27 August, 2009

Magacyada Mudanayaal G. Wakiilada ka tirsan oo tallaabo anshax-marin ah laga qaaday

 

Magacyada Mudanayaal G. Wakiilada ka tirsan oo tallaabo anshax-marin ah laga qaaday 


siday sheegeen Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay, lixda Xildhibaan ee

"Waxay yidhaahdeen, Ajandihii Goluhu ansixiyay ee aanu 41-ka Xildhibaan ku ansixinay ha laga noqdo. Kaasina waa wax aan Caqliga galayn."

Hargeysa (GNS)- Lix xubnood oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa la sheegay in Goluhu laga bilaabo maalinimada Sabtida ee foodda inagu soo haysa ka qaadayo tallaabooyin anshax-marin ah, ka dib markii ay ka qayb-galeen buuq iyo sawaxan watay gacan-ka-hadal oo Isniintii ka dhacay Xarunta Golaha.

Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Mudanayaasha guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in falal buuq iyo gacan-ka-hadal ah oo ka dhacay Xarunta Golaha awgii, Shirguddoonka Golaha Wakiiladu tallaabo anshax-marin ah ka qaaday qaar ka mid an Mudanayaashii ka qayb-galay buuqaas. Waxaanu ka warbixiyay tallaabooyinka ay ilaa hadda qaadeen Guddi ka koobnayd 11 Xubnood oo loo saaray xallinta khilaafaadka Golaha iyo dhacdadaas. "Guddi baa loo saaray buuqii ka dhacay Golaha, markii la waydiiyay waxay doonayaan (Xildhibaannadii buuqa sameeyay) inay sheegtaan, waxay sheegteeen oo ay yidhaahdeen, Ajandihii Goluhu ansixiyay ee aanu 41-ka Xildhibaan ku ansixinay ha laga noqdo. Kaasina waa wax aan Caqliga galayn. Ragga (Xildhibaannada) buuqa sameeyayna laga bilaabo Sabtida sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Goluhu qodobkiisa 32aad, lix ka mid ah ayaa laga joojiyay 3 maalmood inay Golaha yimaaddaan." Ayuu yidhi Xil. Nacnac oo u waramay Idaacadda Madaxa bannaan ee Horyaal. Mar la waydiiyay Mudanaha cidda gaadhay go'aankaas anshax-marinta ah, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Go'aankaa waxa gaadhi kara uun Shirguddoonka, iyagaana gaadhay iyaga oo cuskanaya qodobka 32aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Waxay jejebiyeen qalabka Golaha qaarkood, anagu Gole joogto ahaan si gaar ah ayaanu ugu soo dallaci doonaa wixii ay jejebiyeen, laakiin 6-daa qof waxa laga joojiyay in ay Golaha yimaaddaan laga bilaabo Sabtida. Waxay ahaayeen (Xildhibaannada qaska sameeyay) dhawr iyo toban, laakiin 6-da la xukumay waxay ahaayeen hoggaamiyayaashii ugu xumaa ee Miisaanta jajabiyay ee Waraaqaha jeexjeexay."

Mar Xil. Nacnac la waydiiyay in taa macnaheedu yahay in ay burburtay Guddigii Shirguddoonku u magacaabay xallinta khilaafaadkii dhashay maalintii Isniintii ee toddobaadkan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, "Wax kale layskuma hayo ee ka noqda Ajandihii Goluhu ansixiyay ayay leeyihiin iyo ka noqon maynee Cirka gujiya."
Sidoo kale, Xil. Nacnac waxa la waydiiyay waxyaabaha aragtidiisa uu filayo in Mudanayaasha ku kallifay in ay buuqaas sameeyaan, ayaa wuxuu sheegay in ay aamineen Mudanayaasha buuqa sameeyay in Golaha la horkeenayo Mooshin xil-ka-xayuubin ah oo ka dhan ah Madaxweynaha. "Ajandaha waxba kuma dhex jiraan oo Mooshin waa la keeni karaa, laakiin waxay ka dhex arkeen fadhigan aanu fadhiisanayno ee aynu leenahay aynu dalka siduu u dhaco aynu eegno oo aynu sugno. Nimankan (Xildhibaannada), Madaxweynaha iyo Wasiiro maalmahanba shirayay waxay ka ursadeen in Xil-ka-xayuubin, taana nagama joojin karaan haddii ay buuqaan, kaas ayay doonayeen inay naga joojiyaan. Taasna waxa naga joojin kara Ilaahay iyo Rayaale oo hagaaga, sharcigana u soo noqda." Ayuu yidhi Xil. Nacnac.

Dhinaca kale, siday sheegeen Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay, lixda Xildhibaan ee tallaabada anshax-marinta ah laga qaaday ayaa Magacyadoodu yihiin sidan hoos ku qoran;
1-Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog)
2-Maxamed Baaruud Shide
3-Aadan X. Diiriye (Sanqoole)
4-Xuseen Ismaaciil Yuusuf
5-Axmed Xasan Aadan (Weyso-Cadde)
6-Cali X. Maxamed Muuse.

Source: Ogaal/Gabiley

No comments: