01 August, 2009

Madaxweyne Riyaale Oo Canbaarayn Iyo Cago-Juglayn Ku Cashariyay Qaadhaan-Bixiyeyaasha, Saxaafadda Madaxa Banaan Iyo Mucaaridk

Madaxweyne Riyaale Oo Canbaarayn Iyo Cago-Juglayn Ku Cashariyay Qaadhaan-Bixiyeyaasha, Saxaafadda Madaxa Banaan Iyo Mucaaridka


"Go'aankii 1993-ki maxay u fulin waayeen kuwa mucaaridka ee ka hadlaya [Arrinta Ceel-berdaale] kuwii wasiirka Daakhiliga ahaa bay ahaayeen, ta waddada la istaagayna kuma eka afarta shakhsi ee la dilay"

"Weriyeyaashu iyagaa dadka cabudhiya ee cidna ma cabudhiso... Deeq-bixiyeyaashuna Dimuqraadiyadda umay samayn Somaliland… Nimanka Mucaaridkana ra'yigoodu wax ka soo qaad ma leh"

Hargeysa, July 31, 2009 (Haatuf) – Madaxweyne Rayaale ayaa difaacay eriga wakiilka hay'adda Interpeace ee Somaliland, Ruben Zamora oo shalay dalka xoog lagaga saaray, isla markaana wuxuu si cad u ayiday soo-jeedintii Komishanka Doorashooyinku ku laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha, isagoo sheegay in doorashada lagu galayo diiwaangelin la'aan, dawladdiisuna ay kharashkii doorashadaas ku baxayey raadinayso.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Riyaale dafiray inay xukuumaddiisu cabudhin ku hayso warbaahinta iyo suxufiyiinta madaxa banaan, waxaanu Suxufiyiinta laftooda ku eedeeyay inay iyagu dadka cabudhiyaan, isagoo Madaxweyne Riyaale ka gaabsaday inuu ka hadlo xadhigga suxufiyiinta Horyaal ee muddada saddexda toddobaad ah xabsiga CID-da Hargeysa ku xidhan iyo xayiraadda telefiishanka caalamiga ah ee HCTV.

Madaxweyne Riyaale oo shalay wareysi siiyey laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, ayaa sidoo kale kaga hadlay shaqaaqada Ceel-berdaale, isagoo deedafeeyay eedaha looga jeediyo fulin la'aanta go'aankii guddida Guurtidu ka soo saartay dhexdhexaadintii Shaqaaqada Ceel-berdaale, waxaanu shakhsiyaad mucaaridka ah oo uu sheegay inay ka mid yihiin kuwo arrintaas dhaliilay aanay iyaguba fulin go'aano guurtidu ka soo saartay degaankaas sannadkii 1993 oo ay xilka wasiirka Daakhiliga ka hayeen xukuumaddii xilka wakhtigaas haysay.


Madaxweynuhu waxa uu hoggaamiyeyaasha mucaaridka ku tilmaamay kuwo aan garanayn hawlaha Madaxweynuhu u xilsaaran yahay, isagoo ku eedeeyay inay faan iyo olole ka dhigtaan haddii xataa dalka la duminayo, sidaas darteed waxa uu ku tilmaamay inaanay ahayn kuwo ra'yigoodu wax ka soo qaad leeyahay, isla markaana aan taariikhda lagu hayn ra'yi fiican oo ay soo gudbiyaan.

Hase yeeshee ugu horeyn Madaxweyne Riyaale oo ka jawaabaya eriga wakiilkada Interpeace ee Somaliland iyo laalista diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ay Komishanku soo jeediyeen, waxa uu yidhi: "Run ahaan ninkani wuxuu ahaa nin technical assistant ula shaqaynayey Komishanka, komishankiina wuu la shaqayn waayey oo liisas been ah oo aan xaqiiqda diiwaangelintii ka turjumayn ayuu shalay baahiyey Komishankuna iyagaa soo codsaday. Horta isagu [Zamora] sidaas buu ku baxay. Ta labaad, Somaliland muddo dheer bay Qaadhaan-bixiyeyaasha ka sugaynay inay naga caawiyaan sidii diiwaangelin xaq ah oo xalaal ah oo aan lahayn ku noqnoqod doorasho laynoogu sameeyo, taasina wixii ku dhacay waa ogeyn oo xad-gudub (Abuse) baa ku dhacay, in la saxo ayey ahayd, ilaa hadda wax la saxayna ma jirto. Sidaas darteed Komishanku waa hay'adda qudha ee xil saaran doorashadan iyo sidii ay u qabsoomayso. Xukuumad ahaan qoraal bay noo keeneen ay leeyihiin doorashadaas markuu saddex masalo keenay isagu [Zamora] oo uu yidhi ama diiwaangelin ku gala, ama suga oo hala saxo ama tiradaa khaladka ah ee Milyanka iyo afarta boqol ah halagu galo, komishanku waxay yidhaahdeen laguma talo geli karo diiwaangelinta, waxaanu codsanaynaa in doorasho toos ah la qabto, xukuumaddu waxay go'aansatay in doorasho toos ah la galo, lacagtana xukuumaddu iyadaa raadinaysa, cid dambe oo ay wax sugaysaana ma jirto, wakhtigeediina doorashada way ku qabanaysaa."


S: Maadaama aad tahay Madaxweynihii dalka, arrintan ay idiin soo jeediyeen Komishanku ee mustaafurinta Sarkaalka Interpeace, miyaanay ahayn inaad mar hore arrinta eegtaan oo aad baadhaan oo aydaan ku degdegin?

J: Waanu ku qanacnay oo wax lagu degdegay ma jirto, muddo badanba waa loo dulqaadanayey ninkaa iyo wuxuu ka waday dalkan, oo isagiibaa isku qaatayba inuu Komishiner yahay, Komishanka inuu la shaqeeyana wuu dafiray, wuxuu dhex socday inuu isku diro xisbiyada, komishanka iyo waxoo dhan ayey shaqadiisu noqotay, shakhsiyada noocaas ahna loogama baahna dalkan.

S: Xisbiyada Mucaaridka ah (KULMIYE iyo UCID) markaanu wareysanay waxay sheegeen inuu xaq u leeyahay inuu tuso liisaska diiwaangelinta ee la leeyahay wuu tusay, xaq baanuna u leenahay ayey yidhaahdeen ee adigu maxaad taas ka qabtaa?

J: Horta isagu [Zamora] uma lahayn ee waxay ahayd heshiiska meesha yaalay in Komishanka iyo Axsaabta uu u soo bandhigo liis qabyo ah, laakiin wuxuu siiyay xisbiyada Mucaaridka liis gaar ah, isagoon kala tashan Komishankii, markaa in xisbiyada la tuso iyagoo wada dhan oo Komishanku la joogo oo liiska hordhaca ah loo keeno, taasi muran kama taagna, laakiin markuu isagu saddex masalo keeno haddana liis gaar ah xisbiyada siiyo taasi waa dambi iyo isku-dir ummadda ah.

S: Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay hambalyeeyeen tirada liiskan ee ah 1,146,000 ah, waxaanay sheegeen haddii la diido waxay wax u dhimaysaa geedi-socodkii dimuqraadiyadda Somaliland, markaa xageed ka maraysaa taas qaadhaan-bixiyeyaasha?

J: Horta deeq-bixiyeyaashu dimuqraadiyadda umay samayn Somaliland, ee Somaliland iyadaa samaysatay dimuqraadiyadda, mana aha wax Somaliland lagu khasbay oo deeq-bixiyeyaal u keeneen maahin, ee inagaa bilownay, doorashooyinna waan qabsanaynay caadiya oo bilaa dhibaato ah, deeq-bixiyeyaashu haddii ay ka dhigaan in Somaliland lagu dumiyo diiwaangelin aan saxa, dawladdu ma aqbalayso, shacbigeedana ma khiyaamaynayso, go'aanka ay xaqa u leedahay ayey qaadanaysaa, mana maamulaan deeq-bixiyeyaashu Somaliland iyo doorashadeeda, inay mucaawino uun siiyaan bay ahayd, mucaawino wax ka baxsan oo aanu ka aqbalaynaa ma jirto.

S: Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, cidda hortaagan doorashadu inay dhacdo adiga ayey kugu eedaynayaan oo ah Madaxweynihii iyo gudoomiyihii xisbiga UDUB, iyadoo ay tahay bay leeyihiin in la raaco liiska diiwaangelinta ee la soo saaray oo ay taasi ugu dhow dahay, markaa taasi miyaanay macquul ahayn?

J: Macquul maahin, diiwaangelin aan xaq ahayn oo aan reebayn ku noq-noqod ummaddani xaq kama dhigayso, isku dir iyo fidno ayey noqonaysaa. Axsaabta qarankana waxaan u sheegayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u xilsaaran doorashooyinka ee Interpeace uma xilsaarna.

S: Sidee ayey u suurto-gelaysaa inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal u dhacda, wakhtigiina laba bilood wax ka yar baa ka hadhay, xisbiyadiinii khilaaf baa soo kala dhexgalay, ummadiina way werwersan yihiin, ileyn adigaa Madaxweynihii ah?

J: Anigu Madaxweynihii qarankaan ahay, masuuliyadayda iyo go'aankaygana inaan qaato, ummaddana aan badbaadiyo, hadday cid shisheeye ah iyo cid sokeeye ahiba duminayso midnaba kama aqbalayo, ummaddani sidii ay ku badbaadi lahayd baan yeelayaa, soo-jeedintaas Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee xaqa u leh inay doorashada talo ka bixiyaan, kaas baan raacayaa, kaasaana doorashada lagu gelayaa, kaas ayaanan xaq u arkaa oo ah doorasho toos ah in la galo maadaama diiwaangelintii codbixiyeyaashu uu fashilmay, Malawi wuu fashilmay dabadeedna waa la laalay, Somaliland-na in la laalo maxaa diidaya, waa in la laalaa.

S: Markaa ma waxaad leedahay bilaa diiwaangelin halagu galo doorashada?

J: Haa, mar hadduu fashilmay [Diiwaangelintii] wakhti kale ma haysano, lagamana gaadhsiin karayo diiwaangelin xaq ah oo xalaal ah, sidaas darteed waa inaan toos u galnaa oo aan dib ugu dhiganaa haddii diiwaan-gelin la rabo mar dambe oo wakhti loo hayo.

S: Haddii ay dhacdo intaas la qaato ma u haysaa lacagtii saddex milayn ee dollar ahayd ee lagu qiyaasay inay doorashada ku baxayso?

J: Somaliland awalba waxay socon jirtay bilaa deeq-bixiyeyaal, meel aanu ka keeno-ba waanu keenaynaa haddii Illaahay yidhaahdo.

S: Laakiin taasi miyaanay saameyn ku keenayn meelo kale oo ay bulshada idinka caawin jirtay oo aanay xidhiidhkiina xumaynayn?

J: Xumayn mayso, dee bulshada caalamkuna xaq iiguma leh fashili waddankaaga, cid xaq uu lihi ma jirto, cid aan ka aqbalayaana ma jirto, cid aan ku ixtiraamayaana ma jirto .

S: Warbaahin baa la xidhxidhay, oo laba weriye oo ka tirsan Horyaal baa xidhan, Telefiishanka HCTV xayiraad baa lagu soo rogay, inkastoo baahintiisii socoto, laakiin xafiiskii ganacsiga ee TV-gaas ee suuqa-badhtankiisa xalay waa laga xidhay, tifaftirihii Telefiishankaas waa la xidhay, taasna xisbiyada Mucaaridka iyo hay'adaha xuquuqda aadamuhuna waxay idinku eedaynayaa inaad weriyeyaashii cabudhinaysaan oo halkii Suxufiga isagoo banaanka jooga Maxkamadda la marin lahaa aad xidhaysaan?

J: Horta weriyeyaashu iyagaa dadka cabudhiya ee cidina ma cabudhiso, dalkana sharci buu leeyahay, hay'adaha sharcigaana ku shaqo leh, taasi aniga arrin i-khusaysa oo aan ka hadalayo maahin, hay'adaha sharciga ah ee kiiska ku qaadaya, kuwaas ayaad ka waraysan doontaa.

S: Arrinta shaqaaqada Ceel-berdaale ee dadku ku dhinteen ee ilaa haatan taagan, sidee bay dawladaadu kaga hawl-gelaysaa sidii arrintaas loo furdaamin lahaa?

J: Arrintaasi waa nasiib-darro arrin loo baahnaan ma ahayn in lagu dagaalamana ma-ahayn ee in si sharci ah oo degan lagu raadiyo ayey ahayd, dawladdu nabadda markay xasiliso way geli doontaa arrinta, si sharci ahna way u dhamayn doontaa, cidii xaq lihina xaqa way heli doontaa, dagaal iyo rabash meesha looga baahan yahayna ma jiro, dhinacna loogama baahna.

S: Dad badani way cambaareeyeen masalan dadkii safarka ahaa ee inta gawaadhida lagala degay la laalay, laakiin dhinaca kale idinka (xukuumadda) xisbiyada mucaaridka ah iyo dad badani eed bay idiin soo jeedinayeen oo ay leeyihiin arrintaas waxa keentay fulin la'aantii go'aamadii golaha Guurtida oo adiga laf ahaantaada ay kuu soo jeedinayeen, taas maxaad kaga jawaabaysaa?

J: Guurtidu 1993-ba way gaadhay ee maxay u fulin waayeen, kuwa mucaaridka ee ka hadlayaa kuwii wasiirka Daakhiliga ahaa bay ahaayeen ee maxay u fulin waayeen, arrintu baaxadeeda ayey lahayd, ka fiirsigeeda ayey lahayd, dawladdu go'aan kastoo la gaadho inay ka fiirsato oo sida ugu sahlanna loo fuliyo weeye, maxaa go'aankani uu ku dhamaanayaa natiijadiisa inay eegto weeye, annagaa xaq u leh inaanu ka fiirsano go'aanka, waanan u yeedhay qoloda Gabiley oo annagoo is-aragnay habeenkii ayaa fidnada la sameeyay oo waddada la istaagay, ta waddada la istaagayna waa dambi (crime) ummadda Somaliland oo dhan laga galay oo kuma eka afarta shakhsi ee la dilay ee Somaliland oo dhan bay dileen dadkii waddada galay, waana arrin aan Somaliland dhaqan inoo ahayn, waanan ku amaanayaa dadkii ka hadlay ee sida ay arrintaasi u xun tahay jawaabaha ka bixiyey, xisbiyada Mucaaridkana waa niman dalkan haddii la duminayo laftiigasana faan iyo olole u haysta, niman wax ka soo qaad leh ra'yigoodu [maaha], ra'yi fiican oo ay gudbiyeen lagama hayo taariikhda intii ay ololaha doorashada ku jireen.

S: Laakiin waxay yidhaahdeen marar badan Madaxweyne Daahir Riyaale oo Boorama iyo Gabileyba yihiin meeshii uu ka soo jeeday, intuu tago muu dhex fadhiisto waabay dhammaan lahayd arrintuye siduu barigaba u tegay?

J: Horta Madaxweynihii dalkaan ahay ee hawsha in badan baa iiga horeysa ee anigu inaan markastaba tago maahin, imisa jaranjaro ayey dawladdu leedahay, jaranjarooyinka iga hooseeya ayaa waxaas ku shaqo leh, awaamiir baan bixiyaa anigu ee fuliye ma ihi, waa inuu ninku gartaa Madaxweyne waxa uu yahay, waxaan la yaabannahay nimanka Axsaabta mucaaridka ee ilaa hadda garan la' Madaxweyne wuxuu yahay. Madaxweynuhu amar buu bixiyaa oo hay'adihiisuu adeegsadaa, hay'adihiisaa daba-gala, hay'adihiisuu go'aanka faraa, kuwaasaa soo shaqeeya, laakiin Madaxweynuhu goobta ma tago oo garsoore ma noqdo, laakiin cadaaladda siduu u arko u faraa oo uu ku yidhaahdaa ku shaqeeya dadka isaga xilka uga hooseeya.










HAATUF

No comments: