaa iyo kastamka halkii looga soo baydhi jiray.
Sida waraka laygu soo tebinaayana , mahadhin hadal lays yidhaadfaa, Burco waa is muujisay.

Sida hadda lay soo sheegay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool Keyse, ku-xigeenkiisii Ugaas Cabdillahi, Xoghayihiisii Ducaale iyo Gudoomiyhii Xisbiga UCID ee Gobolkuba waa xidhan yihiin, xaruntoodiina Baroono ayaa hor taagan.

Magaalada Ceeriigaabo ninka ciidanka watay ee u diiday inay mudaharadaan dadku ee magaaladaasi ku sugani waa YUUSUF CIISE TALLAABO, balse dadweynihii cadho ayey ku sii biirisay diidmadaasi iyo ciidamadaasi laga hor keenay, khasab ayeybna ku qabsadeen bannaanbaxoodii kuna rakibteen mikarafoonadii, hadana way hadlayaan oo xaf;ladoodi si fiican ayey u socotaa,
Dhinaca Berbera markii loo diiday , ee xataa amarkii Madaxweyne ku xigeenka la diiday, ayey dadweynihii gadoodeen, dabadeedna Rasaasta ayaa isweydaaratay, ilaahay cid waxba ku ma yeelin, waana loo oggolaaday, khasan ayeyna iyaguna hawshoodii ku qabsadeen.
Hargeysa markii ay soo dhammaatay beertii xorriyadu, waxay dadweynihii isugu yimaadeen xaruntii Xisbiga oo meel la kala istaago la waayey, iyadoo badiba ay dadkii hoydeen, waxay kaliftay in mar labaad loo khudbadeeyo, oo loo yeedho gudoomiye Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.
Isku soo duuboo runtii dhoola-tus aad u wanaagsan ayaa maanta ka dhacay Somaliland oo Mucaaridku ku jebiyeen ina Rayaale, in aan la doonayna loo sheegay.



No comments: