Muranka ka taagan doorashada Somaliland | |||||||||||
Soomaliland, ayaa dalkeeda ka saartay wakiilka hey'adda Interpeace, oo ah hay'adda ka caawineysay gudigga doorashada ee Soomaliland, dhinaca farsamada Diiwaangelita doorashooyinka. Talabaddan waxeey ka dambeysay markii guddiga Doorashooyinka Somaliland uu maanta codsaday in wakiilkaas dalka laga saaro. Mr Samoro, oo ah ninka la eryey, ayaa guddiga doorashada ee Somaliland ku eedeeyeen, in uu si sharci darro ah u siiyey Xisbiyada qaarkood, liis aan dhameystirneyn oo ay ku qoran tahay diiwaangelita codbixiyayaasha ahna liis muran ka taagnaa. Hadaba madaxweynaha Soomaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa arintaan laftiisu ka hadlay. Waraysiga Weriyaha BBC-da ee Hargeisa, ayaa ka waraystay mowqifkiisa muranka diiwaangalinta doorashada Somaliland. | |||||||||||
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
30 July, 2009
Muranka ka taagan doorashada Somaliland
Subscribe to:
Post Comments (Atom)

No comments:
Post a Comment