44.jpg

Boorama-(Lug)-Magaalada Boorama ayaa xisbiga Kulmiye ka sameeyay isku soo bax uu ku qabtay Xafiiska Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Boorama Hortiisa, taasi oo la filayay in ay labada xisbi mucaarad wadajir u soo baxaan, balse xisbiga UCID laga waayay taagerayaashiisa isku soo baxaas Borama, waxaana keenay in ay ka maqnaadaan Gudoomiyaha UCID ee Awdal Abiibakar Xuseen Shiine-Dheere oo ka baaqday abaabulka, dhanka kalana Axmed Muumin oo ah isku xidhnaa xisbiga UCID ee Awdal iyo Salal ayaa la xidhay xalay, waxaana la soo daayay duhurkii maanta. sidaas awgeed xisbiga UCID dhaqdhaqaaqiisa lama dareemin maanta Boorama.

2.jpg

Hadaba isku soo baxa uu sameeyay xisbiga kulmiye kana horsameeyay xafiiskiisa waxaa khudbado aad u dhaleecaynaya xukuumada iyo masuuliyiinta G/Awdal ka jeediyay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ibraahim Aadam Qaalib wuxuuna khudabadiisa ku bilaabay ‘Isku soo baxeena maantu waa in aan muujino sida aan u diidanahay doorasho aan diiwaangelin ahayn in aan ka qayb qaadano, qalalaasaha maanta ee dalka ka taaganna waxa sabab u ah xukuumada oo ka baaqatay doorkeedii .Xukuumaddu hadii ay qaladay diiwaangelinta iyadaa masuuliyaddeeda leh, hadiise xisbiyada iyo xukuumaddu meel isugu iman lahaayeen wax ma xumaadeen, waxaase leexshay xukuumada oo wasiiro aan wada socon u soo dirtay gobolada dalka, tidhina mid walba reerkooda ha abaabulo, qabyaalad darteed ayaa meel la innagu kala xidhay , marka hore waxaan rabnaa inay xukuumaddu ku soo laabato xayndaabka sharciyadda .

31.jpg

Iyada oo maanta wasiirku guduhu fasax noo siiyey inaan banaanbaxno ,isuguna soo baxno khayriyadda ayaa waxa ka awood roonaaday taliye Boolis Saldhig waana nala horjoogsaday .Hadaba hadii aanay gobolkii iyo xukuumaddu is maqlayn sidee loo kala socon. gobolkani Awdal waa ka duwan yahay gobolada kale, waxaana saaran cabudhin iyo cadaadis xoogle, marka aad tego xafiisyada dawladda ee G/Awdal waxaad ku arkaysaa masuuliyiintii u dhaxayn lahayd Axsaabta oo xidhay shaadhadhka iyo Koofiyadaha xisbiga UDUB, waxay ahayd inay dhex noo ahaadaan. xisbiga UDUB baarlamaankay caayayaan golayaasha kale ayay aflagadaynayaan fagaarha khayriyada ayay xidheen, waxaan idiin sheegayaa in xisbiga Kulmiye doorasho uu doonayo laakiin sharciga xukuumadda ha ku soo noqoto. Anagu ma rabno musuqmaasuq ee doorasho xalaala ayaan rabnaa.

1.jpg

Axmed Muxumed Dacar oo ka mid ah xisbiga Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yihi “Waxa ina haysta culays badan xisbigeenan kulmiye, doorasho diyaar baa loo yahay in laga qaybgalo waxaase la isku hayaa sharciyad, marka laga dad bato xisbiga UDUB looma baahna inay dalka qasaan, oo ay isticmaalaan Awoodii dawlada sida Ciidanka iyo Hantida, dawladdu ma waxay ka baqaysaa in laga xoog bato,.waxan leehay halaga daayo cagajuglaynta xisbiga Kumiye ee G/awdal dadka xidhanna hala soo daayo.

5.jpg

Suldaan Daahir Cismaan Cilmi ,oo isna halkaasi saaka ka hadlay ayaa wuxu yidhi ‘’intii umadda kala dileysa allaha innaga qabto, Afrikaan dhaansaday dhiishiisa ayaa lagu yaqaan in uu walaaqo saacadaha dadka kale waxaasi wax lala yaabo maaha caytamina mayno, dawladdase waxaan leenahay sharciga ha ku soo laabato, dadku sharciga ma diido ee shakhsibaa diida. dawladda iyo UDUB waxay tidhaa maxay u soo bixi waayeen mucaaradku haddii aanay ka baqayn doorasho? waaxan u sheegaynaa in sababta aan u soo geliweynay ay tahay, markii la jabiyey shan heshiis oo dhex maray xisbiyada mucaaradka iyo UDUB, Waxay diideen bedelka komisanka, waxay diideen xeerkii anshaxa ,waxay diideen diiwaangelintii, caalamkiibaa la diida, guddigii xisbiyadaa la diiday, sidaas awgeed maaha in sidaan dooonnaan kubadda u laagaynaa ay na yidhaahdaan, umaddani xeerar bay leedahay ,ciddii ka soo horjeesatay dawladnimada waad ogeydeen sidii cagta loo mariyey 1994kii Garxajis, dee sharcigiiiba lagu fuliyey maantana ciddii ka soo horjeesata cagtaa la marin doonaa ,raggii cagta la mariyeyna waa diyaar.Qaarbaa ku khudbadeeya diiwaangelintaa la inagu yaraynayaa, beelaha kale ayaa la inagu diraa xaalbaan ka bixinaynaa, raggu wuu is dilaa marna wuu heshiiyaa ..Awdal Somaliland baa lagu dhisay, Rayaalaa ka madaxweyne ah, sidaas awgeed maanta ma doonayno in gacanta nin reer Awdal iyada oo ku jirta ku burburto, isagana ka aqbali mayno kana yeeli maynno. .Ciidankan qafqafta badan waxan leehay daaya waxaad waddaan .Dawladdii Siyaad Barre Kaareheedii ayaa shicibku shafka u dhigay,maaha qoryaha an innamadayada ku qaramaynay in naloogu hanjabo, ,.berri waan la noqonaynaa inamadu waa beelo, raggii ay xabaddu ka fakatay dadkii ay laayeen ,annagaa magtoodii bixinnay dawlad ka bixinaysaa ma jirto,,qaraan aan damaanad qaadaynaana ma jiraane gacantooda ha ilaaliyaan, cida la xidhayna hala soo daayo.” ayuu khudbadisii ku soo afjaray.

6.jpg

Hadaba sida ka muuqatay barxada ay dadku iskugu soo baxeen ee xafiiska hortiisa, waxaa dhinacyada ka taagnaa ciidanka Booliska oo wata Gaadiidkooda iyo Ciidamo kale oo dirayska Milatariga xidhan, waxaaanad moodaysay in taagerayaasha loo diidanaa in ay socod ku maraan dariiqyada magaalada, ugu dambayntiina waxaa lagu kala tegay si nabad ah. dadkii halkaas isku soo baxayna ku kala dareereen, marka laga reebo dhalinyar calamada kulmiye lulayay oo marki dambe soo gaadhay suuqa meelo ka mid ah.

71.jpg
8.jpg
9.jpg
10.jpg
111.jpg
12.jpg
13.jpg
14.jpg


Wariye:-
Hashim Goth