21 August, 2009

Ergada isu Xilsaaray Xalinta Shaqaaqada Ceelberdaale oo Shaaca ka Qaaday Inay Madaxweynaha.....

Ergada isu Xilsaaray Xalinta Shaqaaqada Ceelberdaale oo Shaaca ka Qaaday Inay Madaxweynaha la Kulmi Kari Waayeen

Hargeysa (Jam)- Ergada isu xilqaantay xallinta dhibaatada ka dhalatay dilkii foosha xumaa ee lagula kacay afar nin oo ka soo jeeday Gobolka Awdal, ayaa shaaca ka qaaday inay u suurtogeli weyday la kulanka madaxweynaha Somaliland si ay warbixin iyo talooyin uga siiyaan baaxadda arrintu leedahay iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa, waxaanay caddeeyeen in tiraba dhawr ballamood oo xafiiska madaxweynaha looga keenay dhinaciisa ka fuli waayeen.

Ergada isu xilsaartay xallinta muranka Ceelberdaale oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 50 xubnood oo isugu jira culimaa'udiin, salaadiin, cuqaal, aqoonyahanno, ganacsato iyo waxgarad kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Somaliland ku dhaqan, isla markaana in muddo ah isaga dabqaadayey labada beelood ee colaaddu u dhexayso, ayaa kulan ay shalay ku yeesheen hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa waxay kaga xog-warrameen guulihii ay ka gaadheen dhexdhexaadinta mashaqada ka dhalatay raggii sida foosha xumayd loogu laayey Gabiley iyo Boorama dhexdooda, iyagoo xusay in qolo waliba garawshiyo ka bixisay wixii loola tagay.

Warbixin dheer oo Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ah guddoomiyaha ergadu halkaa ka akhriyey, waxa ay u qornayd sidan:

"Haddaanu nahay ergadii isxilqaantay ee ka hawlgashay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Kalabaydh iyo Dila dhexdooda oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 50 xubnood oo ka koobnayd culimaa'udiin, salaadiin, cuqaal, aqoonyahanno, ganacsato, odayaal iyo waxgarad kaleba, kuwaas oo ka soo kala gurmaday dhammaan daafaha dhul-waynaha Somaliland.

Waxay Ergaddu ku maqnayd aaga muddo laba toddobaad ah (15/07/09 ilaa 28/07/09), iyada oo ka hawl gashay dhexdhexaadinta labada beelood ee walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay, kaasoo ay ergadu kala kulantay labada dhinacba soo dhowayn fiican, qalibi furan iyo aqbalaadda dhexdhexaadintaba.

Waxqabadkii Ergada:

Waxqabadkii ergada muddadaana waxa ka mid ah:

1) In garawshiiyo ay ka bixisay beesha reer Gabilay falkii foosha xumaa ee budhcaddu gaysatay, ballanna qaadeen in ay raggii falka ku kacay keenaan.

2) In beesha Boorama aqbaleen tacsidii aannu uga sidnay bulsho-waynta reer Somaliland, ogolaadeenna in ay is-xakameeyaan nabadgalyadana ilaaliyaan.

3) In aannu wixii gaadiid budhcaddu dhacdayna gacanta u galinnay ciddii lahayd markay beesha Gabilay keentay

4) In aanu labadii ciidan beeleedna kala fogaynay ciidanka, qarankana kala dhexdhignay.

5) In labada beelood naga oggolaadeen inay nabadgalyada ilaaliyaan intay arrintu dhammaanayso.

6) In wixii hanti budhcaddu ka dhacdya dadkii geeriyooday ALLE ha u raxariistee beesha Gebilay keento marka la sugo.

Soo noqodkii Ergada:

Ergadu waxay soo noqotay 28/07/09, iyada rajo weyn iyo niyad-samiba kaga timi labadii beelood ee ay dhexdhexaadinaysay, markiiba ergadu waxay ka hawlgashay sidii ay maamulka oo uu ugu horreeyo mudane Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ula kulmi lahayd, warbixin iyo talo uga siin lahayd baxaadda hawsha meesha taallaa leedahay iyo sida ugu habboon ee xal waara loogu heli lahaa arrintan ay ka hawlgashay ergadu, waxana ballan nalooga keenay xafiiska madaxwaynaha tiraba dhawr jeer, hase ahaatee xagga Madaxwaynaha ka suurtogali wayday, welina sugayno in aannu la kulano haddii EEBBE yidhaahdo.

Talo-bixin

Ergo ahaan waxay noola muuqatay in colaaddan iyo mashaqadan meesha ka dhacday ay sal u tahay khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya labada beelood oo ku saabsan dhulka Ceelbardaale, colaaddaas oo yaraysay is-aamminaaddii, isu socodkii ganacsi iyo mid kaleba, waddadii halbawlaha u ahayd (Dila iyo Kalabaydh) baqo daraadeed socodkeedii yaraaday, haddii ay colaaddani sii socotana keeni karta khatar iyo burbur tan ka weyn EEBBE innaguma keenee.

Dawladda masuuliyadeeda ugu horreysaa waa in ay ilaalisaa oo sugtaa amniga iyo nabadgelyada.

Colaaddan ka aloosantay Ceelbardaale xalkeeda horreyso iyo danbaysaba masuuliyadeeda iyo awoodeedaba waxaa iska leh dawladda tii hore iyo tan maantaba.

Haddaba, waxaannu kula talinaynaa dawladda inay nabadgelyada jiidda sugto, soona dedejiso arrintan xalkeeda kama dambaysta ah, iyada oo waddanku marayo wakhti adag oo khilaaf doorasho iyo mid siyaasadeedba taagan yahay, halisna ku yahay waddanka oo dhan. Waxaannu ku talinaynaa kana codsanaynaa dawladda iyo mucaaridkaba in loo tudho ummadda, nabadgelyada la haystana lagu faro-adaygo.

Dadka kale ee faragelinta ku leh arrintanna waxaannu ka codsanaynaa in ay ka waantoobaan fitmo-kicinta.

Ugu dambayn ergadu, iyada oo markale aad iyo aad ugu mahadnaqaysa labada beelood ee arrintu ka dhaxayso, waxaanu si xushmad iyo qadarin leh uga codsanaynaa in ay is xakameeyaan, ilaaliyaana waxaynu wada leenahay ee ay ugu horreyso nabadgelyada waddanka, wada dhalashada, islaamnimada, jaarnimada iyo wixii ina midaynayaba, iskana fogeeyaan wax allaale iyo wixii wax innaga xumaynaya ee aanay danteenu ku jirin, iyadoo bishii Ramadaan ee barakaysnaydna innagu soo fool leedahay. Ergo ahaan waxaannu diyaar u nahay in aannu sii wadno arrintan inta xal waara laga gaadhayo ILLAAHAY idankii," ayey ergadu ku yidhaahdeen qoraalkooda.



Jamhuuriya Online

No comments: