14 April, 2009

Taageerayaasha X. Kulmiye oo Markii 2.....


Taageerayaasha X. Kulmiye oo Markii 2-aad bishan gudaheeda Isugu soo baxay Xaruntooda (Sawiro)

Taageerayaasha X. Kulmiye oo Markii 2-aad bishan gudaheeda Isugu soo baxay Xaruntooda (Sawiro) thumbnail

Hargeysa (Somalilandpress)- Boqolaal ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, ayaa isugu soo baxay Xarunta Xisbigooda maanta, halkaas oo ay khudbado dhaadheer uga jeediyeen masuuliyiinta sarsare ee xisbigaasi.

Taageerayaasha xisbiga kulmiye, kamay muuqan wax-dareen cadho leh, hase yeeshee taas bedelkeeda waxa ay sacab iyo oog jaanta isla raacayeen marka ay mikrafoonka qabsadaan masuuliyiintooda, iyaga oo dareen farxadeed ku soo dhawaynayay masuul kasta oo isa soo hor-taagan, si taxadar lehna u dhegaysanayay.

masuuliyiin
Ciidamada Ammaanka ayaa iyagu isku weer ka qabtay oo hareera taagnaa Barxada Xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye, iyaga oo indha-indhaynayay dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah nabadgelyada, isla-markaana si buuxda ula shaqeeyay taageerayaasha goobtaas isugu soo baxay, ka dib markii ay Boolisku gacanta ku dhigeen Xabad Baastoolad ah ka riday dadka dhexdiisa, kaasoo markii gacanta lagu dhigayna ku dooday inuu yahay nin la shaqeeya Laanta Sirdoonka Qaranka ee (CID-da), hase yeeshee Booliska ayaa iyagu isla-markiiba gacanta ku dhigay, kuna xidhay Xarunta baadhitaanka dembiyada ee CID-da, ninkan dhalinyarada ah ayaa dhinaca kale la sheegay inuu xidhiidh wada-shaqayneed oo toos ah la leeyahay Maamulka Gobolka Maroodi-jeex.

dscf5458
Masuuliyiintii ka qayb-galay isu soo baxaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan hogaanka xisbigaas ayaa khudbado dhaadheer oo ay goobtaas ka jeediyeen si wayn ugu naqdiyay hab-dhaqanka xukuumada.

dscf5455

isla-markaana waxa ay bar-xaaraan ah ku tilmaameen sifaha ay Madaxtooyada uga sii shaqaynayaan Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumada, hase yeeshee Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa'uud oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa iyadu sheegtay in aanay ahayn xisbigeedu Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenka oo qudha ku sheegeen kuwo ku fadhiya sharci daro, balse ay iyadu qabto in dhamaan xukuumada oo ay ku jiraan xataa Golaha Wasiirada ee Madaxweynuhu soo magacawday uu gebi ahaanba wakhtigoodii dhamaaday, loona baahan yahay isbedel dhaca.

dscf5459

dad11

dad7

Source: Somalilandpres

No comments: