Maansadan waxaa la yidhaahaa Qalaawada beenta UDUB waxay soo baxday June 20, 2009 Waxaa tiriyey Mubarak Mohamed Qoorubaxay, Maansadani waxay si kooban u taataabanaysaa lugooyada iyo dhibaatada Maamulka daahir Riyaale Somaliland baday dhinac kasta oo ay tahay.
Murtidu waa qayb ilaah Yeelkeedse ninkii qaweda Intii mawle uga qoray, Farshaxankuna waa qiyaas Nimuu galay qaamudkii Qardhaasi ma baajisee Suugaanta laguu qaridhay Caqliga lama qaawiyee Qisada ay daaran tahay Fariin qaanay sidaa Wuxuu qaradkeedu yahay
In qarankii lala ambaday Qadyaan shacabkeenu yahay Qiraal iyo waa cadaan, Xilkeediyo qiimigii Riyaale inuu qatalay Qarqoosh xukunkiisu yahay Masuul Nimaan qaadi karin Bulshada uma qarin karee Ninkii ina qoor u baxay Qasaaraha waa ka digay Diiwaanka ha laygu qoro.
Ninkaan weli quusanee Qaneeco ka eegayoow Qiyaastaadaan wacnayn, Meelaad uga qiil daydiyo Qormaba ma astaysan tahay.
Ileen qab qab dhaafay baa Xornimadaan qaadaniyo Qatalay Calankii horee Hadaad igu qoonsataan Qadoodigu waa hungee Wixii hawl kaa qabsada Qushiye waxba hayga siin Hadhoowto ha qoomamayn Qamuunyiyo ciil ha hogan
Qabyaaladi way xuntahay Qabiilkuse waa jiraa Galool uun lama qabsado. Dhirtaa qudhac iyo qansaxa
Maansadu qaabkay lahayd Waan kuu qodobaynayaa Afartaa qalin iyo waraaq Qumaati bal iigu jiid Xusuustana iigu qabo
Kursigii Qarankani lahaa Ninkaynu u qoofalee U quudhnay xilkii bilaa Qadhaab doon buu u kacay Baloodhiyo qaydidood Qardaas iyo kay bir tahay Markuu wada qaatay badi Qaraamaadkii berbera Qaankiyo deeragii ku jiray Kaluunkii qaadir dhigay Heshiis qawlaysta ah Qasnadahiisii ku shubay Intaasuun kuma qancine Qor weyn buu doonayaa Malaa Total buu qawaday Si buu u qamaamayaa Quluubtuu caydh ka yahay Faqriguu qooraansadoo Quruumo dar oomaniyo Baahidaa qol qolka ugu xidhan Qajeeluu Ciida gaday Qandigu waa faaruq weli .
Dadweynihi way qulbeen Daryeel waxba looma qaban Ka quuste cadaaladii Qaliil weeyaan biyii Shidaalkii qaaliyoow Waxaa qiil qiil ku jira Wixii dadku quudan jiray Ma jiro qorshe caafimaad Qofkii aan iibsan Karin Qudhiisuun baa taqaan Biriijyadii baa Qariban Jidaan qardajeex ahayn Ma ii soo qaban kartaa? Wixii shacabkani qabsaday Ayay iyagoon qajilin Ku sheegtaan faan quturan.
Ninkaan weli quusanee Qaneeco ka eegayoow Qiyaastaadaan wacnayn, Meelaad uga qiil daydiyo Qormaba ma astaysan tahay.
Maansadu qaabkay lahayd Waan kuu qodobaynayaa Afartaa qalin iyo waraaq Qumaati bal iigu jiid Xusuustana iigu qabo
Waxbarashadii loo qaridhay Markay goyn wayday qado Dhalintii qaayaa lahayd Wixii gabadh qurux bilayd Shanteedii qaaradood Qaxootay uga kaceen Tahriibay qaayibeen Naftoodii waa qisaas Badwaynta laysku qubay.
Qormayn ma leh ciidamadu Intaa qalabka u sidaa Qaabayn iyo derajo maleh. Hargeysaan qaybaheed Idaacada qaar maqlaynin Burcoo qarash loogu daray qiimbaarkii lama qubin Riwaayado lagu qosliyo Qisiyo sheekay noqdeen
Abwaanada ma qadershaan Quwayn ma leh culimadii Quraanka alliyo xadiis Faalkaa kala qaaya weyn Saxaafada way qasbaan Hadaanu la soo qaxwayn Suldaamadu qiimigood Xabsiga lagu quuqiyaa Qaylada Dumarkee buladay Qadaadiicdii yarayd Qasriga Madaxtooyadaa U qalin shubatays ku dhacay
Qardoofii waayo dhacay Waxay xoqayaan qolfii Qoomii waa hore bogsaday Si ay qiil ugu helaan Inay kala qabanayaan Qabiilo utuni dhextaal Oon qawl ku heshiin karayn Dalkii waa qaabadaas Qiyaamuun baan ka kicin.
Qumbacashadu waa dhibkee Warkaan soo qaydayaa Tixdii waxa lagu qatimay
Ninkii shalay loo qaldamay Haduu qadaf kuugu daray Qab iyo kibir uu is biday Ma quudhsaa kuugu hadhay?
Qalaawada beenta UDUB Qadhiidhkeedii dhamaa Dadkuna quus buu ka yahay
Inuu xaqu qaalib noqon Halyeeyadi qaadhsanaa Sidii Qoraxda ugu dhalan Qaabkeedii baan arkaa Qarkaan ula saaranahay Bulshada ku calool qubee. Bishaariyo Qayr u sheeg.
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
21 June, 2009
Qalaawaha beenta UDUB
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment