09 June, 2009

Marxuum C/llaahi Oomaar oo si heer Qaran....

Marxuum C/llaahi Oomaar oo si heer Qaran ah Hargeysa loogu aasay (Daawo Sawirrada Aaska)


Isniin, 08 June 2009 (HOL)- Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo ka mid ahaa Odayaasha waawayn ee Soomaaliyeed, isla markaana aadka looga yaqaano Saaxadda Siyaasadda iyo Ganacsiga Soomaaliyeed ee sanadihii lixdamaadkii, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa oo uu habeen hore ku geeriyooday. Waxaana Aaskiisa ka qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka ah, Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed, Culima'udiin, aqoonyahan, Ubadkiisii iyo marti-sharaf kale.

Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo aaskiisa si heer qaran ah looga soo qayb galay, ayaa Masuuliyiin badan oo aanu kula kulanay Munaasibaddii Aaskiisa, waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo geerida Marxuumka tacsi uga diray Umadda iyo ehelada. "Haddii cid la dayn lahaa waxa la dayn lahaa Rasuulkii Ilaahay. Cabdilaahi Oomaar wuxuu ahaa odayaashii waawaynaa ee Somaliland. Ilaahay ha u naxariisto, dhammaan waxaan ka tacsiyaynayaa Somaliland, gaar ahaan ehelkiisii iyo qaraabadiisii. Waxaan leeyahay, Ilaahay Jannada ha ka waraabiyo." Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna ka qayb galay Aaskaas, isla markaana halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, "Wuxuu ahaa shaqsi cajiib ah oo Muwaadin ah, isla markaana dad badani ka faa'iidaysan lahaayeen. Markaa Ilaahay dalkeena dalkeena dal aan laga haajirin ha ka dhigo, isagana Ilaahay ha u naxariisto. Waxaanan soo jeedin lahaa in marka qofku dhinto sida loo jecel yahay aynu isu jeclaano marka aynu nool nahay."

Dhinaca Xisbiga Kulmiye waxa isna u hadlay Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbigaas, isla markaan wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dadkana samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sidoo kale yidhi, 'Inaa Lilaahi Raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa reerkii, Caruurtii iyo dhammaan eheladii uu ka tegay Cabdilaahi Oomaar, waxaan ilaahay uga rejaynayaa in uu Jannadii ka waraabiyo, inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo. Cabdilaahi wuxuu ahaa Odayaashii reer Somaliland."

Guddoomiye- xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna yidhi, "Oday wayn oo dalka iyo dadkaba ku wayn buu ahaa, waqtigiisii ayuu dhintay, qof kastaana waqtigiisa ayuu dhimanayaa. Ehelkii waxaanu leenahay samir iyo Iimaan. Qof kasta oo inaga mid ahna waxa la gudboon in uu fahmo in maalin uun halkaa la geynayo oo la xabaalayo, waana in laga fikiro."

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro), kaas oo hadalladiisi ay ka mid ahaayeen, "Wuxuu ka mid ahaa Odayaashii reer Somaliland ee taariikhda ku lahaa halgankii iyo xorayntii Somaliland oo uu magac wayn ku lahaa. Waxa kale oo uu magac ku lahaa Ganacsiga Dunida, gaar ahaan meel kasta oo ay Soomaaliyi joogto. Waxaan leeyahay Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, eheladiisiina samir iyo Iimaan ka siiyo."

Dhinaca kale waxa taariikhda Marxuumka ku dheeraaday Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa dadkii la kulmay, isla markaana la rafiiqay Marxuumka. "Marka hore Geerida ku timi Cabdilaahi Oomaar Cawaale waxaanu ka tacsiyadaynaynaa Caruurtiisii iyo ehelkiisii, reer Somaliland iyo Soomaali oo dhan. Waxa kale oo aanu ka tacsiyaynaynaa intii taqaanay. Allaha u naxariistee Cabdilaahi Oomaar isku da' maanu ahayn, hase ahaatee xusuustaydu waxay dib ugu noqonaysaa 1960-naadkii oo aanu qoys ahaan saaxiib ahayn. Cabdilaahi Oomaar dadku ganacsade ayay u yaqaaneeen, nooc ganacsiga ka mid ah ayuu ka ganacsan jiray, ganacsigiisu mid aqoon ku xidhan buu ahaa. Madbacaddii u horraysay ee dalka timaadda waxa la odhan jiray Horseed, Cabdilaahi Oomaar sidaas ayuu daabacaaddii dalka horseed ugu ahaa. 

Wixii ku lammaanaa waxay ahayd Madbacaddaas oo daabici jirtay Jariiraddii Al-Liwaa, taas oo ahayd tii ugu muddada dheerayd Wargeysyada Somaliland oo waxa la bilaabay sanadkii dhawr iyo kontonkii, waxaanay joogsatay bishii October 1963-kii, isla markaana xaqle ayuu ka ahaa, waxaana uga hooseeyay Axmed Jimcaale iyo Axmed Yuusuf Ducaale." Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Horseedkaas ayuu ahaa, horseedkii Saxaafadduu ahaa, horseedkii xoriyatul-qawlka ayuu ahaa, horseedkii Ganacsiga casriga ah ayuu ahaa. Waxa ii suurogashay in aan arko oo aan la kulmo oo aan la sheekaysto mar kale sanadkii 1997-kii, oo uu waddanka u yimi in uu Madaxweyne isku sharaxo. Waxaan si fiican u xusuustaa Allaha u naxariistee qaabkii uu Ololaha Doorashada u galayay oo ay adag tahay sida waddanka looga helaa. Wuxu ahaa nin aqoon leh, markii uu galayay Ololaha Doorashada, wuxuu soo qaatay oo uu soo urursaday dhamman wixii macluumaad iyo deraasad laga sameeyay Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland hadday tahay sahan Ruush sameeyay ama Ingiriis sameeyay..Cabdilaahi Oomaar wuxuu haystay oo Gurigiisa taala oo dhaxal uu Ubadkiisa uga tegay ah wixii deraasad la sameeyay ee laga sameeyay Doox walba, buur walba iyo geed walba oo Somaliland ah..Ilaahay ha u naxariisto."

Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Cabdilaahi Oomaar oo ahaa Aabbaha dhalay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar iyo Weriyaha Caanka ah ee Raage Cabdilaahi Oomaar, ayaa xannuun in muddo ah oo hayay ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa. 

Taariikh-nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale

Isniin, 08 June 2009 (HOL)- Akhristayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa taariikh-nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo ka mid ahaa Odayaasha waawayn ee Soomaaliyeed, islamarkaana lagu aasay Hargeysa.

Taariikh-nololeedka Marxuumka oo aanu ka soo helnay ehelka Marxuumka, ayaa qoraal ay soo saareen oo ka waramay taariikh-nololeedkiisii wuxuu u dhignaa sidan;

"Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale wuxuu ku dhashay Magaalada Luuq ee Soomaaliya. Tacliintiisii, wuxuu ka baxay Dugsigii sare ee Waxbarashada ee Vacationer Training Center (VTC) eek u yaalay Magaalada Sheekh ee Somaliland sanadkii 1945-kii. Intaa ka dib wuxuu tegay Dugsiga sare ee Tababarka ee Ganaccsiga iyo maaraynta ee Cadan (Commercial College Aden). Waqtigaas oo ay Magaalada Cadan ahayd Magaalooyinkii ugu horeeyay ee Ganacsiga iyo ilbaxnimada Caalamka.

Waxyaabihii uu soo qabtay Marxuumku intii uu noolaa:

Ganacsiga:

Markii ugu horraysay waxa gacan qabtay Ganacsadihii weynaa ee Jirde Xuseen, isla markaana uu la shaqeeyay. Wuxuu aasaasay Shirkaddii ugu horraysay dalka ee la odhan jiray Oomar Company sanadkii 1957-kii. Waqtigaas waxa uu bilaabay Madbacaddii u horraysay Madbacadaha Casriga ah ee Modern Printing oo la odhan jiray Al-Liwa oo ah Calanka.

Wuxuu Muqdisho u digo-rogtay waqtigii Soomaaliya iyo Somaliland laysku daray oo uu halkaas ka sii waday Ganacsigiisii. Waxa kale oo uu sameeyay Ganacsi casri ah oo qayb kasta leh heer qaran iyo heer Caalami ahba lahayd. Wuxuu tartan adag la galay raggii Ganacsiga ku lahaa Xamar ee ajaanibka ahaa, sida Talyaaniga, isla markaana uu ka hor maray. Guulihii uu gaadhay wuxuu abuuray cadow badan, taas oo kaliftay in uu ganacsigiisii ula wareego Magaalada London sanadkii 1967-kii. Balse waxa uu waddanka gudihiisa dib shaqooyinkiisa uga furmeen sanadkii 1974-kii. Waxaanu Somaliland dib u soo degay sanadkii 1996-kii, oo uu ilaa hadda ku noolaa. 

Siyaasadda:

Marxuum Cabdilaahi Oomaar Siyaasadda muddo dheer ayuu ku soo jiray, waxaanu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururkii dhalinyarada Dugsiyada ka soo baxay ee Al-Madar, waxaanu noqday Lacag-hayihii koowaad ee Ururkaas, isla markaana wuxuu gelin jiray hantidiisia gaar ahaaneed oo uu Ururka ku taageeri jiray.

Sanadihii 1953-kii ilaa 1958-kii wuxuu noqday Madaxweynihii labaad ee Ururka Al-Madar. Sidaa darteed, Ururka Al-Madar waxay ka qayb qaadatay raadinta Hawd Saver Area (Gobolladii uu Ingiriisku bixiyay) iyo ololaynta Xornimadii Somaliland. abuuristii Xafiiskii NUF-ta oo loo xil saaray dhulkii maqnaa ee HAWD SAVER AREA iyo xornimadii. Waxaanu waqtigaas sameeyay 1957-kii Jariirad Magaceeda la odhan jiray Al-Liwa ee qaybta wayn ka qaadatay Halgankii gobonimo-doonka Somaliland.

Sanadkii 1957-kii Marxuumku Allaha u naxariistee wuxuu isku soo taagay Madaxweynenimada Somaliland, laakiin Dastuurka dalka ayaa sheegayay in labadii sanadood ee u dambeeyay aanu dalka joogin, taas ayaan iska hor taagtay Murashaxnimadiisii. 
Waxyaabaha kale ee Marxuumka lagu xusuusto, waxa ka mid ahaa;

-Wuxuu ahaa ninkii u horreeyay ee keenay dalka Ururka Laanqayrta cas waqtigii isticmaarka, hawlaha ay qaban jireena qayb laxaad leh ayuu ka qaadan jiray. Waxa kale oo uu u ololayn jiray waxbarashada gaar ahaan Hablaha oo uu aad u dhiirigelin jiray. Wuxuu aad u caawin jiray dhalinyarada xag dhaqaale iyo xag guubaabo labadaba.

-Sanadkii 1967-kii ilaa inta uu ka soo noqonayay wuxuu ahaa Odayga Soomaaliyeed oo aad u gacan qabtay mid Caafimaad u taga, mid Tacliin u taga iyo dad kale ee hawlaha kale u taga Ingiriiska. Sidaa darteed, waxa la odhan karaa wuxuu ahaa Safiir u fadhiya Umadda Soomaaliyeed dalka Ingiriiska. 

Shaqsiyaddiisa gaarka ah waxa ka mid ahaa;

-Wuxuu ahaa Marxuumku nin daacad ah.

-Shaqo badan.

-Hawlkar ah.

-Nin deeqsi ah oo gacantiisa meel walba gaadhay, cid walbana wax taray.

-Wuxuu ahaa nin indheer-garad ah oo aragti fog.

-Wuxuu ahaa nin naxariis badan oo qaddiyado badan qaata.

-Muu ahayn nin Qabiili ah, wuxuu ahaa nin waddani ah.

Waxyaabaha waddaniyaddiisa u astaanta ahaa waxa ka mid ah, in uu diiday in uu qaato Baasaboor aan ka Soomaaliga ahayn, waxaanu doortay in uu dalkiisa ku soo noqdo oo uu ku noolaa.

-Marxuum Cabdilaahi Oomaar wuxuu yaqaanay Qiimaha uu waqtigu leeyahay, waxa uu sheegay in uu yidhi, waligay Makhaayad maan fadhiisin oo kama sheekayn.

Wuxuu ahaa Nin qoys: Noloshiisa oo dhami waxay ku dhisnayd qoyskiisa, wuxuu ahaa aabbo jecel Ubadkiisa, naxariis badan u leh, waxaanu ugu dedaalay in uu siiyo Tacliinta u wanaagsan, waanu ku liibaanay inay ka soo baxeen Jaamacadda ugu wayn dalka ingiriiska ee Oxford iyo Cambridge. 
Wuxuu ifka kaga tegay:

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Oomaar wuxuu ifka kaga tegay Xaaskiisa Sahra Cabdulqaadir, Innamadiisa oo kala ah, Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Raage Cabdilaahi Oomaar. Hablihiisa oo kala ah, Raaqiya Cabdilaahi Oomaar iyo Saynab Cabdilaahi Oomaar.

Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, inagana samir iyo Iimaan ha inaga siiyo. 
  
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online 
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland


No comments: