21 August, 2009

Burco: Banaanbax Balaadhan Oo Ay .....

Burco: Banaanbax Balaadhan Oo Ay Is Bahaysiga Xisbiyada Mucaaridka Ahi Maanta Ka Dhigeen Xarunta Gobolka Togdheer.

Burco(Ramaas) Aug. 20, 2009 - Taageerayaasha

axsaabta Mucaaridka ee Kulmiye iyo Ucid ayaa maanta  Banaan-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Laalista diiwaangelinta ka dhigay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Banaan-baxan labada xisbi Mucaarid ka sameeyeen Magaalada Burco oo ay ka soo qaybgaleen Kumanaan kun oo Qof  oo ka tirsan Taageerayaasha xisbiyadaasi kuwaas oo ay Shucuurtoodu kacsanayd isla markaana ay wehelinyanaan masuuliyiinta sar sare ee Labada Xisbi Mucaarid u qaabilsan Gobolka Togdheer Kulmiye iyo Ucid ayaa lagu qabtay Meel udhaw Fagaaraha Khayriyada Burco ka dib markii ay Maamulka Gobolka Togdheer isga hortaageen in ay Banaanbaxoodan axsaabta Mucaaridku ku qabsadaan Fagaaraha Khayriyada Magaaladaasi halkaasna ay dhigeen Ciidamo Boolis ah oo aad u hubaysan.

Masuuliyiinta Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo Taageerayaashooda kula hadlay  Goobtii ay banaan-baxa ka dhigayeen ayaa Taageerayaashooda usheegay in aanay Aqbalaynin Laalista Diiwaangelinta isla markaana waxay si kulul u canbaareeyeen Komishanka qaranka iyo Xukuumada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay baalmareen Shuruucdii dalka u taalay ka dib markii ay isku raaceen Laalista Diiwaangelinta iyo in bilaa diiwaangelin lagu galo Doorashada fooda inagu soo haysa,waxaaney Komishanka iyo Xukuumada usoo jeediyeen in ay arintaasi ka noqdaan.
Waxa kale oo ay masuuliyiintan Kulmiye iyo Ucid ay halkaasi ka sheegeen in aanay aqbalaynin in doorashadu in ay dhaafto wakhtigii loogu talogalay in ay ku dhacdo ee 27Bisha Sebtember xiligaas oo ah xiliga ay u Cayimeen Komishanka qaranka Somaliland,isla markaana  waxay Gabo-gabadii Masuuliyiinta Mucaaridku taageerayaashooda usoo jeediyeen in ay Ilaaliyaan Nabad-gelyada iyo daganaansha.

Dhinaca kale Banaan-baxan oo ay maanta Kulmiye iyo Ucid ay soo qaban-qaabiyeen oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee ay gobolka togdheer ka dhigaan Mucaaridku ayaa dadkii ka soo qaybgalay waxay siteen Boodha-dh ay ku xardhanyiin Astaamaha lagu yaqaano Mucaaridka iyo hal ku dhigyo ay Taageerayaasha mucaaridku kaga soo horjeedaan Laalista diiwaangelinta iyo shaqo la'aanta dalka ka jirta ,Taas oo ay laaleen Komishanka qaranka somaliland iyo xukuumadu halka uu shaqo la,aantana uu keenay wakhitigu.

Ugu danbeyntii Banaan-baxan Axsaabta mucaaridka ee burco ka dhacay oo ay si wayn uga cabsi qabeen dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolka togdheer ee Burco in uu isurogo Rabashdo lagu waxyeeleeyo Magaalada iyo xarumaha ganacsiga ayaa ku bilaamay kuna dhamaaday jawi degan oo nabadgelyo ah kaas oo dadkii ka qaybqaatay uu qofkastaaba aaday gurigiisii markii uu dhamaaday banaan-baxo.

Ramaasnews Desk

Burco

 

No comments: