28 August, 2009

Ku qosla UDUB-ta qaawan

Ku qosla UDUB-ta qaawan

(Kuwani waa xubnu Baarlamaanka UDUB ah oo lagu sii wado fadhigii Golaha Wakiilada ee doraad)











Dhawaan ayaa Golaha Wakiilada ee Somaliland aqlabiyad ku meelmariyeen mooshin ka koobnaa laba tusmo:

1. Madaxweynaha waqtigiisi dhammaaday ee Somaliland iyo Kommishanka Doorashooyinka oo iskaashanaya isuna markhaatifuraya ayaa dhawaan laalay diiwaangelintii codbixiyaasha, amrayna in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin.
Go'aankaasi sharciga ma waafaqsanyahay mise waa maya?
2. Qodobka labaad wuxuu ahaa haddii go'aankaasi noqdo mid sharciga baalmarsan, waa in Madaxweynaha la siiyaa muddo todobaad ah oo uu kaga noqdo go'aankaa faldenbiyeedka ah, haddii uu ka noqonwaana waa in laga xayuubiyaa maamuuska madaxweynenimo ee sida meel ku gaadhka ah uu ku sii hayo.

Sida la ogyahay waxay mudaneyaasha Golaha Wakiilado aqlabiyad ku ansixiyeen in go'aankii lagu laalay diiwangelinta uu ahaa xaraan baalmarsan shuruucda dalka u taal. Waxa isna sidaa ku dhaqangalay qodobkii labaad oo ahaa in Madaxweyneha la siiyo todobaad uu kaga noqdo go'aankan sharcidarrada ah. Haddii Madaxweynehu ka noqonwaayo go'aankan , waa in isaga, ku-xigeenkiisa iyo kommishanka doorashooyinkaba xilka laga xayuubiyaa.

Go'aankan miisaanka leh ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wakiilada ayaa gilgilay xaafadda Madaxweynaha iyo cidda hoos timaada. Waxaa maalin dhawayd loogu yeedhay guriga Madaxweynaha 27 xubnood oo Barlamaanka UDUB ah iyo dhawr iyo toban wassiir oo kuligood ah wassiirada xaafadda Madaxweynaha aad ugu dhaw, ha sii kala dhawaadaane. Waxa laga arrinsaday:

1. Sidaynu u bedelikarnaa Shir-guddoonka golaha Wakiilada ee Mucaaridka wada ah?
2. Haddii bedelaadi ay suurtogaliweydo, sidaynu uga hortagikarnaa in Golaha la horkeeno mooshin maamuus ka xayuubin ah?

Shirkaa ka dhacay madaxtooyada ayaa isla ogolaaday inaan bedelaad shirgudoonka la bedelaa xiligan suurtagal ahayn. Waxa markaa la go'aansaday, kol haddii aanay bedelaadi inoo suurtoobayn, waa inaynu Golaha lugta ku walaaqnaa oo ka abuurnaa xasarad joogta ah. Waxa la go'aansaday in qaylo iyo qas laga dhex alooso Golaha markastoo la arko wax u muuqda inay ka soo horjeedaan xukuumada iyo xisbiga UDUB.

Hadaba dorraad ayaa si aqlabiyad ah looga xoog roonaaday Wakiiladii UDUB kadib markii Golaha laga ansixiyey ajandayaal ay ka mid ahaayeen in xukuumada madaxdeeda la horkeeno Golaha Wakiilada. Arrintaa ayaa ka nixisay xukuumadda iyo xisbigeeda, una macnaystay in ajandaha Wakiiladu ansixiyeen gogol dhig u yahay mooshin mucaaridku wataaan oo la doonayo in maamuuska laga xayuubiyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba.

Shalay oo ahayd, markii ugu horeysay ee Goluhu fadhiisto, kadib ansixintii mooshinkii lagu dadafeeyey laalistii diiwaangelinta, ayaa shirgudoonku ku dhawaaqay inuu Kooramku buuxo, shirkuna furan yahay; intaanay afkiisaba ka soo dhammaan ayaa waxaa qaylo isla oogsaday ku dhawaad labaatan xildhibaan oo badidoodu ahaa UDUB, kuna jireen dhawr taageerayaal u ah oo ka soo baxay asxaabta kale.

Waxay xildhibaanadani burburiyeen kuraasidii, miisaskii iyo agabkii uu ku shaqaynaayey goluhu. Waxay jeexjeexeen waraaqo ay qurraayeen sharci horyaalay Gudoomiyaha Golaha oo Madaxweynuhu soo celiyey oo la doonaayey in golaha loo qeybiyo. Waxay weerareen oo aflagaado iyo cay aan loo miidaandayin la beegsadeen Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax. Mid ka mid ahaa xildhibaanada UDUB ee jalabutaynaayay ayaa xadhkihii mikarafoonka jarjaray oo gacanta ku qaatay.

Intii waxaasi dhacayeen, Xildhibaanada Mucaaridku kuraastooda ayey ku sugnaayeen, juuqna may u odhan. Markii ay iskood u daaleen ayaa Gudoomiyuhu xidhay shirkii.

Xildhibaanada UDUB ma wada xuma. Waxa ku jira rag badan oo sharaf leh oo aan loo aanayn karin dhaqan xumada ay ku kaceen kuwan lagu soo hogaamiyey Rayaale. Waxayse arrintani marag u tahay axmaqnimada iyo nacabnimada dadka maanta Somaliland ka taliya. Waa dad aan dan ka lahayn waddanka ay madaxda ka yihiin. Lagu aragye, shacbigay u taal in kaa tashadaan. Waxa la yidhi daayeerku markuu geedka koristiisa kusii fogaadaba, futadiisuna aadbay u sii wada muuqataa! (The higher a monkey climbs up a tree, the more of his arse you see)

http://shankaroon.blogspot.com/

No comments: