29 August, 2009

SOMALILAND: Fadhigii G. Wakiilada ee maanta oo buuq u baaqday iyo aragtida Shirguddoonka

Fadhigii G. Wakiilada ee maanta oo buuq u baaqday iyo aragtida Shirguddoonka

Fadhigan maanta ayaa buuqan galay ka dib markii Xukuumadda Somaliland Ciidamo tiro badan oo Boolis ah geeyeen Xarunta Golaha Wakiilada, kuwaas oo ku gacan-saydhay amar ka soo baxay Shirguddoonka Golaha Wakilada oo sheegayay in aan Golaha loo ogolaan inay soo galaan 6 Mudane oo 24-kii bishan qas iyo buuq ka sameeyay Xarunta Golaha. Waxaanay Shirguddoonku Ciidankan saaka la keenay Xarunta Golaha ku tilmaamay kuwo Xukuumadddu u keentay in ay Golaha geliyaan Mudanayaasha laga mamnuucay in ay Golaha soo galaan muddo saddex maalmood ah. "Taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu noo sheegay in aanay Ciidankan cusubi ka amar-qaadanayn Shirguddoonka oo aanay Amarkoodaa u hoggaansamayn, isla markaana ay qabaan amar ka sarreeya ka Shirguddoonka. Sidaa darteed, aanu la xidhiidhno Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Markii aan Wasiirka Arrimaha gudaha la xidhiidhay, iimay suurtogelin in aan helo." Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Guddoomiye Cirro waxa uu Ciidankaa ku tilmaamay kuwo lagu khalkhal-gelinayo kala dambaynta Golaha. "Ciidankan waxaanu u aragnaa kuwo la soo raaciyay Mudanayaasha aanu Golaha ka joojinay muddada saddexda maalmood ah ee Golaha qaska ka sameeyay, si ay Golaha u soo geliyaan." Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro. Ka dib markii buuqu ka dhashay fadhigii maanta ee Golaha, ayaa Shirguddoonka Goluhu shaaciyay in uu fadhigu xidhan yahay.

Muuqaalka guud ee Xarunta Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ahayd meel ay adag tahay in la galo, isla markaana waxa buux-dhaafiyay Ciidamo tiro badan oo ay XUkuumaddu halkaa geysay.

Maaha markii u horraysay ee Xukuumaddu Ciidan geyso Xarunta Baarlamaanka, hase ahaatee toddobaadyadii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii tallaabadan oo kale ay qaadday Xukuumaddu. Taas oo uu Wasiirka Arrimaha guduhu difaacay, kuna tilmaamay tallaabo ay amniga ku sugayaan, balse aanay farogelinayn arrimaha Golaha.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


No comments: