03 August, 2009

Guddoomiyayaasha KULMIYE & UCID oo Arbacada Nairobi Kula Kulmaya Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka

Guddoomiyayaasha KULMIYE & UCID oo Arbacada Nairobi Kula Kulmaya Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka



Hargaysa (Halganews)- Guddoomiyayaasha labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Eng Faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa in ay maalinta Arbacada inagu soo foolka leh kulan kula yeeshaan magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayroobi madax ka socota dalka Maraykanka. Waxaana la filayaa in ay kulankaasi kaga wada hadli doonaan xaaladda Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo ay soo food saaren duruufo mugdi gelinaya in ay ku qabsoonto wakhtigii loo muddeeyay ee 27 September 2009.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo la filayay in uu u soo ambabaxo dalka Somaliland ayaa la sheegay in uu dib u dhacay kadib markii uu helay balanta kulanka madaxda Maraykanka.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna la filayaa in uu maalmaha soo socda u ambabaxo dalka Kenaya si uu uga qayb galo kulanka madaxda dalka Maraykanku ka dalbadeen madaxda labada xisbi mucaarid ee Somaliland .

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Arbacada ee todobaadkan, waxaana la sheegay in madaxda Maraykanka ee la ay la kulmayaan labada guddoomiye xisbi mucaarid uu ka mid yahay xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Hilary Clinton iyo guddoomiyaha guddi hoosaadka Baarlamaanka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

Sidoo kale labada guddoomiye xisbi Mucaarid ayaa lagu wadaa in ay halkaasi kula kulmaan deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka, kuwaasi oo ay kala hadli doonaan in xukuumadda Somaliland cadaadis lagu saaro sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku salaysan nidaamka diwaangelinta codbixiyayaasha iyo sidoo kale in xukuumadda Somaliland ka noqoto go'aankii ay ku mastaafurisay wakiilkii Hay'adda Inter Peace ee Somaliland u fadhiyay.


Halganews, Hargaysa

No comments: