23 August, 2009

Barakada Bisha Ramadaan Ma Qaboojin Doontaa Xiisadda Siyaasadeed Ee Somaliland?


Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Sida la ogyahay ama badi reer Somaliland iyo caalamkuba la socdaan, waxa Somaliland saameeyey khilaafka dhinaca siyaasadda, kaas oo muran iyo mugdi geliyey doorashooyin la filayey inay dalka ka dhacaan bisha soo socota.

Afartii maalmood ee ugu dambaysayna waxay siyaasadda Somaliland gaadhay meel xasaasi ah, markii taageerayaasha xisbiyada mucaaradka iyo masuuliyiintooduba Hargeysa ku soo bandhigeen isu soo bax ay madaxweynaha dalka  iyo xukuumaddiisa-ba ku tusayeen inay weli yihiin xoog  jira oo samayn kara isbedel siyaasadeed, iyagoo halkaasi kasoo jeediyey hanjabaado iyo digniino xukuumadda Rayaale loogu sheegayey inuu dhawyahay wakhtigii ay kursiga iman lahaayeen mucaaradku, hase yeeshee saacad kadib ayaa Madaxweynaha Somaliland banaanbax-yadoodaasi ku sheegay wax aan macno lahayn oo aan waxba yeeli karin hogaankiisa iyo xukuumaddisa-ba haddii ay doonayaan nabadgelyad dalkana Madaxtooyada ha u yimaaddaan wadahadal  lagu dhameeyo khilaafka.


Hadaba shalay oo reer Somaliland iyo dunida muslinka ahba ay u bilaabantay bishii Ramadaan, isla markaana shalay ahayd maalintii koowaad ayaa Boorama laga dareemayey jawi kale oo aan ahayn kii shalay ee ku dhamaaday sawaxanka iyo durbaanka siyaasadeed ee kala taageersan xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga xukuumadda ee UDUB.

Shalay ayay badi dadweynuhu hadal hayeen sida uu ku dhamaan Soonka barakaysan iyo bilowgiisa shalay adaygga uu lahaa, isuna sheegayey inuu maalmaha dambe illaahay u fududeyn doono. Maalintii shalay ayaa sidoo kale dadku ku mashquul-sanaayeen

iibsiga badeecadah cuntada ah ee qaaliga ah, kuwaas oo ganacsatada aan naxariista lahayni la beegsadeen dadweynaha inay bishan Ramadaan macaash badan kaga helaan badeecadaha ku gaboobay bakhaarada ee wakhtigoodii dhacay, isla markaana aanay jirin  hay'adda ka tirsan oo ilaalisa fayadhawrka badeecadaha cuntada u badan ee suuqyada lagu soo bandhigay bishan Barakaysan.

Dadweynaha ayaa sidoo kale ku mashquulsan  sidii ay u gaadhi lahaayeen salaadaha kala duwan ee wakhtiyada kala duwan, si ay ajar iyo xasanaad badan ilaahay kaga kasbadaan bishan soon, iyadoo dadka salaadahaasi ku degdegeya ay ku jiraan dad laga yaabo in aanay bilaha kale salaad u gelin masaajidka, balse markii laga xidhay shaydaanka bishan ku sii qulqulaya masaajidada.


Siyaasiyiinta ayaad dhinacoodana moodaysay inay illoobeen siyaasaddii shalay ay ku aflagaadeynayeen xukuumadda, halka siyaasiyiinta xukuumadduna illoobeen cambaareyntii mucaaradka, jawiga siyaasadduna bishan ku bilowday mid laga fili karo inuu soo qaboobayo, dad badanina rajo ka qabaan in bishan soon noqoto xalka siyaasadeed ee kala qabta mucaaradka iyo muxaafidka.

Inkastoo aan siyaasadda Somaliland ee maalmahan la illawsanayn, ayaa laga yaabaa inay siyaasiyiinta isku haya hoggaanka dalku ku jiraan heegan mid kastaaba iskaga ilaalinayo kan kasoo horjeeda, balse dhinaca kale waxa shalay oo ahayd bilowga bishan Ramadaan cid kastaa ku ducaysanaysaa in ilaahay qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee Somaliland, isuna soo dhaweeyo labada dhinac ee isku haya, balse cidina ma garan karto in illaahay waafajin doono iyo inkale.

Si kastaba ha ahaatee xal kastoo ku saabsan qabashada doorashooyinka Somaliland ee wakhtigan ayaa cid kastaa garanaysaa in aanay wakhtigeedii ku qabsoomayn, diiwaangelin halagu galo ama yaan lagu geline, waxaanay cid kastaa sugaysaa bal waxa uu noqon kara xalka la doonayo inay labadaa dhinac iskaga soo dhawaadaan dhinaca siyaasadda, xalkaas oo noqon kara, waa tan koowaadee in la isla ogolaado diiwaangelin ama diiwaangelin la'aan, waa tan labaade in dib loo dhigo doorashooyinka ilaa lix bilood oo kale, si loo helo xog rasmi ah oo kasoo baxda Serverka la isku hayo dhinaca diiwaangelinta, waa tan saddexaade in talo laga sugo dalalka caalamka ee Somaliland jecel, deeqbixiyeyaasha iyo dalalka deriska ah taasina ka mid noqoto heshiiska iman kara.


Hadii xaaladda siyaasadeed dalka xal loo heli waayo inta ka horreysa dhamaadka bisha Ramadaan waxa ay Somaliland ku dhawaan doontaa xaaladda Somalia, haddii

Intaa midna lagu guulaysan waayo wuxu xaalku noqonayaa "Ninkii Rooni Reerka Ha Hadho" xoog iyo xeerna dhinacyada isku haya dalku isku adeegsadaan, kuwaas oo shacbiga u isticmaalaya hubka ugu horeeya ee ay isku ridayaan labada dhinac


haatuf.





No comments: