03 August, 2009

Axsaabta Mucaaradka Somaliland oo samaynaya guddi ay ku midaysan yihiin

BubbleShare: Share photos - Easy Photo Sharing

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku sheegay in talada dalka iyo Doorashooyinkaba aanay Axsaabta iyo Golayaasha Qaranku la wadaagin ee uu isagu kaligii go’aan ka gaadhi karayo.

Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Kulmiye oo maanta shir-jaraa’id wada-jir ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay samaynayaan guddi wada-jir ah oo midaysan, kana kooban labada Xisbi Mucaarad. “Dhawaan waxaanu soo saaraynaa guddi midaysan oo labada Xisbi ah (Joint Committee), kuwaas oo arrimahan soo baxay si wada-jir ah u wada wajaha. Labadayada Xisbi iskumaanu darsamin oo maanu midoobin, hase ahaatee arrimahan taagan ayaanu aragtiyada si midaysan u samaynaynaa, si aanu nook ala qaybqaybin (Madaxweynuhu)” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Shirkaa-jaraa’id ka hadlay. Waxaanu baaq u diray Beesha Caalamka. “Beesha Caalamka waxaan u sheegaynaa haddaanu nahay Umadda reer Somaliland in aanu abaalka ay noo galeen u hayno ee arrintan ay geysteen Madaxweynaha iyo Komishanku. Waxaananu ka codsanaynaa in aanu xaqagaya ka helno oo ay sidii inoo garab-taagnaadaan.” Ayuu intaa raaciyay.

Guddoomiyaha UCID mar uu ka jawaabayay su’aal ku aaddanayd hadal uu sheegay Guddoomiyaha Komishanku oo ah in Xisbigii aan u hoggaansamin Go’aankooda ay tartanka Doorashada ka reebayaan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Sharcigu wuxuu dhigayaa in Doorashada ay u tartamaan saddex Murashaxa. Laakiin, hadduu isleeyahay sidii Robert Mugabe (Madaxweynaha Zimbabwe) ayaad kaligaa iska wadan doontaa, taasi suurtogeli mayso. Jaamac-Sweden maalintii uu yidhi Diiwaangelinta waanu laalnay, waxay ku ekayd maalintii Is-casilaadda laga sugayay, dabadeed wuxuu eryay kuwii isaga eryayay oo uu Kiiskii ku burburiyay. Awooddaa ma leh, anaga ayaa awooddaa leh oo haddaanu Kalsoonida kala noqono ay tahay inay iska tagaan.”

Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaa ka hadlay ayaa hadalkii ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale shalay ku tilmaamay wax lala yaabo, waxaanu sheegay in hadaladiisu aanay ahayn hadalo ka soo yeedha Madaxweyne Qaran. “Maqaamka uu noola hadlayo ayaa ah kii Guddoomiye Xisbi, sidaa darteed waa Guddoomiyaha UDUB, hase ahaatee, marka uu noola hadlo sida Madaxweyne Qaran. Anaguna meeqaamkeeda ayaanu kula hadlaynaa.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: