19 August, 2009

Dhanxiir iyo Wasiirka Daakhili

Maansha Allaah, Alleylehe, waa kaa wasiirul-daakhiligii go?aan cad ka qaatay abaabulka qolooyinka mucaaridku la soo taagan yihiin kolhadii uu ku yidhi; ?Adeerayaal, dalka sharci iyo kala dambayn ayaa ka jirta, qaska aad wadaana sir iyo caadba waanu ula soconaa ee ka waantooba hadii kale shaqadiina waa la yaqaanaa.?

Weger; Adeer; Ninkan guulwadaha dabiiciga ah ee NSS-nimadu madax martay hadalkiisu wax ka soo qaad malaha oo kal hore ayay cumaamadii ka dhacday, markuu Xirsi Al-shabbaab ku tilmaamay shaani caantaynkiisii yaraa ee Guurtidana ku masabiday KULMIYE, gantaalihii uu afka ku kala waaxayna meel ay mareen la waayay ee waxaan ku waydiiyey cid walba maad ka gurtaa.

Jamhuuriya Online

No comments: