11 April, 2009

TACSI EHELKA MARXUUM AXMED GEEDI (SANJAB)


Annigoo ku hadlaaya magacayga, kan reer Cabdi Carwo, iyo kan xaakeyga Amaal Cumar Carte waxaan Tacsiyaynaya Qoyskii uu Ka Baxay Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab)

"Inna Lillaah Waa Inn Ilayhi Raajucuun"


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa ehelkii qaraabadi, xigto iyo xigaal, awladii iyo marwadii uu ka baxay marxuum Axmed Muuse Geedi Sanjab Oo bisha 10 keedii ku geeriyooday Hargeysa. Waxaan marxuumka EBBE uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, iyo dhammaan qaranka Soomaliland ee uu hawlo badan u soo qabtay ka wada siiyo samir iyo Iimaan. Aaiin

Marxuum Axmed Muse Sanjab wuxuu xilal badan ka soo qabtay dalkii la isku keen odhan jiray Somalia una badnaa dhinaca xisaabaha iyo hanti-dhowrka iyo Baanka Horumarinta Afrika. Marxuum Axmed Muuse Geedi EBBE janadii Fardowsa ha ka waraabiyee wuxuu soo qabtay xilka xoghayayaha guud ee xisbiga Ucid waxaana lagu xasuusta qoraaladiisa siyaasi aan kalamada runta iyo xaqa ah aan ka laaban jirin.

Sanadaihii dambe ee uu xanuunsanaa waxuu joogay Cardiff oonu marna ka nasan hawl bulsho iyo talo-bixin isu-soo dhoweynta iyo dhismaha jaaliyadda ah. Waxuu ahaa nin adkeysi badan, samirka Ayuub leh, Alle-aamin naxariis badan oon cabsho xanuun iyo itaal midna muujin, ILLAAHAY naxariistii janat al Fardowsa ha ka waraabiyo ehelkiisiina samir iyo Iiman ha ka siiyo. Aamiin.

Ahmed Hassan Arwo

samotalis@gmail.com



AAA_,_._,___

No comments: