13 August, 2009

Midigta u dhac, Bidixda ayaanan-ba Belo ku ogeen!!!


Anigoo duco biirsi ah ayaan qoromadan ka codsanayaa cidkastoo akhrida carrabkeeda Cali-maarshaal uga Alla barido. 
 

Hadaan u gudbo dulucda iyo dareenka damqashada dalkayga dadkisu ku daawanayo Daahir Riyaale Kaahin, Dillaaliintiisa, & faashlayaasha dadban. Wuxu ku faanaa doorashooyin baan qabtay dimuqraadiyad baan horkacay qadiyadeenaan dunida ka-iibshaa. Ahristow ma'runbaa? masaxbaa ? masarbeeb iyo seexinbaa???
 
Haa waa dhab. Daahir doorashuu qabtay m/weynuu ku helay dabadeedna mus iyo meel fogbuu iskaga tiiriyey in aan Arladan looga dareerin doorasho, dadkan hadal hayana hawaawir iyo hir-fog ha hilaadshaan. Hadaba wuxu Daahir ugu dhiiraday doorashadaas hore 2 faa-iido oon kala dhicin laguna sar-gooyey sir & siyaasad Somaliland seeda jartay. Waata hore e' waxu go'aansaday mr Daahir inuu calool adaygo qabto doorasho. Iyadoo ugu muuqatey maalintaas in aanu waxba ku helayn, laakiinse haday bidixda u dhacdona kolleyba lagu faanin-doono, fooladeyn-doon, kana hee faa-iidi-doona farsamadaas dhex taalla Faataxo iyo Fadeexad fogaata.
 
Nin bireeyey wan uu ku Alle baryayey ayaa ruux kaloo agtiisa taagani yidhi "midigta u dhac" neefkii-yoo naf biraysani sare kicisay oo silcisay, wuxu isna yidhi"bidixda ayaanan-ba belo ku ogeen. waa murtida sidaan filayo laga faashaday.
 
Waa khammaar (it's a gambaling)  haduu ku guuleysan-waayo siduu filayey m/weyne Somaliland dooratayna, Wuxu u sharaxnaa inuu ahaado ninkii ugu horeeyey ee Somaliland ka hirgeliya hanaanka dimuqraadiga taariikhdana sidaasu u gasho (legacy) laguna ixtiraamo noloshiisa. Nabad-gelyadiisana Dawlada dhalataa dhawrto oo ilaaliso.
 
Waxa intaa u dheerayd in lasiiyo askar iyo anfac aan dhinayn oo dhagaraysnayn, iyo weliba socdaaladiisa dibed iyo gudaha wadankana loo joogteeyo gunno iyo gaadiid. Waxaan iyana maqnaateen inuu waabto maamuus iyo karaamo aan weligeed il qaloocan lagu eegeyn.
 
Alla Kariim.Talada maleeg-nayd ee taas hore barbar taalleyna waxay ahayd, hadiiba Eebbe lagama quustee uu ku guuleysto iyadoo rajadeedaba uu ka dhowaa awrka Cirku. Hadayse timaado oo Alleba siiyo waxa u meel tiilley oo talada dhabta ahina ku urursanayd halkaas ay maanta joogto, akhiristow waana-taas ku gorof iyo gaaweba beeshay gobanimadii goosamadu ku waayeen gacalladay jeclaayeen.
 

In aanu doorasho danbena qaban meeshana weligii sii deen. Ilkaha iyo adhaxdana u adkaysto, aduun iyo agab aanu kaga tegin, arrin iyo amaano la' qadderin, anshax iyo ood dhawrin, Adhi iyo Awrba arla-kale ka dhoofsho, aflax & adeeg aanu la haweysan, arxan iyo abaalna aanu ku eeginin, ubad iyo ummulna jalleecin, Illah iyo Aadanena ka awood iyo eel-samaysto. yidhaahdo anaa m/weyne ah dadkaa idoortay, anaa wadanka xil iga saaranyahay, anaa kalsoonidii shacabka haysta iyo akhristow anaa anaa anig aniga.
5tii lay-doortay baan laban-laabtay. miyaan ujeedadu sidaas ahayn illeen anaa laydoortaybaa gaashaan noqotay eh?
 
Hadaba daacadi ma'hungowdo doqoniimona kama foga e' yaa ku garab gala Daahir dadab -galka duminta Dalkeena iyo dimuqraadiyadii ka aloosnayd? yaa denbiga la'wadaaga  MD Daahir Riyaale Kaahin?  Dadweynahaan u dhaafayaa, Saxaafadaan dhawrayaa, mareegahaa miisaami doona!!!

Ammaano Alla, Ahmed Yussuf Dualeh, London.

No comments: