17 August, 2009

Dhanxiir iyo Macalinka Xukuumada

Dhanxiir iyo Macalinka Xukuumada

Maansha Allaah, Alleylehe, Aw Macallinkii xukuumaddu go'aankii Wakiillada gafuurka ayuu ka laagay, kolhadii uu yidhi 'ma aqbalayno waxay soo malmaluuqeen, fulin baa nala yidhaa oo annaga ayuunbay wax naga go'aan, ummad, axsaab, golayaal sharci-dejineed midna ma naqaanno, doorashadana sidii RPP-daa Jabuuti ayaanu kelidayo u gelaynaa.'

Weger; ayaan-darrada Somaliland ka jirta ayey muujinaysaa inuu ku sime wasiir si dheel-dheel ah go'aan gole sharci-dejineed u yidhaahdo waa waxba kama jiraan, ishooduu ka arkaye hadday isaga iyo ka soo dirtayba isku barkin waayaan ha iswada casilaan oo ammaanadii ha u celiyaan dadkii soo doortay, haddii kale wax ka daran ayaa berrina mid kale afkiisa ka soo yeedhi.



Jamhuuriya Online

No comments: