04 July, 2009

Wasiirada Hawlaha guud iyo Difaaca oo ka hadlay gacan-ka-hadal

Wasiirada Hawlaha guud iyo Difaaca oo ka hadlay gacan-ka-hadal la sheegay in uu dhex maray

Sida uu caddadkiisii shalay faafiyay Wargeyska Haatuf, labadaa Wasiir waxa uu sida uu sheegay gacan-ka-hadalka dhexmaray ka dambeeyay ka dib markii ay isku maandhaafeen guri dawladdu leedahay oo sida la sheegay Madaxweyne Rayaale siiyay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdillaahi Cali Ibraahim, kaasoo Wasiirka Hawlaha Guud-na sida Wargeysku sheegay uu ku doodday in aanu siinta gurigaas waxba kala socon, sidaa darteedna ciidan Boolis ah ugu diray si ay u horjoogsadaan haddii dhisme cusub halkaas. Hase yeeshee, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdillaahi Cali Ibraahim oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay gacan-ka-hadalkaas, waxa uu sheegay inuu wadahadal dhexmaray Wasiir Siciid Sulub, balse aanu jirin wax is-faro-saar ah oo dhexmaray labadooda. "Wax gacan-ka-hadal ahi ma jirin oo warkaasi waa buun-buunin. Laakiin, waanu wadahadalay, wax gacan-ka-hadal ahina ma dhicin," ayuu yidhi Wasiirku. Mar aanu wax ka sii waydiinay waxyaabaha uu salka ku hayay iyo nooca wadahadalkoodaa uu sheegay, waxa uu si kooban u yidhi; "Wax faahfaahin ah ama xog ah oo aan imika ka bixinayaa ma jiro."

Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyaynta Siciid Sulub oo sidoo kale Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintaas, waxa uu meesha ka saaray jiritaanka wax ismaandhaaf ah oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhiga. "Aniga xagayga waxba kama jiraan arrintaa….Ilaah baa sidaa igaga sareeyee ma jirto," ayuu yidhi Siciid Sulub. Sidaa darteed, mar la sii waydiiyay inuu si rasmi ah u beeninayo in gacan-ka-hadal dhexmaray isaga iyo Wasiirka Difaaca, waxa uu yidhi; "Horta, waxa weeye marka been jirta aad beeniso ee aad runtii sheegto ayay Jaraa'idkiinani (Saxaafadda) si kale u dhigayaan…."

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: