26 August, 2009

Prof Samatar: Garoonka Diyaaradaha ayaa nalagu hakiyey

Samatar: Garoonka Diyaaradaha ayaa nalagu hakiyey
news image

Dhegayso warbixinta: Sida ay baahisay idaacadda Minnesota, Prof. Abdi Ismaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada ugu caansan Somalia, maadada Juqraafigana ka dhiga Jaamacada Minnesota ayaa sheegay in dhowr jeer isaga iyo xaaskiisa lagu joojiyay garoomada Diyaaraha Mareykanka.

Prof. Cabdi Ismaaciil, wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Cawo Cabdi oo iyaduna macalimad ka ah jaamacada Minnesota ay suaallo qaatay ilaa 2 saacadood weydiiyeen saraakiisha socdaalka Mareykanka, isagoo sheegay in si weyn loo baadhay shandadihii iyo dukumintiyadii uu watay. Prof. Samatar wuxuu sheegay in markii ugu danbeysay ee lagu hakiyo airport-ka ay ahayd bishan kadib markii uu ka soo noqday shir uu dalka Sweden uga qeybgalay.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu ku macneeyay sababaha loo joojinayo " Mar haddii aad wadato magac islaam ah, Somaalina tahay, Degan tahayna Minneapolis isla markaana wax badan aad socdaasho waxaad bartilmaameed u tahay in lagu istaajiyo oo lagugu baadho garoomada diyaaradaha."

Listen to This Report Warbixinta Prof. Abdi Samatar
Dhegayso (MP3)

Ma aha markii ugu horeysay ee Garoomada diyaaraha lagu baadho laguna hakiyo dad Somali ah. Xilliyadan danbe Soomaali fara badan ayaa marka ay iskaga kala gooshayaan garoomada diyaaradaha waxaa suaallo saacado qaata weydiiya saraakiisha socdaalka Mareykanka. Somalida iyagu u soo safarta Mareyaknka ayay taasi u sii dheer tahay in mararka qaarkood loo diido inay Mareykanka gudaha u galaan oo dib loogu celiyo meeshii ay ka yimaadeen sidii tii dhawaan ku dhacday Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo ka mid Cullumada Somaliyeed oo isagu magaalada Minneapolis uga qeybgali lahaa kullan diimeed.

Joojintan iyo suaalahan lagu weydiinayo dadka Soomaaliya garoomada diyaaradaha Mareykanka ayaa lala xiriirinayaa baadhitaanka ay hay'adaha federaalka ee ammaanka qaabilsan ku wadaan 20-kii dhalinyaro ee Somali-Mareykanka ahaa ee ku biiray kooxaha dagaalka ka wada Somalia. Saraakiisha ammaanka Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in dhalinyaradaasi ay ku soo noqon karaa Mareykanka oo waxyeello halkan ka geysan karaan.
Laakiin laanta Socdaalka ayaa beenisay in ay bartilaamadeesanayso jaaliyadda Soomaalida, balse waxay sheegtay in duruufaha isbiirsaday sida qofku meeshu ku dhashay, meeshu ka yimid, iyo tilmaamo kale inay horseedi karaan in qofka lagu hakiyo suaallo dheeraad ahna la weydiiyo.

Prof. Abdi Ismaaciil Samatar waxaa uu sheegay in isaga iyo xaaskisuba ay warqad cabsasho ah ay u dirayaan laanta socdaalka Mareykanka, haddii jawaab waafi ah la siin waayana inay dacwad ku soo oogi doonaan dowlada Mareykanka.

No comments: