19 June, 2009

Musharaxa Madaxynaha ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Silanyo oo Shir la Galay Jali...

 
 
 

Musharaxa Madaxynaha ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Silanyo oo Shir la Galay Jaliyadaha Somaliland ee Sweden

via Saylicipress.net by saylac on 18/06/09

Maanta waxa lagu marti qadey qolka shirarka iyo soo dhaweynta ee Husbysal Centrum ee magaalo madaxda Sweden ee Stockholm Gudomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed. M. M. Siilaanyo ahna murashaxa madaxweynaha SomaliLand ee doorshoyinkan inagu soo fool leh. Waxana kaso qeyb galey siyasiyiin ka kala socota axsaabta urarada ucid iyo udub halkasoo dhamaan dadku isugu wada jiren cuqaal, aqoonyahano, dumar iyo dhalinyar.

Waxuna Gudomiyuhu shegey inu isbadal weyn uu kasamayn doono dhamaan daldaloolada ka muuqda maanta siyaasada Somaliland taas oo ay ugu wacan tahey ayu yiri Gudomiyuhu cadaalad daro iyo musuqmasuq aan ka fiirsasho laheyn wuxuna ku macneyey in dawladu maanta biyo iska dhawreen oo ay leedahey waan gooyn gedkee ha iga qaban aniguna aan leyahey hadhkiisu waa taan uso halgane ino daayaa.

waxa kalo halka hadalo so jidasho leh kaso jedisey Marwo Aamina Waris sheekh  oo sida la wada ogsoon yahey madaxda reer Somali land marka ay madashan oo kale yimadan looga baran iney codkeeda siiyaan marwooyinkooda la socda ayey waxay ku nuuxnuuxsatey baahida weyn ee ay dabooleen dumarku marka laga eego dhinacyo badan iyo sida ay dumarku maanta siyasada Somaliland uga cad cad yihiin sida Khadra Xaji Gayd iyo xildhiban Ikran X. Daauud iyado carabka ku dhufatey sidi xalaasha aheyd ee ay u soo baxdey Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa'uud oo aheyd gabadhi kaliya ee muujisey iney karti ku yelan karaan dumarku siyasada Somaliland.

Isaguna waxa si cad u tabtey bahida weyn e lo qabo isbadal siyasaded iyo kalsoni darada
dawladan maanta jirta aynan uheyn dadkeda reer Somaliland xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulimye Dr Maxamed C.lahi Omar Waxa kalo halka ka hadley C.salan Cige oo ah xubin ka mid ah
 ururka dhalinyarta jaaliyada reer Awdal&Salal ee xisbiga kulmiye Sweden isago hadalisu ka muuqdeen in dawladan maanta rayaale u madaxda ka yahey fashilantey loona baahan yahey isbadal wayn oo dhinac kasta ah una baqey dhaman dhalinyarta iney si duuban uga wada shaqeeyaan dhismaha dalkooda.

isaguna waxa si qiiro leh ugu baaqey dhaman dadka reer Somaliland  inay san manta jirin fadhi la siimacaansado ee lagu jiro waqti loo bahan yahay in horumar degdeg ah la helo Caaqil Cabdi Caqil yare oo u hadlayey  jaliyada reer Somaliland ee Linköping.

 SayliciPress Sweden

No comments: