22 August, 2009

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay Isu-soo-baxyadii dalka ka dhacay

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay Isu-soo-baxyadii dalka ka dhacay

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka warbixiyay kulan uu la yeeshay Wefti ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dawlaha arrimaha Dibedda ee Itoobiya Dr. Tekede Alemu oo labadii maalmood ee u dambeeyay socdaal ku joogay dalka.  "Wasiirka iyo Weftiga Itoobiya kii u horreeyay ee inoo  yimid ma aha, haddii ay inoo yimaadaana dee way ina danaynayaan Arrimaheena  iyo Xaaladaheena ayay danaynayaan waxay jecel yihiin inaanay waxba inaga xumaan. Runtii wada hadallkayagu meel fiican buu marayaa, dhamaan cid kasta oo inaga mid ah in uu arkana waa arrin aanu raali ka nahay xukuumad ahaan. Wada tashi iyo Arrimaha ay inala qaban karaan ayuu u badan yahay wada hadalkayagu." Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo u waramay Telefishanka Qaranka

Madaxweyne Rayaale mar la waydiiyay su'aal nuxurkeedu ahaa aragtidiisa Isu-soo-baxyo maalintii Khamiistii ka dhacay Magaalooyinka dalka oo ay soo abaabuleen Axsaabta Mucaaradka ahi. Waxaanu Mucaaradka ku eedeeyay in ay sharciga baal-mareen, isla markaana wuxuu u jeediyay in muranada Siyaasadeed ee jira lagu dhammeeyo Shuruucda dalka u taala oo lagu soo dabbaalo wada-hadal iyo wada-tashi arrimaha taagan. "Horta mudaharaadka waa in fasax loo qaataa, waana in uu noqdaa wax macno ku fadhiya. Laakiin, ma aha in mudaharaad uun la iska sameeyo wax wanaagsan ma aha, dadkeenuna Mudaharaad baahi ay u qabaanba ma jirto oo wax ay ku mudaharaadaanba ma jiro. Waxaanan jeclahay raggaas saaxiibaday ah ee Xisbiyada inay dariiqa sharciyada ku soo noqdaan, oo ay sharciga maraan. Wax kasta oo naga dhaxeeyana in sharciga loo maro ayaan kula tallinayaa, qalalaase iyo buuq Wadankeenu itaal uu ku qaado ma laha. Miiska wada hadalkana waanigii u soo jeediyay, miiskaasina illaa hadda wuxuu furan yahay. Markaa haddii Miiskii furan yahay qeylo iyo sawaxan baahi aynu u qabnaa ma jirto." Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaanu intaa ku daray oo hadalladiisii ka mid ahaa, "Waxaan u rajaynayaa shacbiga reer Somaliland inay markasta ilaashadaan nabaddooda. Walaaltinimadooda iyo wada-jirkooda. Waxaan  u jeedinayaa Masuul kasta oo reer Somaliland ahi inuu ka dhawrsado wax Alaalle iyo wixii naxli iyo Af-xumo Carqalad ku noqon kara Dimuqraadiyadeena, Geedi-Socodka Nabaddeena iyo Nolasheena ummad ahaaneed iyo dal ahaaneed. Waxaanan Ilaahay uga Rajaynayaa inay waanadaas qaataan. Mar kastana sida ugu fiican inaan wax iskugu sheegno ayaan u soo jeedinayaa, oo hadalada turxaanta leh la iska ilaaliyo."

Madaxweynuhu wuxuu Shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadan. "Ramadaan kariim, dadkana waxaan illaahay uga baryayaa inay Ramadaan fiican ku soomaan." Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Madaxweyne Rayaale.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: