19 August, 2009

Mudanayaasha UDUB Ee Wakiilada Oo Markii Laga Awood Batay.....

Mudanayaasha UDUB Ee Wakiilada Oo Markii Laga Awood Batay Ajandaha Xaalad Ka Aloosay Madashii Fadhiga

Md: Aadan Xaaji Sanqole Oo Xildhibaanada UDUB Ah Oo Xanaaq Awgii Miis Labada Gacmood Ku Qabsaday La Dhacay Miiskii Shirguddoonka

 

Hargeysa, August 18, 2009 (Haatuf)-Golaha Wakiilada ayaa fadhigoodii shalay bilaa dood ku ansixiyey ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn ee doraad loo qaybiyey, taas oo mudanayaasha xisbiga UDUB markii lagaga awood batay codkii loo qaaday ansixinta ajandahaasi ay ku gadoodeen kuraasida iyo miisaska golaha, madasha fadhigana ay ka abuureen qas iyo jahawareer ay ku doonayaan inay ku horjoogsadaan meel marinta ajandaha, balse aakhirkii ayey mudanayaasha isbahaysiga mucaaridku ku muquuniyeen  codkii loo qaaday mudenayaasha muxaafidka, taas oo ay ku ogolaadeen 27 mudane in bilaa dood lagu ansixiyo, halka ay 22 mudane oo aqlabiyadoodu ka soo jeedo xildhibaanada muxaafidku ay ka aamuseen.

 

Guddoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo guddoominayey fadhiga shalay oo ay ka soo xaadireen mudanayaal tiradoodu gaadhayso  50 mudane ayaa mudanayaash UDUB iyo mudanyaasha asxaabta mucaaridku ay si weyn ugu kala qaybsameen hindise uu shirguddoonku usoo jeediyey in cod loo qaado ansixinta ajandaha kalfdhiga taas oo mudanayaasha UDUB ay ku doodeen in ajandaha laga doodo ka hor intaan la ansixin halka ay mudanayaasha isbahaysigu mucaaridkuna ku doodeen in bilaa dood lagu ansixiyo ajandaha.

Cali maxamed Aadan oo isagu ka  mid ah kulmiye laakiin la aragti ah mudanayaasha UDUB ayaa isagu ku dooday “sida xeer hoosaadku qeexayo waa in laga doodo ajandaha mana aha in la jiideeyo dariiq aanu sharcigeenu ogolayn”

Md:Cali Xaaji Maxamed oo isaguna ka mid ah mudanayaasha xisbiga UDUB ayaa isaguna ku dooday “ waxay ahayd in ajandaha lagu soo daro xeerarkii qabyada ku ahaa ajandihii hore ee kalfdhiga 9aad,anigu  waxaan qabaa inuu ajandaha ahayn balse uu yahay waraabe qutur”

Md: Siciid Cilmi Rooble o isaguna ka mid ah mudanayaasha xisbiga KULMIYE laga soo doortay ee iyagu aaminsan ee in bilaa dood lagu ansixiyo ayaa isaguna ku dooday in  ilaa dood lagu ansixiyo “ maadaama dalku ku jiro marxalad siyaasadeed oo adag waxaan soo jeedinayaa in bilaa dood lagu ansixiyo ajandaha kalfadhigan”

Intaa ka dib ayuu guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro mudanayaasha labada aragtiyood kala aaminsanaa waxa uu soo jeediyey in loo kale codeeyo labadaa soo jeedinood, haseyeeshee markii uu ku dhawaaqay soo jeedinta cod u qaadista ayaa waxay mudanayaasha UDUB u soo jeediyeen in guddoomiyuhu sheego tirada guud ee mudanayaasha madasha fadhida, taas oo guddoomiyuhuna ka dhawaajiyey in madasha kalfdhiga ay fadhiyeen 50 mudane taas oo markaliya ay mudanayaasha UDUB miisaska iyo kuraasida golaha ku gadoodeen una soo kaceen minbarkii shirgudoonka.

 

Haseyeeshee guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uma joojinin ficilada ay mudanayaasha UDUB ka abuureen madasha fadhiga waxaanu ku adkaystay soo jeedintiisii cod u qaadista ajandaha iyo in cod lagu kala baxo.

Intaa ka dibna waxa u goluhu ansixinta ajandaha kalfadhiga ku meel mariyey 27 mudane halka ay 22 mudane ee aqlabiyadoodu xisbiga UDUB ka soo jeedayna ay ka aamuseen cid diiday may jirin guddoomiyuhuna ma codayn halkaasi ayaana mudanayaasha xisbiga UDUB aragtidoodii soo jeedinta doodu ajanduhu ay ku guuldaraystay isla markaana ay ku meel martay soo jeedintii ahayd in bilaa dood lagu ansixiyo ajandaha waxaana sigaara miiska shirgudoonka kursi laba dible ugu garaacay Md: Aadan Xaaji Sanqole oo ka mid ah mudanayaasha UDUB.

Md:Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanayaasha UDUB ee lagaga awood batay codkii loo qaaday ajandaha oo saxaafada uga waramay sida ay u arkaan go’aanka goluhu ku ansixiyey ayaa yidhi “ajandaha xeer hoosaadka lama ansixin, jujuubaa lagu ansixiyey guddoomiyuhuna muu sheegin tirada mudanayaasha kooramka fadhiday waana sharci daro qaabka loo qaaday codayntu”

Ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn ayaa ka kooban saddex qodob  u yeedhista masuuliyiinta qaranka, xeerarka golaha Guurtida ka soo noqday iyo wixii kale ee soo kordha.


 

No comments: