13 August, 2009

Faysal Cali Waraabe oo baaq u diray ciidamada Qaranka

Faysal Cali Waraabe oo baaq u diray ciidamada Qaranka 

Hargeysa(Geeska) -Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ku eedeeyay inuu abaabulayo sidii uu dareenka shacabka uga jeedin lahaa muranka ka taagan diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee la laalay. 

 Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Geeska Afrika, waxa uu sheegay inuu helay xog rasmi ah oo sheegaysa in Madaxweyne Rayaale, magaalada Laascaanood u diray koox rag ah oo lacag xaddi badan qaaday, kuwaas oo abaabulaya maleeshiyo beeleed weerar ku qaadda ciidamada qaranka ee jiiddaas degen, "Haa, waa xog rasmi ah oo aanu helnay." Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas raaciyay, "Madaxweyne Rayaale, waxa uu Hargeysa ka diray koox rag ah oo qaaday lacag badan, waxaanay u geeyeen badhasaabka gobalka Sool, isna waxa uu abaabulayaa jabhad beeled weerar ku qaada ciidamada qaranka, si loo yidhaahdo ciidankii waxa soo weerartay Majeerteeniya."

Faysal, waxa uu sheegay in Madaxweyne Rayaale tallaabadan uga gol-leeyahay sidii uu indhaha shacabka ugu jeedin lahaa ciidamada qaranka, "Ujeedadiisu waxa weeye inuu indhaha shacabka ku jeediyo ciidamada qaranka oo uu yidhaahdo Puntland ayaa ina soo weerartay, isagoo doonaya in laga jeesto tallaabooyinka guracan ee uu ku laalay diiwaangelinta."

Faysal Cali Waraabe, waxa uu baaq digniin ah u diray ciidamada qaranka, waxaanu yidhi, "Ciidamada qaranka waxaan leeyahay feejignaada oo dareen digniin ah qaba, waayo cagihiina ayaa laga abuurayaa xaaalad xun, dawladda ayaana wadda ee la socda."

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.


No comments: