28 August, 2009

Siyaasiyiin Reer Boorama Ah Oo Dareenkooda KaMuujiyey Dagaalka Ka Dhacay Gudaha Golaha Wakiilada Somaliland

Siyaasiyiin Reer Boorama Ah Oo Dareenkooda KaMuujiyey Dagaalka Ka Dhacay Gudaha Golaha Wakiilada Somaliland


"Waxa Waajib Ah In Fadhiyada Soo Socda Xildhibaanada Laga Baadho Hub Iwm"Abshir Maxamed Ducaale

Boorama, August 27, 2009 (Haatuf) - Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta isbedel doonka ee gobolka Awdal ayaa dareenkooda ka muujiyey dagaalka gacan ka hadalka ah ee xubno ka tirsan xildhibaanada laga soo doortay xisbiga UDUB ka sameeyeen gudaha Golaha wakiilada Somaliland maalmihii inasoo dhaafay.


Abshir Maxamed Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta isbeddel doonka ah ee Golaha Awdal ayaa Haatuf uga waramay  dareenkiisa ku saabsan  waxa ka dhacaya gudaha golaha xeer dejinta isagoo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi " 'waxaas iyo wax ka daran  ayaan filayaa inay golahaasi ka dhici doonaan haddii sida xaalku yahay wax laga qaban waayo  cidda fidnada ka waddaa ee  u badan askartii Siyaad Barre ee dalka laga xoreeyey, taas oo bulshada Somaliland daaqadda kasoo gelisay markii ay u  doorteen   xildhibaano baarlamaan, kuwaas oo u qaatay in  baarlamaanku yahay meeshii laga ilaalinayey  maamulka dawladda, wax kasta oo ka dhan ahna loo isticmaalo af iyo adinba , cid kastaana way garan kartaa waxa ku xigi doona.Waxan kusoo caano maalay ismaqal, kala dambayn iyo af laga wada hadlo, laakiin maaha wax hore aan u aragnay in meeshii sharciga dalka laga hagayey laga isticmaalo budhadh iyo kuwaas sidaa darteedna waxan ku talinayaa in  xildhibaanada laga baadho hub, Toorreey, Budhadh iwm  haddii kale khasaare  ayaa kasoo socda golahaasi  .Waxan eedda ugu weyn saarayaa  qaar ka mid ah Xildhibaanada gobolkan Awdal  laga soo doortay, iyo kuwa laga soo doortay xisbiyada mucaaradka qaarkood ee beenta ku dhaartay, aakhirana aanay waxba u ool ifkana kaga tegi doona magac xumo .


Haddii Xukuumaddu moodayso in ragga waxa ka samaynaya golaha Wakiiladu wax u tarayaan, waxaan leehay been baad isku sheegteen, waxna uma tarayaan Xukuumadda  ee dadka iyo ummadda uun bay ku dirayaan, iyaguna  tuke baal cad bay ka noqon doonaan shacbiga "

Suldaan Daahir Cisman oo ka mid ah Salaadiinta Deegaanka Boorama oo isna arrintaasi dareenkiisa ka muujiyey ayaa yidhi "Somaliland waxa rogaya beenaalayaal iyo been masheegayaal  taliskii siyaad  Barre kasoo hadhay  oo badi kasoo jeeda G.awdal .Waxan leeyahay reer Awdaloow waa la idin sharfay, ummaddii idin sharaftay ee madaxweyne idiin dooratayna abaalkeedii waa baabi'seen .Feedh iyo harraati laga isticmaalo golaha oo shirguddoonka biri ma gaydada ah lagula kaco ceebaad ka qaaddi doontaan, wayna sii fogeyn doontaa colaadda siyaasadeed .Waxa inoo caado ahaan jirtay inaan afka ka wada hadalno haddii arrimo la isku qabto .Waxa weli socda wada hadallo caalamku innoogu soo gurmanayo, waxa jira bulshada somaliland intii caqli lahayd iyo cilmi lahaydba arrinta siyaasadeed ee Somaliland way ku jiraan sidii xal loogu heli, balse dhaqanka ay ku dhaqmaysaani maaha mid geeddisocodka nabadda wax ka taraya , ee waa mid sii fogeynya hadhowna kuwa maanta  dagaalamyoow  waxba noqon maysaan ee cidla ayaa la idinkaga tegi doonaa .dalkan dadbaa usoo dhintay oo kusoo caydhoobay , tacabkoodiina in la baabiiyo maaha ,ciddiise maanta leh ad baabiisaan iyadaa baabi'i doonta ,arrintuna noqon mayso shakhsibaan daafacayaa ,ee waxa ka xoog badan inta qaranka daafacaysa ''.


HAATUF

No comments: