| | Warbixintii Somaliland Dhegayso (MP3 |
| Hargeysa 28-August-2009 |
![]() |
| Shirguddoonka Golaha |
Guddi loo saaray inay soo baaraan buuq iyo gacan ka hadal toddobaakdii hore ka dhacay fadhi uu lahaa Baarlamaanka ayaa sidaasi ku ganaaxay xildhibaanadan.
Shir jaraa'id oo ay xubnahaasi maanta ku qabteen Hargaysa ayay ku eedeeyeen Shirguddonka Baarlamaanka inaanau dhexdehexaad ahayn isla markaasina uu xaglinayo Mucaaradka oo qaorshayaal u gaar ah watta.
Xildhibaanada la aganaaxay ayaa ka tirsan Xisbiga talada haya ee UDUB.
Fadhiyada loo diiday Xildhibaanadaasi ayaa waxay bilaabmayaan maalinta berrri oo sabti ah oo uu Baarlamanku yeelan doono fadhi looga hadlayo ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhashay muranka la xidhiidha doorashooyinka lagu wado in ay qabsoomaan 27ka September.
Warbxin iyo waraysi ku saabsan arrintaasi ka dhegayso midigta sare ee boggan.

No comments:
Post a Comment