Maansadan gaaban waxa la yidhaahaa dagaalkaa ha la joojo ,waxay ka hadlaysaa dhibaatada colaadu leedahay iyo inay mujtamaca u geysato dhibaato dhinac kasta ka saamaysa sidaa aawadeed ay wanaagsan tahay in la joojiyo dagaalka iyo colaada dhexmaraysa dadka isku midka ah ee ood iyo ab wadaaga ah waxaa tiriyey Mubarak Mohamed Nur "qoorubaxay" Halkan ka dhegayso Inkastoo la daboolo Af nool baan hadal deyne Mayd waxaa u danbeeyey Kaa duleedada yaale Nin dhegtiisu dalooshaa Alaheen ku duwaayoo Duciyo waanaba qaatee Balaan maanta ku daalo Aleylee Dulmi weeye denbi weeye la geystay Weliba waa doqoniimo Dunjigooda dhamaan Dadkeenoo dhan ku ceeba danbaysadoo wax la xeersho Dir waataan u lahayne dagaalkaa ha la joojo! Labadaa is dilaayey Marna waa isku duud degaana waysu xigaan shaydaankaa dab u dhiibay Iblays baa diray maantee Intaan dhiig danbe daadan Dagaalkaa ha la joojo! Intaa aan shalay duugnay kuwaa duubigu laabmay' daqarkiisiyo dhaawac Doog xunbaa ka hadhaysee Daayinkiina ka yaaboo Dagaalkaa ha la joojo!' Cadaawii dudadeeniyo degelkeena tubnaa isaga waa u debaaldegoo baaqiguu dubanuune sida duunyada foofta intaan layna dareersane daabaqad laynagu jiidin dagaalkaa ha la joojo!. waxaa laysku dilaayay kitaabkaa u daydaanba daliil loo heli maayo Dux waxaan gelinayn baa dirirtaa laga oogaye intii daabcadu leeftay dib u soo noqon maysee dagaalkaa ha la joojo!. hadaa diinta islaamka dad yaqaana tihiinoo dabuubtii nabigoodiyo cabsida eebe damqaysoo dogobadeediyo naarta dayr ka sii xidhanaaya Axdigu haydin dabroo dagaalkaa ha la joojo! baroortaa dumarkeeniyo sabigaa didiseene durduradii lala jiidhay mawaashigaa dabku leefay dulmi baa ka gasheene dagaalkaa ha la joojo!. Degmadeenu dhamaan daaqa xoolaha joogiyo dalkuba waa ku filaaye daalac waa ka badnaaye Deeqda eebbe ku siiyo Daayinkaa mahadaale hadii aad ka dartaano dibnaha aan kor u taagno Dunuubay dhaxashaaye Dagaalkaa ha la joojo!. hablii diibka lahaaye doonanaaye sugaayey diricii hanan laa hadii aad ka dishaan Dumaal loo heli maayo dar horaa qadiseene bal docdaana u eego dagaalkaa ha la joojo!. labadiina docoodba Midka duubigu heermo ka kalaw damqanaayoo dermadii tacsideediyo baroortu waa isku deyre doogtu waa idinkuune dagaalkaa hala joojo!. Ergo Maanta ka diida belaayo yaanay ku duuline dedaalkaa nabadeed Daawadiisa gudoomoo dacwadeediyo geedka dooyaysigaa niqidiisa gartaaduunu diyaarsoo dagaalkaa ha la joojo! dardaarankii hadalkayga waxaan doodi ku joogay dabuuntaan odhan lahaa dariiqu iiga furnaa dibnahayga ka sheegoo allaha daahirka eegee baadinka daalacanaayiyo dadkuba waa arkayaaye dagaalkaa ha la joojo! Mubaarak Mohamed Nur qoorubaxay Sweden |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
19 July, 2009
Dagaalkaa ha la joojo(maanso)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment