11 April, 2009

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Oo Tacsiyadaynaya Qoyskii uu Ka Baxay Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Oo Tacsiyadaynaya Qoyskii uu Ka Baxay Marxuum Axmed Muuse Geedi (Sanjab)

"Inna Lillaah Waa Inn Ilayhi Raajucuun"


Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siiaanyo isaga oo ka tiiraanyaysan oo ku hadlaya magaciisa magaca golaha fulinta, golaha dhexe dhamaan taageerayaasha xisbiga gude iyo dibadba waxaa uu halkan ka tacsiyadaynayaa eheladaii qaraabadii awladii iyo marwadii uu ka baxay marxuum Axmed Muuse Geedi Sanjab Oo bisha 10 keedii ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingriiska. Gudoomiye Siilaanyo waxa uu marxuumka EBBE uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina ka wada siiyo samir iyo Iimaan. Aaiin

Marxuum Axmed Muse Sanjab wuxuu xilal badan ka soo qabtay dalkii la isku keen odhan jiray Somalia iyo baaka horumarinta Afrika.  Marxuum Axmed Muuse Geedi EBBE janadii Fardowsa ha ka waraabiyee wuxuu soo qabtay xilka xoghayayaha guud ee xisbiga Ucid waxaana lagu xasuusta qoraaladiisa siyaasi aan kalamada runta iyo xaqa ah aan ka laaban jirin.  ILLAAHAY naxariistii janat al Fardowsa ha ka waraabiyo ehelkiisiina samir iyo Iiman ha ka siiyo.  Aamiin.


__,_._,___

No comments: